HANAQAAD: Socdaalka Madaxweynaha ee Gobollada Dalka

Eng Hussein Adan Egeh1.       HORDHAC:

Gudaha iyo dibeddaba, aad baa loogu riyaaqay Socdaalka“Hanaqaad”  ee Madaxweynaha Jam.Somaliland iyo wefdigiisu ay ku marayaan Gobollada Dalka, Galbeed ilaa Bari. M/weynaha iyo wefdigiisu waxay Gobolladii ay booqanayeen kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan iyo shacbi-weyne aad ugu riyaaqsan oo gacmo furan ku qaabilay booqashada uu Madaxweynuhu ugu yimid. Socdaalka “Hanaqaad” waa safar miisaankiisa iyo macnihiisaba leh oo mar kale xaqiijin u ah ballan-qaadyadii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ummadda la gashay. Taasoo ahayd in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay noqon doonto Xukuumad ay dadku leeyihiin oo u adeegta danta guud ee bulshada.

Hambalyo, bogaadin iyo taageero baaxad leh oo aan kala go’ lahayn ayey shacbigu kaga dareen celiyeen Socdaalka “Hanaqaad” ee Madaxweynaha Jam.Somaliland uu ku marayo Gobollada Dalka. Madaxweynaha Jam.Somaliland waxa uu si kalsooni leh u dhex marayay ummaddiisa, waxana uu u kuur-galayay waxyaabaha ilaa hadda Xukuumaddiisa u qabsoomay, waxa weli dhiman, baahiyaha jira iyo muuqaalka nolol-maalmeedka ummaddiisa. Arrintani waxay dhalisay dareen shacab oo farxad leh kaasoo saamayn weyn ku yeelan doona kalsoonida ay shacabku ku qabaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa.

2.       SocdaalkaHanaqaadiyo Farriimaha Ku Duugan:

Socdaalka Madaxweynaha Jam.Somaliland Ahmed Silaanyo uu ku marayo Gobollada Dalka, waa Safar Sama-wade kaasoo aan ugu magac daray “Hanaqaad”. Waxa uu hormood iyo horseedba u yahay xaqiijinta hadafka iyo himilada Xukuumadda ee ku wajahan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dhamman gobollada dalka. “Hanaqaad” waa Safar si weyn u soo jiitay dhammaanba noocyada kala duwan ee warbaahinta ku hadasha af-ka ummadda Somaliland, xataa kuwooda xag-jirka ah. Safarka Madaxweynaha ee Hanaqaad, waxa uu farriin cad iyo digniinba u yahay kuwa had iyo jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya. Waa safar si weyn ugu quus-gooyey af-miishaarka, si-xun-wax-u-sheega iyo horumar-diidka.

Socdaalka “Hanaqaad” waxa ku duugan farriimo badan oo is huwan kuwaasoo ay ka mid yihiin:

1)   Socdaalka “Hanaqaad” waxa uu si dhab ah u xaqiijiyey awoodda uu Madaxweynuhu (caafimaad ahaan, jidh ahaan iyo maskax ahaanba) u leeyahay inuu si xarrago leh u beegsan karo Safarka baaxaddaa iyo masafadaa leh (Nationwide round trip ±1700 km). Waa farriin adag oo si aan qiyaas lahayn ugu quus-goysay kuwa had iyo jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya.

2)   Socdaalka “Hanaqaad” ee Madaxweynuhu waa farriin culus oo si toos ah ugu socota Bulshada Caalamka ee nabadda iyo xasiloonida jecel. Farriintani waxay mar kale si toos ah u xaqiijinaysaa Nabadda iyo Xasillonida ka jirta gebi ahaanba Jam.Somaliland, Gobol kasta iyo goob kastaba, Galbeed illaa Bari, Xeeb illaa Hawd; taasoo si dhab ah la isugu hallayn karo.

3)   Socdaalka “Hanaqaad” waxa uu daliil cad u yahay sida Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ay uga go’an tahay horumarinta Wadooyinka, Dekedaha iyo Maddaarada dalka oo dhan, taasoo aanay cidina ka hor istaagi karin. Saylac illaa Ceerigaabo iyo inta u dhaxaysa oo Waddo laami ahi isku xidho, waa Yoolka Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo.

 

4)   Socdaalka “Hanaqaad” waxa uu si dhab ah shaaca uga qaaday sumcadda, karaamada iyo taageerada baaxadda leh ee ay ummaddu weli u hayaan M/weyne Axmed Silaanyo iyo sida aanay cidina ugula tar-tami karin haddii uu mar kale isku soo sharraxo hoggaanka dalka. Waa hoggaamiyaha keliya ee dammaanadda u ah midnimada iyo isku-duubnida bulshada iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka iyo danta guud ee ummadda.

 

 

 

3.       Gabagabo:

 

Wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku tallaabsatay muddadaa 3-da sano iyo badhka ah, waa arrin si cad u muuqata oo aan la iska indho tiri karin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaana markhaati ka ah. Waxa lagama-maarmaan ah in la difaaco hurumarka, himilada iyo hiigsiga ay ummadda JSL leedahay. Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ha iska jirto AAFADA ay shacbiga dhexdiisa kula wareegayaan kooxo fidmo-wadayaal ahi. Xukuumadda waxa looga baahan yahay inay si dhab ah uga hawl-gasho inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin.

 

Dabcan, waa la fili karaa inaan cid waliba ku farxi doonin horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumaddu ku tallaabsato, waayo guusha ayaa cadow badan leh oo aan cid waliba ku qanci doonin! Laakiin, Shacbiga ayaa Qiray waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumadda hadda talada haysaa ku tallaabsatay, taasina waa  Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummaddooda.

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q:  Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) Hargeysa, Somaliland|

 

HANAQAAD”: Socdaalka Madaxweynaha ee Gobollada Dalka