Hammi Caashaqbaa hoday! – W/Q: Khadar Nuux Yoonis

khadar nuuxSunnaha noloshu waa dadaal qofeedka oo laga dhabeeyo, hiigsigana lagu daro fikir iyo fiiro dheer, niyad jabkuna waa guuldarada koowaad, ku xidhinaashaha Eebbe ayaa fure u ah guusha. Hammi ka dhabaynta iyo u dhabar adegayga hawlaha kugu xeeran ee u baahan xalinta.Cabdale waa wiil dhallinyaro  oo  hadda dhammeeyay waxbarashada dugsiga sare, laakin aan wali helin fursada  jaamacadeed oo uu ku galo waxbarashada sare , ahmmigiisa ugu wayni wuxuu yahay siduu qoyskooda   ugusoo saaro nolol maalmeedka ay quudan lahaayeen. waxa uu eegay hareeraha hadana waxa uu dib u jaleecay  hoygiisii maba yaalo Wax uu ku nastaa ,maskaxdiisa waxa kusoo maaxatay maxaad maanta naftaada tarri kartaa kuna horumarinkarta ,dee Jaamacad gal oo waxbarashada bilow, horta lacagta Jamaacadda ma awoodaa ,maya! haddaa maxaad naftaada ku horumarinkartaa ,dee dadaal ,waxa uu ka dhursugayaa sida uu uga jawaabi laha su’aalaha maankiisa qaaday ee ku soo noqnoqonaya mase Ka jawaabi karo oo waxa u muuqanaya hirar  is daba yaala oo duruufo adagi ku gadaamanyin,waa dhallinyaro aan  nolosha ka dhicin laakin kaalintiisii taagnayn culayska durufuhu hareeraha ka xigaan mase niyad jabin. Naso ka dheer Cabdale.

Malin kasta Intuu dhafoorada is qabto ayuu fikiraa malihiisa wuxuu niyada ka yidhaa, “durufahani mala Kaliga ayay kugu xeeranyiin” waa ehlu diin aaminsan qadarka Eebbe iyo qoraalka mawle. Maskaxdiisu waxay ku cel-celisaa maya maya kumanaan aynigaaga ah oo waqtigu dabray ayaa kula qaba culayskan, samirbaase kula gudboon samraana sadkii wuu helaa. isagoo wali dhabanada haysta ayaa waxa uu xasuusta ereyadii Heestii Cabdinaasir macalin siciid “Haadka Sammada Duula iyo Diinkuba u siman Calaf ”. Haa diinkuba u siman calaf ayuu ku celceliyay sidii qof wajaqan. Wuxuu jeclaa inuu waxbarashada heersare ka gaadho waxase dabar adag ku seeteeyay waqtiga adage e noloshiiisu la kacaa kufayso. Huka keliya ee uuu ku jeeniqaranyahay waa qallin iyo buug wuxuu aaminsanyahay in aqoontu tahay ta aadamaha kala laandheeraysiisa ee kala horumarisa.Wuu jecelyahay waxbarashada, laakin waxa xidhaya hawlaha Naftiisa iyo ta qoyska, Kamuu go’in buuga iyo qalinku, waa saaxibka keliya ee uu ku kalsoonyahay, Maalinwalba xoogsoo gaadh heer jaamacadeeeda wuxu nafta ku madadaaliya adba is bar aqoonta, waa mufakir aan dadaal yarayn itaallki. buug ayuu soo qaata, qaar uu gaadhay iyo qaar aanu weli gaadhin,buuggaagataa masegaadhin heerkiisii uu rabay, mana garanyo macnaha buugaag badan,oo muxuu u garan wayay sawka dugsiga sare dhameeyay ,haa wuu dhameeyay Laakin Buugaagtaasi Ma qaato waxa uu ku hamiyayaa Heer jaamacadeed. Naftiisu hugun badanna oo Hadalada maskaxdiisa ka soo burqanayaa Isku Wada Eekaa Waa su’aal kaliya ,goorma ayaad heergaadhaysaa ,alle ayaa ogtaasi ayuu hadan hoos u yidhaa.

Wuxuu hiigsadaa Isla markana ku daydaa oo Duruufuhu ka xajinayaan dad dunidan ka caana, Maalin maalin waxa uu is moodaa Inuu Gaadhay oo uu halkooda talaabsanayo Mase ku dhawa waxa ka hortaagan waayaha ku xeeran. Muddo markuu sidaa ku jiray wuxuu galay nolol cusub oo ka gedisan noloshuu mudada ku jiray, waxa uu Shaqo aan Buurnayn ka helay Meel Dhallinyaro badan ka shaqayso ,haa badh way si garanayaan Laakin Waxay isku yaqaaneen Goobaha Laga Qaxweeyo , Ilaahay wuxuu hibo u siiyay Maskax wanaagsan, fiiro dheeraan, faallo tolmoon, waa nin afgaaban oo xishood badan, Fikirka iyo La hadalka Naftiisu Wali Kama bixin qalbigiisa, Kumana qanacsana Shaqadan uu helay Laakin Waa jaran jaradii iyo jidkuu u maraayay horumarka naftiisa,Waxa markiiba maskaxdiisa ku soo booday Fariin Culus ,Maxay Tahay Fariinta Ku soo booday ,markiiba waxa uu eegay hariirihiisa Dhalinta meesha joogtaa Nolosha way ka dhacsanyihiin Qaarbaa shaqadan yar Dabada haystay Mudo dheer oon rajo kale sugayn  iyo inay Heergaadhaan ,buug iyo qalina bari hore tuuray Balwad iyo Qayilaad jaanina halakaysay. Jaleecadii hareerihiisa daymoodayba waxa ku soo dhacday fariin qalbigu u tabinaayo jidhka iyo ruuxda. “Ha isku ilaabin! Haa ha isku Iloobin Goobtan”,oo hadan ka shaqaysto maxa dhacaya ,Eeg dhalinta kaaga soo horaysay waxay la falgaleen Meesha ,oo siday ula falgaleen ,Waxay is moodsiyeen Inaanay waligood Meel kale gaadhayn aan ka ahayn halkan. Shaqada musharkedu sida uma buura hadana camal la’aanti iyo suuq waleeccaadkii way u dhaanta, bishii waxa uu qaataa lacag yar, intaasi su’aalo kale ayay ku furtay maskaxadii markii horeba su’aalaha badani hadheeyeen. Waxa markiiba maskaxdiisa ku soo dhacaday Waxbarasho Jaamacadeed, oo Waa Imisa Sanadkii? Su’aashaas maskaxdiisa way ka waynaatay marka uu jaleecay Inta uu ku soo shaqo tagay iyo halka uu ka yimid, haa wali kama quusan Inuu naftiisa horumariyo rajo wanaagsana waxa uu ka qaba in hadii aanu is dhigan gaadhi karo meelo badan oo ay gaadheen qayrkii.

Waxa uu fikir Dheer Go’aanasaday Inuu Keeno Wax uu bulshada kale kagaga soocnaado, Waxa markiiba maankiisa ku soo Dhacday inad badiso akhriska buugaagtaa isla markaana naftadada wax bartid inta aad halkan naftada iyo ta qoyska ku maaweelinayso. Qof ka si wanaagsan u fikira ma hungoobo, waana hubaal inuu gaadhi karo halka uu ku hamiyayo  hadii uu la yimaado qalbi wanaagsan iyo niyad samaan dadka ka hooseeyana eego,waxaa Qasab noqontay inuu noqdo rajo ku nool Ilahay ku xidhan Markastana Eegaya dad badan oo dadaal sameeyay halka ay aduunka ka joogaan ,waxa yididiilo galisay shaqadan oo uu noqday qofka ugu wanaasgan marka uu muddo ka shaqaynayay,waxa uu iska dhawraa inuu dhex galo shaqaalaha kale ee ay ka wada shaqyanayaan waxanu raaca had iyo jeer ka uu is leeyahay in uunbaad cilmi ka faa’idaysaa.

Waxa maskaxdiisa ka guuxaysa markasta maahmaada tidhaa “dadaalaa xaaji cabaas waaa gaadhaa wanu dhaafa” waxanu niyada gashaday inay tani ayaamo tahay waxa uu iska dhigana uu noqonayo. Cabdale waxa uu noqday shaqsiga ugu wanaasgan ee goobta soo gala waxa uu mutaystay in loo biiriyo mushaharkii uu meesha ka qaadan jiray, hada wax waa tari karaa naftiisa Cabdale,ta qoyskana waa horumarinkaraa,waxana markiiba niyadiisa ku soo dhacday wixii uu ku taami jiray in mar uun Illahay niyadiisa u rumayn  doono oo uu jaamacad ka qalin jabin doono,waxanuu markiiba bilaabay la xisaabtanka naftiisa iyo inuu wax meel dhigto si ay  inta kale uga kafayso nolol maalmeedka xaafadooda. Jaamacad marka la soo qaado niyadiisa waxa ku soo dhici jirtay isagoo dhameeyay oo xidhan dharka burjiga weyn ee qalinjabinta. waxa murugoon jiray marka uu arko wiil dhalinyaro faciisa ah oo jaamacad ka qalin jabinay, waxanu maankiisa ku soo dhici jirtay wixii Eebbe kuu qoray kuma seegayaan, waxan dhici doonta adigoo aqoontaada kabay oo ka baxay jaamacad.

Waxa uu waligii ku hammiyi jiray inuu jaamacad Galo wali kuma guulaysan oo waxa jira duruufo ka xoog batay  oo wali dhinacna u dhicila mana  niyad jabin ,waxa uu taagan yahay wadadii guusha isagoo rajaynaya inuu mar uun cagaha saari doono  hamigiisana kagana dhabayn doono. Qofkasta waxa uu la kulmaa caqabado, duruufo is barkan waxana markasta guulaysta qofka aan niyad jabin iskuna dhiibin waayaha aduunka.

Cabdale waxa uu ka mid yahay dhallinta aan  isku jilcin Waayaha aduunka laakin maskaxdiisa la sheekaysta kuna booriya inaanay niyad jabin waxanu markasta maankiisa ugu falciliyaa inay durugsantahay meesha uu ku socda . Illaahay qofkasta waxa uu u dhabeeyaa niyadiisa waxanu ku garab gala waxa uu waydiisto, Cabdalena waxa aan marna ka bixin niyadiisa inuu maalin maalmaha ka mid ah gaadhi doono heer isago kadhabayn doona rajadiisa, qofkastana waxa loo baahan yahay inaanu nolosha ilaawin isla markaana hammi iyo hiigsi fog yeesho xiitaa hadaan waayuhu u saaxamayn inuu kol uun fikirkiisa ku jirto.

Cabdale waxa uu had iyo jeer  ahaa kaligii fadhi isku mashquulsan kuna jira fikir dheer oo uu ku raadcaynayo hamigiisa nololeed,goor gaaban oo casar ah ayuu fadhiistay qolkiisii uu seexanayay waxa uu galay fikir dheer waxanay niyadiisu ku soo celinaysay su’aalo faro badan oo ka turjumaya dareenkiisa qofeed ee uu ku raadinayo hiigsigiisa markastana waxa niyada uu ku hayay in uu hiigsigiisu rumoobi doono waxanu isagoo isku maqan yidhi WALI DURUGSANAA’wali cabdale jaamac ma galin laakin hamigiisa kama bixin.laakin hada hiigsigiisii waxa gashay inuu naftiisa ku canaantay in ay ku hungowday. Waxay is barteen Gabadh ay jaar ahaayeen, jaar uun may ahayne waxbarashadana wehel ayay ku ahaayeen,markan hamgisii fogaa ee ku dhisnaa heer jaamacadeed hoos ayuu u dhacay waxana dhabarka ka jabiyay hami jacayl,mana hawaysanayo jaamacadoo waxa ku dhacay dareen ka duwan kii hore.

Muna Waa gabadh qurux badan oo iyadana cabdale kuma cusba oo fasalkii Saddexaad ee dugsiga sare way is arki jireen ,laakin may wadda hadli jirin waayo Cabdale waxa uu ahaa qof afgaaban oo ka soo horbixi jiray kana horgali jiray.Muna Kama Liidan Laakin Ilqoodha ayay ka Eegi jirtay had iyo jeer. Waxay ku kulmeen aqalkooda agteeda,way wadda hadleen.muna walal waxan ku garanayaa adigoo dadaal badan oo dugsiga sare aynu wadda dhigan jirnay,waxad lahayd qosol qurux badan iyo qalbi furan,waxaan xasuustaa maalintii aad jawaabaha fiican ka bixisay xiisadii taariikhada ee Macalin Jaamac dhigi jiray,waan jeclaan jiray inaan ku arko had iyo jeer.isagoo Muna u sheekaynaya ayaa waxay ku tidhi.

“Waar cabdale horta Jaamacadii waad dhamaysa saw maaha,” beerka ayuu ka naxay waayuhu adagaa in badan ayuu hoosta ka yidhi,hadii ay su’aashaa iga dayn lahayd wax badan ayaan waydiin lahaa wanu is fahmi lahayn;inkaari ku dhacday maxay kuugu furtay mawjadaha fikirka may iska kaadayso!in badan ayuu ka meeraystay jawaabtii laakin waxa uu ugu jawabay nasiib uma helin inaan jaamacad galo,waan jeclaa waanan ku hamiyi jiray laakin hada mooyi,ayuu si kayr kayraysa ugu yidhi Muna oo la yaabanayd inankii hadalka is daba galinjiray oo haghago yeeshay.Cabdale waxa uu dareenkiisa ku yidhi is ilawsii  duufaanka su’aashaas laakin bal yara warayso,waligayba waan jeclaa inaan la hadlo,laakiin iyada mooyi.markaad aragto wiil dhallinyaro ah oo dareenka galay gabadh waxa kugu soo dhacay tolow ma yeeli? Tolow dhexdooda cidkale may soo gali?hoostaad uga ducaynaysaa Allow isku sakhir.

Cabdale sheeda ayuu ka eegi jiray Muna,markay guriga ka sii baxayso iyo markay soo galayso. Cabdale ayaa Maalin guri yar oo Jiingad(Sandaqad) ka samaysan oo xaafadoodu degganayd kaabadiisa fadhiistay waxa uu kolba dhinac jaleeco waxa uu sheed ka arkay muna oo si fican u labisan oo xaga xaafadooda u soo socota,way yara kala shisheeyeen oo iyaduu dhankaasi ayay ka xigtay Cabdale ,laakin awal wuu ka waji dadbi jiray maaddama ay jaar isku soo wareega ahaayne oo iska war haya. Wuu u yeedhay inantii oo dhinaciisa maraysa “Walal Muna iska waran oo Maanta waad habsaantee maxaa jiray”ayuu ku yidhi

Way dhoolacadaysay  markaasay muusootay hadalka Cabdale oo ay Muddo jaar ahaayeen oo aan la hadli jirin uu maanta kaabada kula sugayo “walal meeshii ayaanu ku yara raagnay”ayay ugu jawaabtay si hoosta ka yara khajilaysa waraysi dheer ka dib ,la kala dhaqaaq oo mid waliba dantiisii raac ,dhugusho iyo dhalinyaro lama kala waayo ,eegamada xageeda u badi aadna u sii jaleec ,oo eegamada Cabdale waxad moodaa mid aan laga madhnayn,Waxana Isha in badan uu la raacayay Muna oo Meel aan ka Fogayn sii laafyoonaysa,Muna  ma oga oo dhugashada dheer ee Cabdale uma dhuglaha, Cabdale oo wali la dhacsan quruxda Muna iyo dareenka Ka galay ayaa waxa maankiisa ku soo dhacday heestan.

“Walee midho ku yiil maadh iyo tigaad,

Meel mayay heloon soo maray Hadeer

Mid dhex joogtayoo midabkay lahayd

Indhuhu u muhdeen” Axmed gacayte

Muna oo ah gabadh asluub badan, inta illahay qof dadnimo siiyay uu u dhamaystiray waa maariin dhalaal xiga muuqeega indhihi halacsaana eegmada Kama reebayaan, dhoolacadayn badan, joog ahaan waa dumarka ta ugu dheer, dhexdu taago ayay leegtahay, ma hadal badan oo intii gabadhnimo way xishoonaysaa, walina waxay wadaa waxbarashadeeda iyadoo hada ku jirta heerkeedii jaamacadeed. Oo Hadaa Cabdale Meeday Jaamacadii uu mudda badan Maanka ku hayn jiray? Muxuu u gali waayay jaamacadii? Mee hammigiisii fogaa ee uu hiigsan jiray hawda sare inuu gaadho?

Waxaasi waxa mar qudha iskiisad mariyay dareen eegmo ka abuurmay, kolkol wuu is canaantaa waxanu yidhaahdaa “oo awalba waad iska joogtay oo akhriskaad jeclayd ee maxaa ku wareeriyay ee hawshan ku galiyay” laakin waxay maskaxdiisu ku celisa waar reer dhiso oo dhaqan.Maalintaasi ayaa Cabdale hammi guur iyo reer dhaqsho galay. Waxaanu u tafaxaytay sidii uu u hana lahaa qalibiga naxariista iyo kalgacalku hibitiqaayo ee Muna. Waxa uu ku hadaaqi jiray magaceeda,in badan oo asxaabtiisa ahaa oo cabdale sidii ay ku yaqaaneen maaha,fikirkuu fikiri jiray waxa ugu biiray mid kale oo ka sii daran waxanu kujiraa cabdale, mawjado kalgacal. Wakhtigu cajiibsanaa,noloshu cay baddanaa ,isku wadda dhawaaha hawluhu sida ay isku badalayaan,cabdale waxa uu go’aansaday inuu Muna la kulmo sheeko dheer iyo balanqaad wanaasgan wadda galaan,waxaa uu dabagal ku sameeyay wakhtiyada ay jaamacada ka soo rawaxdo iyo wakhtiyada ay sii tagayso.

Maalmuhu kala wacanaa oo nasiibkiisu wanaagsan Cabdalle,waxa uu Muna oo aad fadgalbeed moodo kula kulmay iyadoo markaasi jaamacadda ka soo rawaxday meelaan ka fogayn jaamacada dayrkeeda kula kulmay,Salaan Diiran. Cabdalle “muna Walal Waan ku salaamay. Muuna ayaa si hufan uga qaaday bariidadi “waan kaa qaaday Cabdale soo dhawaw maanta Waad soo fogaatay? Isagoon su’aashii wali ka jawaabin ayuu niyada ka yidhi waar yaa u sheega inay laydheedu I wadday oo aanan anigu socon Cabdalle “haa walal waxaan ahaa booqasho gaaban,Maad sii socotay? Muna “haa walal hadda ayaan xiisadii ka soo baxay wanana tagayaa xaafadihii” Waxa cabdale ku soo dhacday meel aan rabbay rooba igu eri.

Baskii jaamacada lama raacin mid kale ayaa kuraasta laba’labada ah la fadhiisatay sheeko dheer ayaa la wadda galay,xiiso jacayl ayay yeelatay.oo basku dheereeyaa goormuu durba xaafadihii soo gaadhay, la deg intii guriga lagu sii socday haasaawaha gawda laga saar,waxa lagu soo horeeyay gurigii cabdalle oo xaga Waddada xigay.waxoogaa la wadda fadhiisay lagu nasay,hadal waayeelna lagu kala tag,tolow maxay is yidhaahdeen? Cabdalle iyo Muna waxay wadda gaadheen inay ku heshiiyaan kolkay jaamacadda dhamayso inuu soo doono Cabdale halkaasina ay ku noqdaan qoys wadda noolaada.Sheekadooduna waxay maraysaa…

“haddaan dhaayuhu

Dharaar ku arkayn

Ma dhama noloshu

Badhbaa iga dhiman”

Waa Casar Waxa halkaasi si farxadleh uga soo baxay geelle oo ahaa nin guriga Cabdale Ka ku xiga gali jiray, Waxa uu sidaa warkii ugu xumaa oo uu Cabdale bushaaro uga dhigayo ilayn iskuma ogayn inay hoosta iska gaadayeene,waa war uu ka naxay,in badan ayuu hoos iyo kor u ooyay,hadii indhaha laga ilmayn jiray Cabdale markan Qalbiga ayuu ka ilmeeyay,warkaasi ma fiicnayn habeenkaasina ma seexan Cabdale,waxa si kadis ah loogu sheegay hadal dhankiisa dhiilo ka ahaa kii u sheegayna farxad ka ahaa.waxa lagu soo wargaliyay in gabadhii Muuna Barri loo fadhiisanayo .labada dhaban iyo dhafoora haysigii uu mudada ka muquurtay ayaa ku soo booday ,laakin waxa markan u dheeraa inuu caloosha iyo wadnaha ka ooyayo,inay ilmadii dhulka ku dhici jirtay bogiisa dhaamisay. Mee wacadkii iyo wallhi ahaa inay nolosha lamaane wadara ahaanayaan, waa kas dumar, muuni may ka fekerin sida xaal noqon doono iyo saamaynta ay nolosha Cabdale ku leeday.

“yartaan Aawadeed uu oomanaa

Axdi wadda marooo may oofinine

Nabsi oodanbaan ku albaabayaa

Indhahaygaa ooyayee,ooyayee….

Yartii aynigeed u ilwaad sanayd

Ereyada kalagacal ii odhanjirtee”Cumar dhuulle

Inkastoon ku taamay timo haldhaalay,taws iyo xanuun iyo tiirayo kala kulmay ,hiigsigiisii waxbarasho ka maydhan,waxa buux dhaafiyay kuna haftay dareen taag la’aaneed oo cidlo dhigay’waxaan ku hungoobay hammigii Jaamacadeed ee aan lahaan,ayuu kor u leeyahay Isagoo kaligii fadhiya Meel,waxana halbawlaha jiray dareen baaskii ,maalinta madaw ku tiftaafmay qalbigiisa.

“Saw way iga baydhee

Barbarkayga kuma waddin

Jacayl biri ma goysoo

Biyo kaama maydhaan” Maxamed Axmed Kuluc

Sidaasi ayuu xaalka Cabdalle maanta marayaa,ma joogo mana maqna hiigisigina jacayl haddimo sababay ayaa hoday ,habeen madow ayuu dhex jibaaxayaa,walina xalka ma gaadhine wuu hoganayaa sidii curudkiisii la daldalay….

Khadar Nuux Yoonis

knyonis@gmail.com