Hambalyo ku aaddan Garsoorka Somaliland – W/Q: Xuseen Wadaad-yare

Waxa aan halkan hanbalyo uga dirayaa garsoorka Somaliland gaar ahaan guddoomiyaha maxkamada rafcaanka garyaqaan Cabdirahman Jaamac Hayaan.
Waxana aan uga mahadnaqayaa isaga oo kiiskii lagu soo eedeeyay Axmed Cumer Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo Axmed Cilmi Barre u qaaday si xaqsoor ah, una soo celiyey xoryadoodii, masuuliyiintaas cadaalad darada ku xidhnaa muddada gaadhaysa 7 bilood.
Labadan masuul waxa ay muujiyeen wadaniyad xoogan iyaga oo kalsooni siiyey waaxda garsoorka kolkii ay ka qaateen rafcaanka,iyaga oo diiday in odayeyn lagu sii daayo maadaama aanay waxan lagu soo eedeeyay lug ku lahayn, waxana ay arintaasi cadaatay 10/10-2012.
Labada masuul waxa aan ka codsanayaa in aanay cuqdad ka qaadin xadhigaas ee sidii ay ugu shaqaynayeen dadkooda iyo dalkooda ay ugu shaqeeyaan.
Xukuumada Somaliland iyadana waxa aan ka codsanayaan in ay masuuliyiintaas ka siiyaan raali gelin muddadii ay xidhnaayeen sidoo kale ay magdhow ay ku qancaan siiyaan.

Alla Mahad Leh
Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)
Xoghayaha Jaaliyadaha ee xisbiga UCID