Hambalyo Iyo Taageero U Direyna Hogaan Dhaqmeedka Iyo Masuuliyinta Beelaha Gabooye Ee Safarka Ku maraya Gobolada Somaliland – W/Q: Barkhad Xaaji Cabdi (Mr Gaboye)

bmrgaboye3333Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan dhamaan qurba joogta beelaha gabooye ee North America waxaanu halkan si wada jira hambalyo iyo taageero aan la soo koobi kariin uga soo gudbinayna hormoodka hogaan dhaqmeedka iyo masuuliyiinta beelaha gabooye ee somaliland  ee todobaadadan safar aad u qiimo badan ku maraayeen dhamaan gobolada somaliland  iyo deegaanada ay beelaha gabooye dagaan ,

Waxaa hubaala inuu safarkaas ahaa mid miisaan culus leh ayna ku dheehantahay midnimo iyo wada jirka beelaha gabooye waa safar ruuntii soo jiitay indhaha bulsha weynta beelaha gabooye ee ku kala nool daafaha dunida iyo dalkeena somaliland waa safar ruuntii aad aanu ugu diirsanay shucuubtayadana dareen gaara ku abuuray socdaalkaas dheer ee xog wareysiga ahaa  .

Waxaan mar labaad u hambayaynaynaa salaadiinta iyo boqorka iyo waxgaradka iyo masuuliyiinta socdaalkas dheer galay ,waxaan si gaara hambalyo ugu gudbinayna hogaamiyaha safarkaas oo ah haldoorka aqoonyahanka da,da yar ahna la taliyaha madaxweynaha somaliland ee arimaha bulshada beelaha gabooye waa Mudane Barkhad Jaamac Xirsi  oo ruuntii u xuub dhacsaday siday umadiisu wax u noqon lahayd , waa mid mudan in lagu xuso waxqabadka uu umadiisa diyaarka ugu yahay inuu wax kala qabto dhibaatooyinka ku gadaaman bulshada gabooye ,waxaan sigaara ugu xusayna qaybta uu ka qaato dhanka waxbarashada iyo horumariinta dhaliinyarada iyo dhanka adeega daryeelka danyarta iyo agoonta beelaha gabooye waana muduu mudaan yahay taariikhduna xusayso ,waxaanse aaminsanahay inuusan mudnayn haldoor BARKHAD JAMAC XIRSI ,masuuliyada uu hada u hayo xukuumada ee ah la taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada beelaha gabooye ee soamliland ,ee uu mudaan yahay xil ka sareysa iyo ilaa heer wasiir karti iyo aqoona uu u leehyahay insha alahna aan u rajaynayno inuu si deg dega u heli doono jagada iyo masuuliyada uu u qalmo haldoor barkhad jaamac xirsi ,insha alah ,,

Waxaanu si wada jira taageereyna soona dhaweynayna socdaalka iyo safarkii hawlleed ee ay salaadiinta iyo boqorkooda iyo masuuliyiintu ku maraayeen dhaman gobolada somaliland wax qabadkii ugu horeyeyna ay ku sameeyen gudiyo matala beelaha gabooye ee  lixda gobol ee somaliland u matali doona beelaha gabooye waa talaabo wanaagsan oo horseedi doonta midnimada beelaha gabooye iyo horumarkooda waanan hambalyaynayna masuuliyiinta gudiddaas loo dhisay beelaha gabooye ,waxaanu ugu baaqayna salaadiinta iyo boqorka iyo masuuliyiinta safarka dheer galay inuu safarkoodu noqdo mid ay ka soosaaraan baadhitan iyo daraasado xog ururiin ah oo ku salaysan baahiyaha iyo duruufaha ku gadaaman beelaha gabooye ee dagan lixda gobol ee somaliland  warbixiin culus oo midha dhala u gudbiyaan madaxweynaha somaliland iyo xukuumadiisa si wax loogu qabto dhibaatooyinka haysta beelahan gabooye ,,ee muwaadiniinta reer somaliland..

Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadiin u direyna madaxweynaha JSomaliland Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD -SIIRAANYO iyo xukuumadiisa talaabooyinka fiicaan ee ay kaga qayb qaataan had iyo jeer siddii dhaliinyarada beelaha gabooye ay dhanka waxbarashada uga caawiiyan haday tahay dhanka qarashka waxbarashada oo ay ka bixiyaan iyo dhanka shaqaalaynta aqoonyahnka beelaha gabooye waanu ku hambalyaynayna madaxweynaha iyo xukuumadiisaba ,

Ugu dambayntii hambalyo hambalyo iyo taageero ayaanu u direyna salaadiinta iyo boqorka iyo masuuliyiintba socdaalka safarkii dheera ee ay toodbadadan ku maraayeen dhamaan deegaanada iyo gobolada somaliland ,jsomaliland waxaanu ilaahay uga rajaynayna nabad galyo iyo horumar iyo aqoonsi deg dega oo qaranimadeena la inoo aqoonsado DOWLADA QARANIMADA J-SOMALILAND alahayoow aamiinnnnnnnnnnnnnnnnn..

WABILAHI TOWFIIQ.

Gudoomiyaha beelaha gabooye jsomaliland  ee north America..

Mudane: Barkhad Xaaji Cabdi”MrGaboye”

Email: abokoriye1@hotmail.com

Email: mrgaboye@hotmail.com

Kitchener, Ontario

Canada…