Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Axmed Maxamed Axmed Xaaji Xasan (Axmed Fajac) Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka 2019

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Axmed Maxamed Xaaji Xasan (Axmed Fajac) oo dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Degmada Berbera .
Musharax Axmed Maxamed Xaaji Xasan (Axmed Fajac) oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee degmada berbera ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.
IMG_3191
Musharax Axmed Maxamed Xaaji Xasan (Axmed Fajac) oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Berbera ,
Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Axmed Maxamed Xaaji Xasan (Axmed Fajac) Baahi Weyn bay bulshada reer Berbera u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.
       Allaa Mahadleh
Cabdixakiim Cali Xuseen
Berbera/Somaliland