Hamaansigu waxa uu saameeyaa maskaxda

[stextbox id=”warning” mode=”js”]Qubanaha Somalilandpost[/stextbox] Haddii kulaylka madaxaagu xad-dhaaf noqdo, waxa dhici karta inaad hammaansi bilowdo markiiba, sida lagu sheegay daraasad cusub oo lagu ogaaday sababaha aasaasiga ah ee hammaansigu inay tahay si ay u kaantaroosho heerkulka maskaxda.

Waxyaabaha laga helay cilmibaadhistan ayaa xal u noqonaya mucjisooyin dhowr ah oo ku saabsan hammaansiga, sida waa sababta ay dadku u hammaansadaan ka hor iyo ka dib hurdada, sababta cudurrada qaar u keenaan hammaansi xad-dhaaf ah, iyo sababta sanka oo laga neefsado iyo wajahadda hore ee wejiga oo la qaboojiyo ay u joojiyaan hammaansiga.

Sidaa awgeed, waxa daraasadda ka muuqday in meesha kaliya ee furaha u ah hammaansigu ay tahay heerkulka maskaxda.

“Maskaxdu waa sida kombuyuutarka oo kale, waxa ay sida ugu wanaagsan u shaqaysaa marka heerkulkeedu qabowga yahay, waxaana jira ficillo dareennada ka yimaadda kuwaas oo u ogolaada inay hesho qabow ku filan,” waxa sidaa yidhi Prof. Andrew Gallup oo ka tirsanBinghamtonUniversity, cilmi-baadhistana hormood ka ahaa.

Intii ay daraasaddu socotay, khubaradu waxa ay kuur-galeen saddex xaaladood oo kala duwan; heerkul sii kordhaya, heerkul sarreeya iyo mid dhex-dhexaad ah. Xaaladahan oo la barbar-dhigayey hammaansi ay samaynayaan shakhsiyaad si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadanaya tijaabada ay wadeen khubarada. Waxa la ogaaday in hammaansiga ay samaynayeen dadkaasi ay marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayey heerkulka maskaxdoodu.

Natiijada cilmi-baadhista oo lagu daabacay jariiradda ka hadasha dabeecadda xayawaanka ee Animal Behaviour.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net