Halkuu Ka Dilaacay Dharkii Musuq-Maasuqu? – Eng Maxamed Xaashi Cilmi

WAAJIBAADKA Guddi Hoosaadyada Maaliyadda & Dhaqaalaha iyo Guddida Ilaalinta & daryeelka Hantida Qaranka

xaashiWaxa aynu ku jirnaa, xilalka G/Wakiiladu u igmaday guddi Hoosaadyadiisa. Waxa aynu qaytii hore, ku soo xusnay guddi-Hoosaadkii qaabilsana Wasaaradda A Gudaha, xilalka goluhu u igmaday.

Maantana waxa aynu falanqayn, labadan guddi-Hosaad, oo xilkoodu yahay laf-dhabarka koboca dhaqaalaha, daryeelkiisa iyo horumarka dalka:-

2.Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha; Shaqadeedu waxay tahay sidan soo socota:

a) Guddigan waxa Goluhu u xilsaaray qiimaynta iyo ilaalinta (Evaluation & Monitoring), iyo ka talo bixinta hogaaminta siyaasadda guud ee dhaqaalaha Qaranka.

b) Guddi-hoosaadka wuxuu hawlihiisa kala xidhiidhayaa dhammaan Hay’adaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka sida Wasaaradaha Maaliyada, Ganacsiga iyo Warshadaha, Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha, Dalxiiska, Macdanta & Biyaha, Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka, Bangiyada Qaranka iwm. Iyo dhammaan meelaha ay ka soo baxdo cashuuri.

c) Guddi-hoosaadkani wuxuu xilgudashadiisa ku salaynayaa Dastuurka sida Qodobada 13, 14, 15, 16, 17, 18, 19 iyo xeerarka kale ee dalka ee hawshooda khuseeya.

Guddidani, Hawsheedii waxa ay ku soo koobtay, doodda miisaaniyadda Qaranka. Ma danayso, hawlaha kor ku xusan ee loo xilsaaray:-

1. Xisaab-xidh, G/wakiiladu ka doodo, waxa ugu dambaysay 2001 kii.  Xisaab-xidhkaa  laga ogaadaa in miisaaniyaddi loo isticmaalay sidii goluhu ku ansixiyay. Wax ka badelka miisaaniyadda waa in iyana  laga ansixiyo Golaha. Waa halka uu ka dilaacay darka musuq-maasuqu.

2. Siyaasad ba, kama laha  guddidu RAADINTA  iyo KOBCITA ilaha dhaqaale.

3. Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu uma soo gudbiso G/Walkiilada heshiisyada ay la gasho Shirkadaha baadha shidaalka iyo macdanta, muddo ku siman ilaa Maamulkii Rayaale. Shirkaduhu ma bixiyaan; liisanka Diiwaan gelinta, kiro sannadeed iyo  cashuurta kala iibsiga oo ah 5% (Registration Fee, annual rent and sales tax). Adduun badan baa lagu lunsadaa sida.

3.Guddidu way ka indhala’dahay, wasaaradaha dakhli soo-saarka leh guud ahaan ba.                                                                                                                                                                                                                                                                 4. Sido kale, Guddidu indha ayay ka qarsatay, Madax/ M-daxe Madaxtooyadu,  ka badasho. TALA-GALKII goluhu ansixiyay. Wax ka beddelkana lagama ansixiyo Golaha. Halkaa iyo hantidii maguurtada ee Qaranka waxa badan baa lagu lunsadaa.

5. Darajada Ciidamada, lacagtii loo qoondeeyay, ee miisaaniyadda 2013 ugu jirta. Lama siin  Darajadii cidamadu waxa ay diyaar ahayd bishii Febuary ee Sannadkan. Guddidu ma daba gashay  sababta loo siin waayay ciidamada?

6. Miyaan Golaha xil ka saarayn warshaddii sibidhka ee loo xayiray koox ku muransan. Waxa habboon in dadweynaha saamiyo laga iibiyo, oo loo sinaado khayraadka Dalka, shaqana laga helo.

3.Guddida Ilaalinta iyo daryeelka Hantida Qaranka;

a)  Guddi-hoosaadkani wuxu Goluhu u xilsaaray ilaalinta iyo daryeelka iyo talo ka bixinta siyaasada guud ee xafidaada hantida qaranka.

b) Guddi-hoosaadkani wuxuu hawshiiisa kala xidhiidhaya dhammaan Hay’adaha u xilsaaran ilaalinta hantida qaranka sida Hanti-dhawrka Guud, Xisaabiyaha Guud iwm.

c) Guddi-hoosaadkani, wuxu ku salaynaya hawshiisa qodobada Dastuurka sida 13 iyo Xeerarka kala dalka ee hawshoodu khusayso.

NASIIB-DARRO, Guddidani ma taabo gelin oo sidii loo magacaabay 2005, wax shaqa ah ma qaban.  Guddi Hoosaadkan xilka Goluhu u igmaday, wuxu ahaa  laf-dhabarka MAAMUL- WANAAGA iyo xakamaynta  musuq-maasuqa, oo weli qabya ah. Khasaaraha xil gudasha la’aanta guddidu  GEYSATAY  waa mid aan la qiyaasi Karin oo balaadhan.

Waxa isweydiin leh, muxuu Guddoomiyihii magacaabay guddida uga shaqaysiin waayay ama u baddeli waayay?  Xilkas darro weyn, oo ay wadaagaan;  Shirguddoonka  golaha, xubnaha guddi-Hoosaadka iyo guud ahaan G/Wakiilada iyo Xukuumadda ayaa dhacay. Il-duuf kuma dhicin arrintu, ee waa mid loo badheedhay.

1.Daarihi iyo dhulkii Dawladda ee la BOOBAY, oo ayna wax laga qaban.

2.Lacagta badan ee millionska ah ee la lunsaday.

3.Xisaab-xidh la’aanta miisaaniyadda Qaranka ilaa 2001.

4. Madax/M xigeenada  Miisaaniyadda Qaranka 2013 ee Golaha Wakiiladu ansixiyay, balse loo isticmaalae, si ka duwan talagalkii goluhu u ansixiyay oo milyanis Doolar ah.

5. Guddidu waa xubno ka mid ah G/Wakiilada ee dadweynuhu soo doortay, oo xukuumadda ka madaxbannaan. Madaxweynuhuna aanu eryi karin sida Hanti-dhawraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud. Guddidu maqabto cabsi shaqo ka erris iyo xidhid xukuumadeed, midna, ee waa arrin is-naasnuuji la isugu raali yahay. Maxaa lagu iloobay dhaartii iyo dadweynihii u soo doortay in ay daryeelaan?

Dastuuriga  Qod.129.  “Waxaan  Ilaahay  Ugu Dhaartay  In  Aan  U Noqonayo  Daacad  Diinta  Islaamka,  Dalkayga  Somaliland, Dadkiisana  Ku  Maamulayo  Sinnaan  Iyo Caddaalad  Inta  Aan  Xilka  Hayo

ALLA  MAHAD  LEH

Eng. Maxamed  Xaashi