“Halku-dhigga Sannadkan ee Xuska 18-ka May Waa Somaliland Dalkayga Dooddi Kama Furna”

Hargeysa, (SLP)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in sannadkan saxaafadda Somaliland looga baahan yahay sidii ay doorkooda ugu weyn uga qaadan lahaayeen xuska 18-ka May.Cukuse

Wasiirku waxa kale oo uu ka warramay halku-dhigga sannadka ee xuska 18-ka May, isagoo tilmaamay in saxaafadda looga baahan yahay inaanay dhexdhexaad ka noqon xuska maalinta qaran ee 18-ka May. “Sannad guuradan maanta ee xuska 18-ka May ee 24aad, waxaynu joognaa xilli aynu qaan-gaadh nahay, xilli ay dalwadnimadeenu dhan walba taam tahay, sannad-guuradan kuwii hore ee soo maray dalka waxay kaga duwan tahay waxyaabo badan, waxaynu joognaa xilli aynu ku faani karno oo ay sannad-guuradani ku suntan tahay horumar uu dalku ka sameeya dhinacyo badan, waxaynu joognaa xilli aynaan baahi u qabin maanta inaynu warwar ka qaadno in jamhuuriyadeena Somaliland carqalad dibadda kaga timaada ama mid gudaha ahiba ay waxyeeli karayaan.” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Halku-dhigga sannadkan ee xuska 18-ka May waa Somaliland Dalkayga Dooddi Kama Furna. Sannadka cududda ugu weyn ee hormoodka ka ah xuska s18-ka May, iyadoo sannad walba ciddi sido waa saxaafadda Somaliland, kaalinta aynu saxaafad ahaan muujinaynaa maanta dhexdhexaad maaha, waxaynu nahay 18-ka May.”

Somalilandpost.net