Halkii Qof Ee Laga Dhaawacay Dablaydii Dishay Taliyaha Gobalka Saaxil Oo La Keenay Cisbitaalka

Hargyesa(Slpost)-Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa waxa la soo gaadhsiiyay mid ka mid ah sideedii dablayda ahayd ee loo soo qabtay dilka taliyaha gobalka Saaxil Gaashaanle Casayr.

 Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Madaxyar ayaa ku dhaawacmay rasaasta ciidankii soo qabanaayay, waxaan sida oo kale wararku ay sheegayaan in sadex ka mid ah dablaydaas haatan aan wali la soo qaban.

Taliyahii hore ee gobalka Saaxi ayaa maanta la aasay marka sadexdii maalmood ee ugu danbeeyay uu ku jiray talaagada layskuna afgaran la’aa aaskiisa.

dhaawac

dhaawac1