Halkee Ayay ku Dambaysay Deeqihii soo gaadhay iyo Lacagtii Xukuumaddu ugu talo-gashay la-dagaalanka Aafada Covid-19?

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha guddiga ka-hortagga Covid-19 ahna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyey taakulada dhaqaale iyo agabka Caafimaad ee ilaa immika soo gaadhay guddiga.

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisu jawaab u ahaa dhaliilo xukuumadda loogu jeediyey in cusbitaallada dalka qaarkood laga waayey Haamaha lagu keydiyo Oxygen-ta lagu rakibo dadka xannuunsanaya ee Neef-qabatawgu ku dhaco, waxa uu mid-mid u sharraxayey kaalmooyinka dhaqaale ee ganacsatada iyo haya’duhu kaga qayb-qaateen taakulada xannuunka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka

 

Somalilandpost.net