Halka Ay Sal-Dhigan Doonaan Wada-hadaladda Somaliland Iyo Somalia (FALAN-QEYN)

Mohamed Hagi MohamoudWaxa ay taariikhdu ahayd 23/02/2012 markii shirkii weynaa ee caalamiga ahaa ee Somalida lagu qabtey xarunta taariikhiga ah ee Lancaster House, London. Shirka waxa hindisaadiisa iyo abaabulkiisa siyaaasadeed ba lahaa dawladda Britain oo hore ugu qancisay dalka Maraykanka iyo wadamadda Reer Galbeedka ba mihiimadda siyaasadeed ee ay leedahay Somaliya guud ahaan, dhinacayada aminga, dhaqaalaha iyo bogcad ahaan halka ay adduunyadda kaga taalo oo baahi weyn oo siyaasadeed loo qabo mustaqbalka. Waxa aynu la wada soconaa in adduunyadda ay jiraan dalal kale oo farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad u soo koraya una baahan macaamil siyaasadeed oo ay adduunyadda inteeda kale la sameystaan. Waana arrinta daboolka ka qaadey in dalka Britain uu dib ugu soo rogaal celiyo guud ahaan dhulalkii taariikhdiisa ku suntaneyd iyo inta kale ee uu siyaasad ahaan gaadhi karo, isagoo kaashanaya awooda dhaqaale ee dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Siyaasadaha is bedbedalaya ee adduunka iyo dabaylaha dhaqaale raadiska ah ayaa iska leh in khariidad mabaadii siyaasadeed ku saleysan ay qasab ka dhigto in dalalka waaweyn ee adduunku hadba shax siyaasadeed oo hor leh cayaaraan labaatankii sanaba hal mar. inkasta oo loo tusay adduunka intiisa kale in Somaliya nabad ahi ay mihim u tahay arrimaha cakiran ee amaanka gaar ahaan argagaxisada iyo budhcad badeeda. Taas oo dawladda Britain shacabkeeda u tustey in tiro badan oo Somali ah oo ku nool awgeed ay lagama maarmaan tahay in faro-gelin siyaasadeed oo togan lagu sameeyo Somaliya, si aan dabka iyo holaca halkaa ka baxayaa aanu dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba saameyn ku yeelan guddaha Britain iyo Yurub toona.

Laakin cayaarta turubkaasi ma aha mid Culimadda Siyaasadda falanqeysaa ay ka indho laadahay. Si kastaba ha ahaatee, in Somaliya saameyn siyaasadeed lagu yeesho waa in marka hore la wajaho xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta oo gooni isu-taaga Somaliland ugu horeeyo. Maqaalkan maanta waxa aan si qoto-dheer ugu lafa-guri doonaa dhamaan shirarkii dhex-marey Somaliland iyo Somaliya, rajadda ay leeyihiin wadahadaladdu, cida uu guul u yahay wadahadalku iyo waxa mustaqbalka ka soo bixi kara ee faa’ido u ah Somaliland ama Somaliya.

Sidee Lagu Aqoonsadaa Dal?

Wallow xeerarkii adduunyadda iyo shuruudihii loo dhigay qaramadda midoobay aan si toosa loogu dhaqmin 30 sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan 20 sano ee ugu dambeeyey, marka ay timaado in dal la aqoonsado, waxa jira in sharciyan la helo afar arrimood mid uun:-

  1. Decolonisation; aqoonsigani waa kan wadamadda adduunka intooda badani ay ku caano iyo nabadba maaleen. Dalalka xoriyadda ka helay gumeystihii Reer Yurub ee dhawrtey isla markaana xafitey xoriyadooda, maanta waxa ay dhamaantood ku naaloonayaan sharaf. Calankooda iyo jirtaankoodu muran iyo qalalaase midna kuma jiro. Tusaale ahaan waxa ka mid ah dalalka Saudi Arabia, Kenya, Djibouti iyo India.
  2. Self-Determination; aqoonsiga aayo-ka-tashiga ku yimaada ee ay ku heshiiyaan wadamada iskood u kala baxaya. Aqoonsigani waxa uu ku yimaadaa wadahadal is af-garasho ku dhamaada oo lagu waydiiyo cida rabta in ay ka baxdo dal, gaarkeedna isku taagto hafti dadweyne (Referendum). Dalalka sidan madaxbanaanidooda caalamiga ah ku helay wax ka mid ah Eriteria iyo Scotland oo yadu ku guuldareysatey haftidii.
  3. Political Interest; Aqoonsiga siyaasadeysan oo ah inta badan mid dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed dabada ku haya oo ay u ololeeyaan badanaa shariikado laga leeyahay dalalka Reer Galbeedka. Waxa UN laga dhaadhiciyaa in la sameeyo wax layidhaa Act of Self-Determination oo macnaheedu yahay in dalka laga go’ayo lagu khasbo in uu aqbalo hafti dadweyne haddii kale cunaqabteyn iyo weerer siyaasadeed la isugu dari doono. Dalalka sidan madaxbanaanidooda ku helay waxa ka mid ah South Sudan iyo Eas Timor.
  4. Revolutionary Independence; aqoonsigan waa mid ku yimaada dhiig iyo dagaal adag oo loo galo xornimo dhab ah. Waa kacdoon dadweyne oo raadinaya madaxbanaani iyo helista xoriyad taam ah oo dad ahaan iyo dal ahaanba u anfacda. Dalalka aqoonsigooda xeeladan ku helay waxa ka mid ah Maraykanka, Bangladesh iyoSomaliland. Inkasta oo Somaliland ay ku andocooto in ay xoriyadeedii dib uga la soo noqotey Koonfurta Somaliya oo hore ay ula midawdey, isla markaana ay hafti dadweyne ku ansixisay in ay si dhab ah uga gooday Somaliya. Nasiib daro se, sadexdaa xaalo midna looma tix-gelin Somaliland oo muddo 24 sano ku dhaw ahayd dal jasmi iyo ruux ahaanba u madaxbanaan dhamaan dhulkiisana aaney ka talin dawlad Somaliya mataleysa.

Siyaasadda Dawladdaha Galbeedka ee Wadahadalka

Dalalka Reer Galbeedku waxa ay u daba fadhiyaan wadahadalka dawladda Britain, oo ah siyaasad ahaan dalkii hindisay in lawada hadashiiyo Somaliland iyo Somaliya. Ujeedadda ugu weyn ee ay dawladda Britain oo hore xoriyadda u siisay Somaliland ay ka leedahay wadahadalka ayaa waxa uu yahay in guud ahaan Geeska Africa aanu marnaba gacanta Wadamadda Galbeedka ka hoos bixin. Waana sababta keentay in dalalkani ay ku kaliyeysteen dhaqaalaha AMISOM ku baxa oo dhan sanadkii 1.3 billion dollars. Dawladda Britain iyo xulufadeeda toona ma kala jecla midawga iyo kala taga Somaliya, waana sababta ay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda ee EU, US iyo UK ay halku dhig siyaasadooda ugu dhigeen in midnimadda iyo kala taga Somalidu ay kaliya u taalo wadamadda Africa iyo Somalida lafteeda. Waxa aan tan u leeyahay marka ay dal diidayaan ama ogolaanayaan amabase ay weerarayaan cid ay adduunka kala tashadaan ma jirto, waxaaney u tusaan wadamadda kale ee dunida in ay saameyn ku leedahay masaalaxooda siyaasiga ah.

Sal-Dhiga Wadahadalka

Inkasta oo dadka qaar siyaabo kala duwan u tafsiiraan ujeedadda wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya iyo suura-galnimada in natiijo fiican oo la isku af-garto laga gaadho, haddana xaalku sida inta badan dadku u dhigaan ma aha. Bal aan dib u eegno siddii uu u qornaa qodobkii lagu wadahadashiinayey Somaliland iyo Somaliya ee ay markhaatiga ka ahaayeen 55 dawladood oo adduunka ka mid ah iyo 21 ururadda caalamiga ah ee adduunka. Qodobkii lixaad ee nuxurka go’aamaddii shirkii London waxa uu u dhignaa sida tan:-

  • The Conference recognised the need for the International Community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.
  • Shirku waxa uu aqoonsadey baahidda Beesha Caalamku u qabto in ay taageerto wadahadal kasta oo Somaliland iyo Dawladda Federalka ee Ku-Meel-Gaadhka ah ama cida badasha isku raacdo sal-dhiga si loo cadeeyo mustaqbalkooda siyaasadeed.

Nuxurka qodobkan lixaad oo ah mid sharci ah oo duniddu isku raacdey marka aad si fiican u dhuuxdo waxa uu si toosa garabka u saarayaa uguna hiilinayaa Somaliland waa haddii ay ka faa’edysaneyso e. Waxa aan sidan u leeyahay, sharciyan marnaba suura-gal ma aha in dal bilaa sabab la iska citiraafo iyada oo aan sifo sharciya loo marin, haddii ay doonto siyaasad ba ha laga lahaadee sida South Sudan. Dadka iyo madaxda Somaliland ceeb ayey ku tahay in ay isku maaweeliyaan in citiraaf cirka ka soo dhacayo yada oo aan Somaliya si toos ah loo wadahadal, haba la isku af-garan waayo haddii la doono e. Waayo haddii la is af-garan waayo waxa jira marxaladdo kale oo saamaxaya in aqoonsi lagu helo sida in fursad loo helo in adduunyaddu soo kala dhex-gasho ama hafti loo qaado.

Siyaasadda Aqoonsi ee Dawladda Maanta iyo Kuwii Hore

Wadahadalka Somaliland iyo Somaliya kuma uu cusbayn dawladdihii soo maray Somaliland, gaar ahaan dawladdii Rayaale, oo dhawr jeer adduunyaddu ugu baaqdey in wadahadal la furaan Somaliya. Lakin Rayaale dawladdiisu waa ay ku gacan-saydhey yada oo ku dacwooneysa in aaney hadda jirin dawlad rasmi ah oo Somaliya mataleysa oo caalamku aqoonsanyahay. Waxa ay dawladdiihii Cigaal iyo Rayaale aad uga shaqeeyeen in ay helaan citiraaf ka madaxbanaan wadahadal ay Somaliya la yeeshaan. Si ay arrintan uga midho dhaliyaan waxa ay kalsooni badan ka abuureen jiritaanka xidhiidh wanaagsan oo dhex-mara Somaliland iyo Ethiopia, oo uu siyaasadeeda Madaxweyne Cigaal lahaa.

Siyaasadda xidhiidhka Ethiopia ay ka lahayeen dawladdahani waxa ay ahayd in Ethiopia tahay dal qaaradda Afrika saameyn weyn ku leh, adduunyadduna si toosa siyaasaddaha Bariga iyo Geeska Afrika uga tala galiso.Waana arrinta keentay in Somaliland qadiyadeeda Wadamadda Carabta oo Djibouti kaashanayaa ay liicin kari waayaan, waad ogaydeen oo dawladdihii Cigaal iyo Rayaale xidhiidhka Djibouti waxa ay si toos ah iyo si dadban ba uga hor marin jireen kan Ethiopia. Dawladdda Silaanyo arrintaa mid ka duwan ayey qaadatey oo ah in ay raadiso siyaasad ka duwan tan ay dawladdihii hore tijaabiyeen ee ah in wadanku loo sameeyo horumar dhaqaale.

Markii uu Madaxweyne Silanyo ku guuleystey doorashadii 2010 waxa casuumaddii ugu horeysey u soo diray dawladda Ethiopia oo waftigii caleemasaarkiisa Raysal-Wasaare Meles ugu soo dhiibay. Taa badalkeeda waxa uu ka hormariyey casuumad ay abaabulkeeda lahaayeen ganacsato Reer Djibouti iyo Reer Somaliland ba ah. Inkasta oo uu si diiran oo kal iyo laab ah Madaxweyne Geele u soo dhaweeyey Madaxweyne Silanyo haddana siyaasaddii Djibouti ee cadaawadda dhaqaalaha ku saleysneyd marnaba isma ay badalin. Madaxweyne Silanyo oo arrintan aad u dareensan siyaasadda uu ka lahaa Djibouti waxa ay ahayd in uu u sii dhex-maro wadamadda carabta oo uu rabay in uu uga faa’ideysto in ay ka taageeraan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland.

Madaxweyne Silanyo oo ah nin aan ilaa xad is naqaano si xoog u balaadhana aan u sheekaysan jirney xiliyaddii uu mucaaridka ahaa, waxa uu siyaasiyan aaminsanaa sida ay mihim u tahay in jiritaanka Somaliland ku xidhan yahay abuurista horumar dhaqaale (Economic Development). Maadaama oo aan la garan karayn inta uu qaadanayo citiraaf Somaliland ka hesho Beesha Caalamka. Waxa uu masaalaxa dalka iyo dadkuba ku jiraa in la sameeyo jawi dhaqaale oo nolol u abuura shacabka Somaliland, isla markaana xoojiya tiirarka dawladeed ee dhinacyada horumarinta, adeega iyo kaabayaasha dhaqaalahaba. Madaxweyne Silanyo, oo ah nin ku soo bartey Jaamacadda Manchester Cilmiga Dhaqaalaha waxa uu si wacan u fahamsan yahay siyaasadda wadamadda Galbeedka iyo masaalaxa masiirkooda. Waana ta keentay in uu tijaabiyo China oo uu safar ku tagey iyo wadamadda Carabtaba. Qodobkii ugu horeeyey ee uu xooga saarey wadahadaladda waxa uu ahaa in siman loo qaybsado deeqda dhaqaale ee adduunyaddu siiso Somalida iyo in aan la carqaladeyn heshiisyada ka faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ah sida heshiisyadda shirkaddaha shidaalka baadha iyo khayraadka kale ee dalka.

Sidee ayey u Arkayeen Wadahadalka Dawladdaha Somaliland iyo Somaliya

Dawladdii Ku-Meel-Gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif marnaba ma ay jeclaysan wadahadal nuxurkiisu salka ku hayo masiir ummadeed iyo mustaqbal siyaasadeed. Halka ay dawladda hadda ee Xasan Sheekh na ay si walba uga dagaalentey in ay fashiliso yadoo adeegsaneysa dawladdaha Carbeed sida Qatar, Masar, Saudi Arabia, UAE iyo Kuwait oo si toosa ugala Hadley Maraykanka in ay ka horyimaadaan wax wal oo midnimadda Somaliyeed wax yeelaya ama hoos u dhigaya sida arrinta wadahadalka Somaliland. Nasiib wanaag dawladda UK oo ahayd dawladdii bilowdey wadahadalka waa ay ka diiday Maraykanka in wadahadalka wax loo dhimo. Waxa kale oo si toosa uga soo horjeestey dawladda Ethiopia oo saaxiib aad u dhaw la ahayd Somaliland khaasatan dawladdihii hore, haddana aan wali ka quusan Somaliland oo wali xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo. Dhanka kale dawladda Somaliland waxa ay tani u ahayd fursad aad u balaadhan oo wax badan tareysa qadiyadda Somaliland iyo arrinta dhaqaale ee laf-dhabarta u ahayd siyaasadda Madaxweyne Silanyo.

Sidii uu ku Bilaabmay Wadahadalku

Yada oo laga duulayo qodobkii lixaad ee shirkii London, waxa ay labada dhinac ku dhiiradeen in ay bilaabaan wadahadal masiiri ah oo sal-dhigiisu yahay qadiyadda madaxbanaanida Somaliland oo dhinac ah iyo qadiyadda isku haynta Jamhuuriyaddii Somaliyeed ee burburtey oo dhinaca kale ah. Shirka oo qabsoomey xiligii dawladdii Shariif waxa goob-joog ka ahaa dawladdaha Norway, UK iyo Midawga Yurub oo ergay gaar ah u soo dirsadey wadahadalka. Wadahadalkan oo ahaa mid aad u kulul waxa waayo aragnimo siyaasadeed oo qoto-dheer muujiyey waftigii ka socdey dhinaca Somaliya oo uu hogaaminayey Wasiirkii Arrimaha Guddaha Cabdisamad Macalin oo ah ninruug cadaa maskax furan oo si fiican u dajiyey xaraaradii shirka ee lagu kala calaf qaadi lahaa.

Halka uu ka Qaloocdey Wadahadalku

Shirarka noocan oo kale ah ee bilawga ah waa kuwa inta badan siyaasiyan lagu muujiyo dareenka dhabta ah ee aad ku mataleyso shacabkaaga iyo qadiyadda dalkaaga. Fudeydka iyo waayo-aragnimo la’aanta Wufuuda shirka uga qayb-galey Somaliland ayaa u fududeeyey in dibada looga saaro goob-joogayaashii caalamka oo ay waftigii Somaliya codsadeen. Waana ta keentey in wafuudii adduunyaddu u wakiilatey shirka ay u fahmaan in aaney qadiyadda Somaliland ahayn mid sidaa u sii ridan. Waxa mar labaad ilduufay qadiyadda Somaliland Xukuumaddii, Goleyaashii iyo dhamaan Xisbiyaddii Mucaaridka oo aqbaley in wixii Chevening House ka dhacay labada Madaxweyne ku saxeexaan Dubai oo markii dambe sheegtay in shirka sal-dhigiisu ahaa Midnimo Somaliyeed. Waa halkan halka uu ka qaloocday sal-dhigii wadahadaladda Somaliland iyo Somaliya waxaanu qaladku si toosa u saran yahay dhamaan siyaasiyiinta Somaliland oo Mucaarid iyo Muxaafidba lahaa, qaybna ku lahaa geedi-socodka wadahadaladda.

Yaa ku Haboon Marti-Gelinta Shirka

Marti-gelinta shirarka noocan oo kale ah ee lagaga hadlayo qadiyad iyo aayo-ka-tashi ummadeed waxa ku haboon wadamadda aaminsan xoriyadda muwaadiniinta ee isticmaala dimuqraadiyadda iyo xoriyadda saxaafadda. Waxa kale oo shirkan aad ugu haboonaa wadankii fikirka wadahadalka lahaa ee qasab kaga dhaadhiciyey Somaliya in ay aqbasho wadahadal sal-dhigiisu yahay aayo-ka-tashi iyo mustaqbal siyaasadeed. Nasiib daro dawladda Somaliya waa ay ogoleysiisey Somaliland in qadiyadeeda si dheel-dheel ah looga dhaqaajiyo oo loo geeyo wadamo aan siyaasiyan ehel u ahayn in ay dhex-dhexaadiyaan labada dhinac.

Dawladdaha UAE, Turkey iyo Djibouti

Dawladda Isu-Taga Imaaraadka Carabtu ma aha siyaasiyan dawlad u aragta in Somaliland xaq u leedahay aayo ka tashi. Sababta oo ah waa dal Islam ah oo aaminsan midnimo Somaliyeed iyo mid Carbeed. Waxa kale oo jirta qadiyad aad u xoog badan oo ah arrinta hadda aadka siyaasiyan u xasaasiga ah ee Sunni iyo Shiica oo salka ku haysa siyaasad diimeed iyo mid dhaqaale oo taariikhi ah. Isbadaladda Syria, Iraq iyo Yemen ma aha kuwo farxad-gelinaya dawladdaha Carbeed ee Sunniga ah oo ay urur ahaana Somaliya ku jirto. Sidoo kale arrinta biyaha wabiga Niilku waa qadiyad Carbeed oo taagan, xalka ugu weyn ee ay Carabi u haysaana waa Midnimo Somaliyeed oo Ethiopia cabsi galisa.

Sidoo kale Turkigu arrintan qadiyadda diiniga ah waa uu la qabaa Carabta oo isaga qudhiisu waa dal sunni ah. Waxase dal ahaan u dheer qadiyadda ka xoog badan kuwan Carabta oo ah sida tan:-

  1. Arrinta aayo-ka-tashiga ee Somaliland ma aha mid khuseysa dawladda Turkey, sababtoo ah Self-Determination waa resolution wadamo badan oo adduunka ka mid ahi ay saxeexeen. Nasiib daro se aanu marnaba Turkey ka mid ahayn wadamadda saxeexay, waayo waxa hoos yaala dal ahaan qodxo aad u badan sida Qoomiyadda Kurdida oo rabta xornimo se uu ka diiday qasabna ku haysto. Somaliland oo aayo-ka-tashi ku andocooneysa doodeeda ugu adagina tahay ma ka dhaadhicin kartaa mase suura-gal tahay in uu Turkey ka tanaasulo qadiyaddaa oo uu isagu Kurdida u ogolaado waxa ay rabaan oo ah aayo-ka-tashi. Inta aanu Somaliland ku waafiqin aayo-ka-tashiga waa in uu ogolaado Kurdida oo muddo dheer raadineysey xornimo dagaal dheerna u soo martey in ay ka hesho xoriyad. Kana mid ah qadiyaddaha EU ugu diidey in uu ka mid noqdo, wallow ay jiraan qadiyaddo kale oo ka balaadhani.
  2. Arinta labaad waa tan Xasuuqa oo Somaliland ah ta ku kaliftey in ay gaar isku taagto ka dib dagaal qadhaadh oo hanti iyo naf badan ba loo huray. Turkey waxa uu xasuuq ba’an u geystey Armanian ka oo uu ka dilay 1.5 million dad ah. Waxa ay su’aashu fadhidaa ma ka ogolaanayaa Somaliland oo ku dacwooneysa in 50,000 oo qof looga xasuuqay midnimaddii dhalanteedka ahayd. Halka adduunyaddu ugu taagweydey in uu aqbalo xasuuqii Armanian ka. Arrintani waxa ay yadna ka mid tahay arrimaha EU u diidan tahay in Turkey xubin ka mid ah noqdo, wallow ay jiraan qadiyadda kale oo ka balaadhani oo lagaga horjoogsadey in uu Xubin ka noqdo Midawga Yurub.

Ugu dambeyn, dawladda Djibouti waxa ay cabsi aad ah ka qabtaa wax wal oo dhaqaale ahaan wax yeelaya. Inkasta oo dad badani moodaan in ay midnimo Somaliyeed rabto waxa ay runtu tahay in aaney rabin, wallow ay muddooyinkii dambe cidhiidhi badan ka soo wajahay wadamada ku bahoobay IGAD. Taas oo gayeysiin kara in ay u baahato garab kale oo ay isku weheshadaan siyaasaddaa Afrika oo takoor badan ka soo food-saarey. Waxay tani ina tuseysaa in qalad weyn Somaliland sameysey yadoo siyaasiyiinteedu aaney marnaba qaladkaa u kala hadhin. Cidkasta oo hadda tidhaa Turkey dhexdhexaad ma aha waxa ay ina tuseysaa in aaney u bisleyn siyaasadda caalamka iyo sida adduunka u shaqeeyo. Markase ay noqoto Turkey iyo UAE waxa uga dhaw Djibouti in ay dhexdhexaadiso wadahadaladda, sababta oo ah waxa ay ka mid tahay AU, IGAD waana wadan aynu jaarnahay fahamsana qadiyadeena iyo waxa aynu u rabno in aynu gooniinka.Sidoo kale waxaan wadaagnaa jinsiyadda, afka, diinta iyo jaarnimo ma guuraan ah, waaba haddii ay naxariistaasi ku jirto e.

Waxa lagu Wadahadley Shirarkii Hore

Shirarkii la isugu imanayey dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo fooda la isku daray oo aan waxba la isku reeban. Inkasta oo ay ka aradnaayeen dhamaan nidaamka laba dal ama laba dhinac oo qadiyad masiiri ah ka wadahadlayaa farsamo ahaan iyo agab ahaanba qaabka loo wajaho siyaasad sal-dhigeedu yahay qadiyad masiiri ah. Waxaa shirkii ugu dambeeyey ee Djibouti lagu sheegay in lagu soo dhawaado arrimaha masiiriga ah, laakin arrintaa masiiriga ah marwalba oo wadahadal la iskugu yimaado waxa ay ahayd mid miiska saaran. Waxase, runtu ay tahay in la isku mari waayey, laguna kala kacay dhawr-jeer. Dawladda Turkey waxa ay u guntatey in aanu fashilmin shirku si aaney ula wareegin dalal kale yada ayaana Somaliya ogoleysiineysey waxyaabo badan oo aan fulin sida Maamulka Hawadda iyo arrintii Xasuuqa.

Inkasta oo aad hoos loogu dhigay, haddana maalin dhan bay qaadatey in ay dawladda Turkey ogoleysiiso in ay intaa kaliya qirtaan waa arrinta xasuuqa e. Nasiib daro Somaliland intaa ayey guul balaadhan ku sheegtay oo aanan anigu shakhsiyan guul marnaba u arag. Waxa ay guusha dhabta ahi tahay in Somaliland oo dhinac ah iyo Somaliya oo dhinac ahi wadahadlayaan yagoo siman oo ka tashanaya mustaqbalka siyaasiga ah ee masiirka labada dhinac. Guushaa wali kama ay faa’ideyn Somaliland waana hiil inooga yimi dawladda UK in laga midho dhaliyo waa in hawsheeda la galo oo si balaadhan loo wado, waxaaney taas inoo haya dawladeena oo si dhab ah u eegta marxaladda iyo xaalka siyaasadeed ee loo baahan yahay. Xisbiyadda siyaasiga ahina waa in ay daacad ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda qadiyaddan. Inkasta oo ay ka cawdaan in aaney marnaba dawladdu ka talo galin arrimaha masiiriga ah ee qaranka oo cidwalba taabanaya.

Waxay Somaliland Miiska Keentay

Dawladda Somaliland waxa ay miiska wadahadaladda keentay saddex shuruudood oo masiiri ah. Shuruudahani wax ilaa iyo hadda jawaab u la dawladda Muqdisho oo aan awood balaadhan oo ay wax ku fuliso aan lahayn sida ka muuqata. Isla markaana, diidan in adduunyaddu soo dhex-gasho, sababta oo ah waa ay og yihiin in aaney marnaba gar ku helayn oo dooda ayaa ka jabeysa. Maxay yihiin haddaba shuruudaha ay Somaliland miiska keentay ee sida dhabta ah ugu badheedhayo in aan maanta u sheego shacabkayga aan warka u hayn waxa lagu wadahadlo marka Turkey la aado. Waa kuwan qodobadda Somaliland doodeeda wadahadaladda salka u ah:-

  1. Waxaanu idinku soo biirnay 1960 anaga oo dal madaxbanaan ah. Midnimaddii aan rabney waa ay u shaqeyn weydey sidii la rabay oo ah in la helo shan Somaliyeed. Cadaalad daro iyo dulmi waxa aad noogu darteen xasuuq yadoo dawladdii aanu ka mid ka ahayn dadkayagii ku weerartey hubkii iyo ciidankii aynu wada lahayn. Dhib kasta oo dadkayaga soo gaadhey waanu idinka saamaxeynaa ee ogolaada qadiyadda gooni isu-taaga Somaliland. Aynu noqono laba dal oo walaalo ah oo iskaashada kana wada shaqeeya horumarka dadkooda iyo dalkooda, iskuna weheshada meelna uga soo wada jeesta masaalaxa dalkooda marka la joogo fagaarayaasha caalamka. Arrintani, Somaliya waa ay u cuntami laadahay waaney ka dhego-adeygeysaa ilaa iyo hadda.
  2. Somaliland ahaan waxa aanu idiin nimi 1960, waxaanu idiin keenay dal, dad iyo calan dawladnimo oo xor ah. Waxa aad qaadateen manfacii dawladnimo ay lahayd oo dhan sida caasimaddii, xukuumaddii iyo saamigii dawladnimo 96%. Mudaddii 31 sano ahayd ee aynu isku jirney waxa aad magac iyo manfac ba u qaadateen wixii la wada lahaa. Haddaba maanta ma awoodaan in aad soo wareejisaan dhamaan wixii aanu hurney 54 sano ka hor idinka oo shuruud ka dhigaya caasimadda, madaxtooyadda iyo dhamaan hay’addaha dawliga ah ee dalka muddo 30 sano ah. Arrintan labaadna Somaliya waa ay u cuntami waydey waaney ka dhego-adegeysaa ilaa iyo hadda.
  3. Arrinka ugu dambeeya ee saddexaad waxa uu yahay midnimadda aad dooneysaan ma ku rabtaan mid cadaalad iyo walaalnimo ku saleysan, oo aynu ku dhisano dawlad laba dhinac ah oo Federal ah. Idinka oo ka tanaasulaya nidaamka hadda ee Federalka aad ku sheegtaan ee labada gobol ku saleysan. Isla markaana, inoo dhisaya dawlad Federal ah oo ka mideysan calan cusub, lacag, cusub, magac cusub sida (Jamhuuriyadda Somaliyeed), siyaasad arrimo dibadeed, ciidan federali ah oo saldhigoodu yahay Somaliland oo si isku mid ah uga amar qaata laba taliye qaybeed.Lakin cid waliba siyaasadeeda arrimaha guddaha ay u madaxbanaan tahay, madaxtooyadu iyo xukunkuna yahay mid dheeli-tiran oo hadba dhinac u wareega, isla markaan saami fiican oo ku dhisan cadaalad awoodaha qaybsanka ahna leh. Siyaasadda dhismaha dawladnimo ee laga duulayaana ay tahay labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta ee lixdankii isku tagey, isla markaana been wal oo ku sameysantey xaaladihii burburka meesha laga saaro, sida Maamul Goboleedyadda hadda jira.

Dhanka Somaliya

Arrintana waa ay u cuntami weydey Somaliya. Su’aalahan waaweyna waa ay ka jaawaabi kari laayihiin illaa iyo hadda. Waayo waxa kaliya oo ay wadahadalka ugu jiraan waa laba amuurood oo ah caalamka oo ku qasbaya in la wado wadahadalka gaar ahaan wadamada Galbeedka, iyo dhanka kale oo ah in ay u rabaan wadahadal ku saleysan sida ay rabaan oo ah la mid noqda Galmudug, Juba Land ama Puntland. Waxa kaliya oo intaa dheer ee ay ilaa iyo hadda miiska la yimaadeen waa aan gaar idiin siino Home Rule ama Autonomy oo ah hab is xukun gaar ah. Lakin si toosa arrimaha siyaasadda dibada, dhaqaalaha iyo difaacaba aad ugu hoos jirto isla markaana aad leedahay ciidan Police ah oo kaliya, halka ciidanka difaaca aanad talo ku lahayn, taasoo aaney jiri kareyn kalsooni nimankii diyaaradaha inala dhacay aynu mar labaad ciidankeena u hoos-geyno.

Maxaa ku haboon Somaliland

Waxa aan qarsoodi ahayn in Somaliya ay tiraba 5 jeer ka baxdey inta la ogyahay waxii lagu heshiiyey oo ay ka mid yihiin, magacaabista ergada shirka ka qayb-galaya in aaney ka soo jeedin Somaliland, arrinta hawadda in Hargeysa laga xukumo iyo in wadahadalka laga dhawro hadalada xanafta leh. Sidaa darteed waxaa Somaliland ku haboon in ay wadahadalka si toosa ugu baaqdo in ay ka soo qayb-galaan wadamo goob-joogayaal ah, isla markaana Turkey laga raro haddii aanu si toosa meel dhex ah uga istaageyn qadiyadda wadahadalka ee labada dhinac. Marba haddii sababtii Turkey dawladdu ay ugu dartey oo ahayd in ay taageero dhaqaale ka helayso ay meesha ka baxdey. Waxa Turkey si badheedh ah u cadeeyaa in uu Somaliya midnimadeeda taageersan yahay dhaqaalihiina Muqdisho kaliya galiyo. Dhanka kale haddii aad ka eegto Turkey kuma jiro Midawga Yurub, Jaamacadda Carabta, Midawga Africa xuduud inaga dhaxaysaana ma ay jirto.

Guntii iyo gunaanadkii wadahadaladda Somaliland iyo Somaliya waa kuwo mihim ah, waana masiir umadeed oo aan ka laabasho lahayn una baahan in si taxadar badan looga hawl galo. Talo ahaan waxaan dawladda Somaliland u soo jeedin lahaa in ay aad uga foojignaato dabinada qorsheysan ee wadamadda Carbeed iyo Turkey la damacsan yihiin isla markaana aaney dhaqaale ku doorsan marnaba dabin qarsoon oo loo hadoodilo.

Haddii wadahadaladan maanta socda midho dhali waayeen oo qodobo la mid ah kuwii hore ka soo baxaan waxa ay niyad jabinayaan shacabka Somaliland iyo dawladaha kale ee hoosta ka taageersan Somaliland. Shirkan oo aan ogahay in uu yahay kii ugu abaabulka weynaa ee ay Somaliland gasho waa in uu rajadii shacabka dib u soo nooleeyaa isla markaan abuuraa jawi siyaasadeed oo ka duwan kii hore ee ma dhaleyska ahaa. Haddii taa la waayo dawladda Somaliland waa in ay si toosa siyaasad cad uga yeelataa waxa ay ka yeelayso wadahadalka yadoo la kaasheyneysa wadamaddii bilaabay wadahadalka. Waxaan halka aan aad uga mahadnaqayaa Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka oo aad uga shaqeeyey in meel looga soo wada jeesto qadiyadda Somaliland. Isla markaana ka hawl-galey in adduunyaddu isha ku hayso, yada oo dhex-galeysa goob-joogna ka noqoneysa wadahadalka, dibna loogu noqdo in qadiyadda Somaliland adduunka laga dhaadhiciyo mar haddii dhul iyo dal ay dawladdi inaga haysataa aanu jirin. Halka uu Xisbiga Wadani ka dayriyey in aan rajo ka soo baxay wadahadalka isla markaana ugu baaqay dawladda in ay ka baxdo. Wallow shakhsiyan aanan anigu taa ku raacsaneyn oo ay tahay in farsamooyin badan loo adeegsado shirka isla markaana la tashi balaadhan lala sameeyo Axsaabta Qaranka, aqoonyahanka dalka iyo khuburada caalamiga ah ee hawlahan adduunka u qaabilsan iyo waliba wadamada saaxiibka nahay intaba. Wa bilaahi Tawfiiq.

Mohamed Hagi.

The University of Warwick.

Department of Politics and International Studies.

Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.