Halista dhaqaale ee cunaqabateynta qorsheysan, iibka dhulka iyo tuumbada qaadka

 

Beryahan danbe waxa dareenka bulshada soomaaliyeed ee geeska ku dhaqan taabtay, saameynta togan ee kaash yaridu ku yeelatay wareegga lacagta iyo ganacsiga.

Dadka ganacsiga ku jiraa waxay ku odhanayaan suuqu wuu fadhiyaa oo cash lama hayo?, sababta marka aad waydiiso kuuma sheegi karaan sicad, hase yeeshee marka aad u kuur gasho arimahan hoose waxa aad garan kartaa halista ku soo wajahan bulshadan haddaan qorshe cad oo badbaado tabaabushadiisa la gelin:

1- Waxa cidhiidhi la geliyey lacagtii adkayda ee wadanka debedda ka soo gelaysay, ha ahaato tii ganacsiga soomaalidu dhoofiso ka soo hoyaneysay, ama lacagihii mucaawinada iyo biilasha ahaa ee debedda ka imanaysay.

2- Qiimaha dhulka ee magaalooyinka waaweyn ayaa cirka isku shareeray, oo mararka qaarkood malaayiin doolar la kala siistaa!, lacagtaas dhulka la geliyey waxay ahayd lacag ganacsi oo suuqa wareegaysa.

3- Ciddii ay u gacan gashay inta ugu badan kama samaystaan gacan qabsi iyo ganacsi muuqda, ee waxa ay u saaraan debedda, iyagoo qayilaad, dalxiis iyo tahriib u adeegsada, (arintan u kuur gal iyo fiiro-siin dheeraad ah ayaa lagu ogaaday), Hargeisa oo keliya waxa la tibaaxayaa in lacag ku dhow sagaal milyan oo dollar ($9000,000.00) lagu qayilo bil kasta !!, lacagtaasi iyadoo cash ah ayey xuduuda Ethiopia ka talowdaa.

Arimahan iyo kuwo kale oo isu tegay waxa ay hoos u dhigeen awooddii iibsi ee suuqa (purchasing power), waxana ay abuureen shaqo la’aan baahsan, isla markaasna waxa ay saameyn halis ah ku sameyn karaan nolosha iyo mustaqbalka dhaqaale ee dalka, waa haddii mooganaanta iyo muranka siyaasadeed ee madhalayska ah aan laga korin, oon si dhab ah loogu soo jeesan dhismaha iyo badbaadinta aayaha danbe ee dalka iyo dadkiisa.

 

Qalinkii Cabdiqani Xuseen Maxamed