Maansadan magaceedu yahay Hal-xus waxa ay baroor-diiq iyo duco u tahay Hal-abuurkii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Cilmi-baadhihii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ee ka baxay guud ahaan Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland isaga oo ahaa halyeey loo aqoonsanaa Abwaanka Qaranka Somaliland, sidoo kalena ahaa Aabbaha/Daah-furaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Laabtaydana ku leh xusuus maguuraan ah, anigoo ka mid ah dadka nasiibka u helay inuu macallin u noqdo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)
Waa maanso ku hal-qabsanaysa abwaanno iyo qoraayo caan ah sida Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay), Jamaal Cali Xuseen, Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Maxamed Saleebaan Cumar.
Waana kuwan meerisyadii maansada Hal-xus:
Jamaaloow huq gaariyo
Anigoon lur iyo hawl
Hagardaamo igu dhicin
Hurdadoo an diidiyo
Ilmadayga “hiliq” tidhi
Waxa beeray hibashada
War uu haatuf keenoo
Noorweey halkeer uu
Hudhud soo xambaaroo
Hargeysiyo dhulkii yimi
Ifku waa hayaanoo
Wadka lama huraayee
Maantana Hadraawoow
Hal-abuur mug weyn iyo
Waxa baxay horseedkii
Hawraarta maansada
Kala-haadinteediyo
Hal-beeggeeda miisaan
Habigiisu daah-furay
Halyey Maxamed Xaashaa
Xaqi uu haleelee
Had la baajin maayee
Weynuhu hoggiisiyo
Kuma hoojo iilkee
Hoodada Niciimiyo
Hooskii Farduusiyo
Hoobaan jannada taal
Hohobtii ha siiyoo
Ha ka dhawro hadimiyo
Hurgumada cadaabkana
Weedhsame hubaashii
Intuu hooystay guul baan
Hiyigiyo garaadkiyo
Ka tirmaynin hanaqoo
Suugaanta hodankaa
Inta uu Ha iyo Waw
Gabayada hal-hayskaa
Hagarlaawe tiriyaa
Taariikhda aan hadhin
Ka hillaacaysoon abid
Haadaan ka dhici karin!
Geeddoow hanaayiyo
Halasii darraadee
Hubka laysku weeraray
Hal-abuur nabdayniyo
Ergaduu ka hidiyiyo
Dabataxan higaaddii
Heshiisiisay uunkaa
Weligeed hiraysoo
Hoggaankoo qalloocdaa
Hirdi baaba’ dhaliyee
Ganayoow hillaaddii
Keli-telisku ku habsaday
Maamulkii habboonaa
Gaarriye hormood noqoy
Hangash iyo bahdeedii
Hootada ku tuuroo
Libta aynu haynniyo
Gobanimo horseedoo
Halgankii wuxuu galay
Door lama hilmaamaan
Hanad Maxamed Cumaroow
Bare hawl-karnimo iyo
Hal-samaan ku caanoo
Habka dhigista Eebbuhu
Hibo uu u siiyo
Heersare ku gaadhiyo
Wuxu haa hal-doorkii
Hoobaan duruuseed
Ardaydoo dhan hagar li’i
Habeenkiyo dharaartaba
Si hufnaan leh barayoo
Kuman loo han-weyn yuu
Hal-muceed ku ababshaa
Aqoontiisa hanatoo
Dhaxalkiisi hoobaaq
Kuma hoobanaayee
Hiyigaan ku haynaa
Booboow nin hanadaa
Hal-adayg lahaadoo
Hiifaaya beentoo
Bir hadday ka adag tahay
Runta aan hareer marin
Hanka iyo wanaaggana
Hunka laguma doorshee
Wuxuu haa hoggaankii
Deelleeyda huriyee
Madaxdii habaarnayd
“Hakadaay” ku yidhiyoo
Hoseeggay wadeen buu
Hadh cad ugu addimayoo
Guddoonkiisu hirashiyo
Hambalyuu mudnaayoo
Ma ahayn nin habawoo
Garta eexa hidiyee
Cadliguu had iyo jeer
U ahaa dhabtii hiil!
Hiddihii Suldaan buu
Hilinkiisa raacoo
Haybtiyo qabiilkana
Hadafkuu ka doortoo
Hadhac buu ahaa geed
Dadku wada hadhsanayoo
Haro qaabaddeeduu
Cilmigii harraadkiyo
Hammuuntaba u reebee
Waxba yaanay heelladu
Hore iila soconnine
Had la baajin maayee
Weynuhu hoggiisiyo
Kuma hoojo iilkee
Hoodada Niciimiyo
Hooskii Farduusiyo
Hoobaan jannada taal
Hohobtii ha siiyoo
Ha ka dhawro hadimiyo
Hurgumada cadaabkana. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Hargeysa, Somaliland