Hal-doorka Waxbarashada: Maxamuud, Yuusuf, Saleebaan iyo Mahad (1)

Qormooyinkan uu magacoodu yahay hal-door waa maqaallo aan ku lafa-gurayo sooyaal-taariikheedka mudanayaal iyo marwooyin badan oo reer Somaliland ah, kana mid ah samatarayaasha ka shaqeeya wanaagga ummadda, kuwaas oo isgu jira ururro, xarumo, haayado, guddiyo, haween, siyaasiyiin, culimo, bareyaal, aqoonyahanno, abwaanno, ganacsadeyaal, suxufiyiin, dhallinyaro, guurti, madax-dhaqameed iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada. Si gaar ah waxa aan jecelahay in aan diiradda u saaro shakshiyaad, xarumo, ururro iyo hal-door aan magacooda ku xusay maanso magaceedu yahay hal-door oo soo baxday 13/06/2011-ka.

Waxa aan ka cudurdaaranayaa, cafisna weydiisanayaa askhaasta  aan sooyaalkooda ku soo qaadanayo maqaalladan iyo eheladoodaba haddii ay arkaan aniga oo qoray taariikhdooda togan inta aan ka garto ama xasuusto idan la’aan, waayo qof ayaan ahay, weliba waxa wanaagsan damiirka ayaa I fara in aan sameeyo aniga oo aan fasax u haysan.

Gosha aan ka leeyahayna waa dhiirigelin, bogaadin iyo in aynu ogaanno, ilaashanno, xusno, baranno, una ducaynayo inta Alle u diray, garashadna u siiyay in ay wanaageenna ka shaqeeyaan oo aan qalin iyo qawl marnaba kaalintooda ku carrabaabi karin, mar kastana aan si wadar ugu duceeyo aniga oo leh “Alle ha idinka abaal-mariyo sareedada aad dalkiinna iyo dadkiinna u qabateen/qabataan/qaban doontaan haddii Guulluhu Oggolaado”

Xilkaska dalkeenna oo tayo ahaan iyo tiro ahaanba badan darteed, waxa aan jecelehay in aan ugu horreysiiyo hal-doorka waxbarashada, sababta oo ah aqoontu waa tubta loo maro horumarka qaran. Waa ilays nafta dooja, kana saara madawga. Waa awood. Waa dawo lagu tirtiro dhaqannada iyo ficillada aan suubbanayn. Waa sharci lagu toosiyo qallooca. Shakhsi ahaanna waxa aan qayb badan oo cimrigayga ka mid ah ku qaatay dhigasho duruuseed iyo baris aqooneed. Bahwaynta tacliintana waxa aan u hayaa milge iyo maamuus aanan halkan ku soo koobi karin.

Da’yarta maanta nooli waxa ay haystaan fursad dahabi ah oo aanay aabbayaashood helin, tusaale ahaan AHN Aabbo Maxamuud Gahayr waxa uu cilmiga diinta ku soo bartay Herer iyo Itoobiya, waayo dhulkeenna kama uu helin malcaamado Quraan, aniguna waxa aan kala doortay boqollaal dugsi oo aan Quraanka Kariimka ah ku barto, sidaas ayaanu mar walba iigula dardaarmi jiray, iina xasuusin jiray fursadda qaaliga ah ee aan haysto.

Waxa jirtay xilli aanay Somaliland ka furnayn wax dugsi ahi!. Aqoon la’aantii bulshadeennu waxa ay sababtay in ay inaga dayacmaan libo badan oo aynu taabi lahayn sida jaamacado uu Ingiriisku dhulkeenna la rabay. Ragga halganka iyo dedaalka dahabiga u galay hanaqaadka iyo kobaca waxbarashada oo aad u badan, isla markaasna aanan marnaba soo koobi karin, waxa ay meerisyada hal-doorka waxbarashada ee maansada hal-door u dhigan yihiin sidan:

Tacliin Maxamuud u hawlgal

Indhaha u hillaaci nuuryo

Walaw xinjir looga hoorshay

Hirkii qabillaan ka baaqan

Bulshada himir iyo naq siiyay

Hirgali Guuleed Cammuudna

Dhabtii Mahad baa ah hawlkar

Halkeer dugsiguu bilaabay

Sidii haro loogu doolo

Harraad ardaydii ka biiyay

Tuducyadaas waxa ku sheeggan afar ka mid ah macallimiinta ugu mudan sooyaalka Somaliland, kuwaas oo kala ah:

1.      Maxamuud Axmed Cali oo ah Aabbaha Tacliinta Ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo la joogo wanaagiisa marag baynu u nahay, waynu sharfaynaa kuna hal-qabsanaynaa hanadkaas, duco ayaan u akhriyayaa Alle godka ha u nuuro, jannada Fardawsana ha geeyo. Halgankiisa tacliimeed waa mid u muuqda sida cadceedda, waxaanan nasiib u helay in aan la kulmo qaar ka mid ah ardaydii uu maamulka iyo macallinkaba u ahaa.

Xuskiisu waa ka sababay in aynu ugu magac-darno, kuna sharafno dugsiyo ku yaalla dalka. Bushaarana waxa ah in aan sheego in wakhtigan xaadirka ah gacanta lagu hayo buug dhammaystiran oo ka warramaya hayaankii uu Maxamuud Axmed Cali u maray hirgalinta himilidiisii ahayd in bulshadu ka harraad baxdo jahliga, cilmigana ay ka haqab beesho.

2.      Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille, oo maansada ugu suntan Qabille, waa aabbaha labaad ee tacliinta, waxa aan nasiib u helay in aan soo gaadho isaga oo nool, iyo in aan weliba ka qayb galo aaskiisa oo ka dhacay Xabaalaha Sheekh Nuur ee ku yaalla Bariga Hargeysa. Dharaarta uu geeriyooday dhammaan dugsiyada waa la fasaxay. Tirada dadka gelbiskiisa geeriyeed soo xaadirtay ma aha kuwo aan qiyaasi karo. Macallinimada waxa uu ku darsaday waddaniyad iyo hal-abuurnimo heersarraysa.

Raadraaca geeddi-nololeedka qaaliga ah ee AHN Yuusuf Xaaji Aadan waxa aydun si waafi ah ugaga bogan kartaan buugga Geeddi Nololeedka Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi, ee ay qortay Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, sidoo kale waxa marjac wanaagsan u ah buugga Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray awowgay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale iyo dhiganaha magaciisu yahay magaciisu yahay Sooyaalkii Somaliland Ka Hor 1960-kii ee uu qoray saaxiibkayga qaaliga ah Sayid-Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegey).

3.      Profesor Saleebaan Axmed Guuleed: Waa macallin aad ila wada garateen. Waa guddoomiyeha Jaamacadda Cammuud. In badan ayuu magaciisu inoogu yaallaa diiwaannada sooyaal ee aan duugoobaynin. Waa misbaax aynu tamar iyo ilays iyo tamar kulba ka helno. Waa dugsi dayra-dhaafka dhaxanta jahliga inooga gargaaray. Waa shamac guba naftiisa, innagana inoo ifa. Waa bare hagar-baxay. Prof Saleebaan waa hawlkar inna dhex jooga.

Waan u ducaynayaa in badan waxa aan leeyahay Alle ha kaa abaal-mariyo wanaagga aad ummadda u qabatay iyo xilka ku saaran ee aad sida xarragada leh u gudatay. Aqoon toos ah isuma lihin macallin Saleebaan, laakiin waxa aan ka mid ah inta la dhacsan hufnaantiisa shaqo, marar badan oo kala geddisan ayaa taggaygu igu simay in aanu goobjoog u wada ahaanno madalo door ah sida bandhig-dhaqameedka Maxamed Mooge oo Hargeysa lagu qabto, Wasaaradda Waxbarashadana dhawr jeer ayaanu ku kulannay. Wuxuu ka mid yahay dadka hadday joogaan tirsan, hadday tegayaanna la celiyo, hadday maqan yihiinna la tebo.

Salaanta lama dhaafo marka aan dhaayaha saaro, ee si gobanimo leh ayaan afka iyo qalbigaba uga bariidiyaa una gacan-qaadaa. Hal mar ayaan xidhiidh toos ah la sameeyay, waxa aan ka codsaday in uu akhriyo kelmadna ka soo yidhaahdo buug aan qoray oo la yidhaahdo QURAANKA iyo SAYNISKA oo soo baxaya dhawaan haddii Guulluhu oggollaado, Professor Saleebaan si dadnimo iyo dun-wanaag leh ayuu u soo dhaweeyay soo-jeedintayda, waxa uu ii sheegay emailka dhambaallada loogu diro, waayo marka aan la xidhiidhay tilifoonka gacanta ayaan kala hadlay isaga oo jooga Boorama, anna waxa aan ku sugnaa Hargeysa. In badan ayaan warbaahinta kala socdaa hawlqabadkiisa ay niyaddeennu raallida ka tahay. Haddii Guulluhu oggolaado waan la kulmi doonaa, in badanna taariikh waan ka reebi doonaa.

4.      Xaaji Mahad Ibraahin Maxamed: Kumannaan ama malaayiin ka mid ah bulshadeenna ayaan filayaa in ay markiiba garanyaan baraha aan magaciisa oo saddexan sheegay, aan weliba si iftiimiyo e, waxa uu hadda qalinku faallaynayaa Maamulaha Guud iyo Aasaasaha Dugsiyada Nuuradiin ee Magaalada Hargeysa oo ah dar aqooneed ay ka liibaaneen kumannaan arday, eeggana ay wax ka bartaan kummaanaan arday. Waxa aan hadda ka mid ahay macallimiinta dugsiga sare ee Nuuradiin 1 oo ku yaalla Xaafadda Jigjiga yar ee Hargeysa, muddo shan sano ah ayaan ku taamayay in aan ku biiro bahwaynta dugsiyada Nuuradiin, laakiin xagga Alle ayaan laga qorin oo kolba mashquullo ayaa imananay.

Haddii aan dul-cararay taariikhda saddexda macallin ee hore, halkan qalinku wuu ku dul negaanayaa in badan, sababta oo ah xog badan ayaan ka hayaa. Saaxiib baanu nahay, waa walaalkay. Waxa uu Mahad ka mid yahay faro-ku-tiris milge leh oo aan nasiib u helay in aanu is-baranno, nolol isku soo gaadho, wada shaqaynno, wax badan oo wanaag ahna aanu wadaagno.Bare ayuu ii yahay.

Waxan ka mid ahay inta tacliin iyo horumar toganba ka faa’iidday tacabkiisa. Waa damal hadh leh. Bil xaqiiqa waan kuu faanaa, waanan ku faraxsanahay kartidiisa shakhsi ahaaneed. Hadda xajka ayuu ku maqan yahay, waxaanan filayaa, oo aan codsanayaa in ay isaga iyo xujaajta kaleba noo soo duceeyaan, Waxa aan leeyahay ha-naga illaawina ducadiinna wanaagsan walaalayaal, waxa aad joogtaan dhul xumo leh iyo wakhti xurmo leh. Xajkiinnana Alle ka ha ka dhigo mid mabruur ah. Guryo-noqosho khayr leh ayaan idiin Waynaha idiinka baryayaa.

Dugsiyada Nuuradiin waa wershad soo saarta waxa ugu qiimaha badan ee lagu tuntuunsado, una carbisa sida ugu tayada badan ee cid loo kobciyo, kuwaas oo ah arday leh laba astaamood oo kala ah: 1. Anshax, asluub iyo edaab toosan oo waafaqsan diinta Islaamka iyo 2. Aqoon Waxtar Leh. Waa dugsi hormood ah oo lagu soo hirto. Tagto, taagan iyo timaaddaba (insha Allah) waxa aan ka mid ahay inta taageersan tacabka qiimaha badan ee Dugsiyada Nuuradiin.

Waxa aan la barbartaaganay tamar kasta oo aan leeyahay, talo iyo toosin baan kaga mid ahay, tiraab ayaan bare saynis kaga ahay, tixahayga maanso kuwa ugu mudan ayay xaq u yeesheen in ay ku jiraan, taageero hagar la’aaneed ayaynu la garab taagannahay inteenna aqoonta jecel, samatarayaasha ah, Alle-ka-cabsigana lehi. Waxa aan maqaalkan ku soo xidhayaa duco aan u gudbinayo bahwaynta dugsiyada Nuuradiin, taas oo aan horena ugu tebiyay sannadkii 2010-ka oo ay guulo waawayn ka soo hooyeen imtixaannada dawliga ah ee dugsiyada sare, waxa aan leeyahay “Bahwaynta khayrka  jecel ee Dugsiyada Nuuradiinoow Alle ha inoo barakeeyo caqliga, cilmiga, carrabka, cududda, caafimaadka, cibaadada, carruurta iyo camalka, innaga iyo inta islaamka ah meel iyo mar kasta oo aynu joognaba”. Ducada iyo khayrka miyaa laga dhergaaba, if iyo aakhirba waa loo baahan yahay.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Hargeysa

saedmgahair@hotmail.com