Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho!!! WQ: Axmed Dr. Maxamed Cabdi Da’uud‏

axmed maxamed cabdi daa'uudGanacsade, xoolahaaga yayna booli kuugu dhuuman oo yayna kaa xaarantimeyn adiga oo aan ugu talo gelin.waa arrin inta badan ee ganacsatada dalkeenu aanay ogeyn oo shaqaalahooda aqoon yari u sameeyan ama shaqalahoodu u badheedhaan lakinse aanay Aakhiro qiil u noqonayn ogaansho la’aantaasi balse ay la mid tahay sida uu ganacsaduhu u ogyahay faa’ido sanadeedka iyo waxa uu macaasho ay waajib tahay inuu ogaado lacagta boolida ah ee inanka u shaqaynayaa lacagtiisi xalaasha ahayd kaga darayo.

Ganacsatada iibisa GOGOLAHA guryaha, sharaxaadaha guryaha iyo maryaha ama qalabka dhismaha sida tuunbooyinka,xadhkaha laydhka garaa’idka iwm ee lagu iibiyo METER ka ama YARD ka oo cabirka YARD ka waxaynu nidhaahna WAAR,alaabtaa nooga timaada dibada oo markay noo timaado noogu timaada METER ahaan balse markay bakhaaradu shicibkeena ka iibinayaan ee rasiidka ugu qorayaan cabirku inuu METER yahay lakin marka uu siinayo uu alaabtii ugu jarayaa YARD ahaan isaga oo moodaya inay METER ku iyo YARD ku isku mid yihiin ganacsatada qaarna ay ogyihiin inuu METER ku ka dheeryahay YARD ka oo uu 1 kii meterba uu dheeryahay 0.08 yard 1 kii yardba balse ay isleeyihiin faa’ido ha kuu naqoto iyada oo ah xaaraan maqdac ah kitaabkeena Qu’raanka ahna uu xusay inuu hoog u suganyahy ganacsada miisaanka ama cabirka kala dhima sida ku sugan suuratul MUDAFIFIIN bilowgeeda,axaadiis badana ku soo ururtay inay xaaran tahay oo ay booli tahay faa’idada xoolaha bani’aadanka aad ka reebaysaa.

Guntii iyo gunaanadkii ganacsade arrintan waxay saamayn ku yeelataa sicir bararka dalkeena ka jira iyo waliba ay sababi karto inay cadho Ilaahay umada ku dhacdo haday aqoon yari kaa ahaydna ka towbat keen oo imika is daba qabo akhristayaashana waxaan leeyahay qaraabadiina iyo asxaabtiina ganacsatada ah xasuusiya arrintan si aad AJAR Ilhaay agtiisa uga heshid.

 

Ilaahay kheyrka hana waafajiyo.

Maamulaha Shirkada Al-Manal Furniture

WQ: Axmed Dr. Maxamed Cabdi Da’uud

axmeddaud@gmail.com