Hal-abuur Sannad ka dib Saaxiibkii uga garaabay Suugaan uu ku dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo iyo Gabay uu ugu jawaabay

GabayGabaygan oo loogu wan-qalay DOOBIR, waxa curiyey Hal-abuur Dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shiine CigeBaar. Waxa uu gabaygiisani jawaab u yahay Gabay la magac-baxay GASHI oo sannad ka hor uu tiriyey Hal-abuur da’diisa ah oo ay saaxiib yihiin laguna magacaabo Axmed Yuusuf Cali oo gabaygiisaas ku dhaliilay nidaamka hoggaamineed ee madaxweyne Siilaanyo.

Hal-abuur Shiine Cige oo wakhtigaas saluugsanaa isla markaana aan ku raacsanayn dhaliisha uu saaxiibkii gabayga ugu tiriyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu gabaygiisa DOOBIR oo soo baxay Bishan November uga garaabayaa isla markaana garowshiinyo uga bixinayaa saaxiibkii mawqifka uu sannadka ka hor ka taagnaa nidaamka maamul ee xukuumadda Kulmiye muddada Afarta sanno iyo dheeraadka ah ku hoggaaminaysay dalka.

Hal-abuur Shiine Cige waxa uu gabaygiisa ibro-fur uga dhigayaa sida uu ugu qanacsan yahay ama u garowsaday aragtida fog ee wakhtigaas uu suugaantiisa ku muujiyey isaga oo soo qaadanaya xaaladda waddanka ee wakhtigan iyo duruufaha saamaynta taban ku reebay dhismaha dawladnimada.

GABAYGA DOOBIR, waxa uu ku bilaabayaa sidan:-

  • Salaan diiran Axmed Yuusufaw oo duuban iga hoo
  • Diric hadal yaqaanaa tahee dhugo dabuubtayda
  • Dibaaqayga amuur daalisaan daalacanayaaye
  • xaajo dalable dabnahaygu abid dabaq ma saaraan
  • Dagalkayga kuma diirsado waxaan daawo u lahayn
  • Dawladeena waxa aan ku nacay bal aan ku deeqsiiyo
  • Qurbajooga dabadaha jiray daba nashlaysaa
  • Dawarsiga khiyaamada qariban kama dikhoodaan
  • Danyartaa diciifka ah wixii doolar laga qaaday
  • Dawyay dhisiye yaan la dagin oo laga dukaamaysan
  • Cashuurtay dul fuushiyo waxan oo isdaba yaaca
  • Ee aan dadkii lagu celinahayn lana daryeelaynin
  • Laba kala da’wayn weeye oon lagaba doodayne
  • Dayacaada ubadkeena maan laba dareemaynin
  • Haleelkay dabraayee murtida waan dalayn jiraye
  • Adigaa ku daabici halkaad doonto gacaloowe
  • Nin ugaadha soo dabi jiraa duubtay xadhigiiye
  • Duulkii uu ka tagay iyagana darbuu xaabada u diray
  • Dabinkii markuu xidhaye uu dib ugu soo laabtay
  • Daymaduu lajeestuu arkaday dadab-jaleecii
  • Siigada daluuntiyo hadana dananka reemaaya
  • Durba waa biciid xadhigii dabroo oon digranahayn
  • Damac waa balaayee goortuu dirqiyay duway biciidkii
  • Duushayo xantii duulkii dirsaday hele dareenkii
  • Dardarkana usaar duqu waa balee mari dabuubtiisa
  • Hadaan dooji leeyahay dadkee yaan la dacaroon
  • Dadkiise uma cuntamin diide oo cadho la daaduume
  • Dala’siga xadhigii dafyoo daman kasoo qaad
  • Dabinkii laan dayrayoo hadana durug waxoogaa
  • Dayaankii markii uu maqluu siig ka day dayay
  • Dabacadaha goortuu dultagay daymo gabadhlee
  • Daayinkii arlada uumayee dunida qaabeeyay
  • Ee dirkastaba qormo dajiyay kuna dagaameeyay
  • Diintana intuu dastuur nooga dhigay nagu dar daaraayay
  • Duuflaal iyo ruux dayaysan baa dawga baal mara
  • Doorkuu lahaa kii daayacay danbarsan doontaa
  • Danaystuhu umadayda wuxuu doonayaa inuu dulaystaa
  • Diihaal ninkii nala damacsan baan doobir leeyahay
  • Dakanada lala doobyayaan daaya leeyahay
  • Dalkaygana rabaa ciidan dhigay daafacoo jira
  • Dulucdiyo ujeedada hadaan hoos u daadago
  • Deelka gabay anoon ku tiigaalahayn waxaan kusoo dayray
  • Dagal qudha kolka hore haddii dulin ku waydeeyo
  • damiirlaawahaa kolkale soodul roogsada
  • Doqon liita weeyaan qofkii sii dugaashaday
  • taladaad ladaahdaa qabsoo waydalagantaa
  •    daqiiqaduu arin kuu eg,yaa lagu dilaacshaa
  • docdakale hadaan fiiriyoon diiradana saaro
  • Dagdagsiiyo reer geediyay oo duunyadii raray
  • Sahan baa ka door roon loodiroo dool hortii sugan

HALKAN KA AKHRISO GABAYGA GASHI