Haduu Furuhu Ku Daaliyay Hada Wada La Soo Saaray Gaadhi Bilaa Gure Lagu Wadaayo

Barcelona(Slpost):- Shirkada dalka Sweden laga leeyahay ee Volvo ayaa samaysay baabuur kuwa lagu raaxaysto ah oo aan fure u baahnayn, waxaana badalkii furaha loo isticmaalayaa telefoonka gacanta ama mulkiilaha leh oo ay garanayso marka uu doonayo inuu kaxaysto.

Bandhiga tignoolajiyada casriga ah ee lagu qabtay magaalada Barcelona ee dalka Spain ayay shirkadu ku soo bandhigtay baabuurkeedan cusub ee bilaha furaha ku shaqaynaya waxana ka waramay injineerka ikhtiraacay oo lagu magacaabo, Martin Rosenqvist, kaas oo sheegay in qofka iibsadaa ka raysan doono muftaax raadintii iyo cabsidii inuu furuhu kaa lumo, sida ay u shaqaynaysana sharaxaad ayuu ka bixiyay.