Hadimadii Turqayaasha?! (Aragti maxay ah ayaa ka danbaysa buugga ‘Halgankii Tukayaasha’?)

 

Marka qofi wax qoro, waa lagu farxaa. Marka uu afkiisa ku qorana, waa lagu sii farxaa. Marka uu wax dadkiisa khuseeya ka hadlana, waa lagu sii farxaa. Marka uu qaab aragtiyeed u soo bandhigo ee aanu sheeko quluuluxinna, waa lagu sii farxaa. Marka uu dood abuurana, waa lagu sii farxaa. Marka uu dood uu isagu Halgankii Tukayaashaleeyahay doodda ka dhigo ee aanu mid uu soo dheegtay ama loo soo yeedhiyay dadka ka iibininna, waa lagu wada farxaa! Buugga “Halgankii Tukayaasha: Carabtu Sidee u Jileen Madawga” ee uu Cabdi-saciid Cabdi Ismaaciil qoray, (muuqaalkiisana aad bidix ku aragtaan), ayaa aan nasiib u yeeshay in aan akhriyo.

Hawl weyn iyo xil waasac ah ayuu iska saaray sidii buuggaasi ugu soo biiri lahaa khaannadaha buugta af Soomaaliga ku qoran. Hambalyo.

Af Soomaaliga in afkaar lagu qoro, heer buug, Cabdi-saciid mar kale waa ku ammaanan yahay in uu qayb ka qaadanayo. Hadda ka hor ayuu “Saboolnimada Sidee looga Baxaa?” iyo “Xadka Riddada Maxaa ka Run ah?” isla Cabdi-saciid buugaag ka qoray. Kama hadlayo saxnimada ama khaladnimada fekerrada la qorayo, balse in ugu yaraan buugteennu dhaafaan xayndaabka “Sheekada” waa wax loo guuxi karo! Mar kale hambalyo Cabdi ayaan leeyahay.

Halkan Ka Akhriso Qormada oo Dhammaystiran

W/Q-Cabdicasiis Mahdi Axmed (Guudcadde)