“Hadii aannu Isbahaysiga Kulmiye Wax Shuruud ku Galno, Shardiga Waan Fulinayaa” Guddoomiye Cirro

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,  ayaa waxa uu ka hadlay haddii isbahaysiga garabka Kulmiye ay Waddani ku soo biiraan oo ay shuruud ku xidhaan in uu fulinayo shuruudooda. Waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko musharaxnimada madaxweyne ee Prof Cabdisalaan Yaasiin, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo cid kasta oo tartan la gasha.

 

Shalay ayuu Prof Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynaha xisbiga Waddani, islamarkaana u tartami doono jagadaasi, balse Cirro wuxuu ku dooday inuu soo dhaweynayo cid kasta oo la tartamaysa.

 

Guddoomiye Cirro sidoo kale wuxuu xisbiga Ucid ugu baaqay inay khilaafkooda ku dhammaystaan shuruucdooda iyo hab walaaltinimo leh, isagoo sidoo kale sheegay in wixii shuruudo ay ku xidhaan isbahaysiga Kulmiye ay Waddani ahaan fulinayaan.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Waraysiga Guddoomiye Cirro Siiyey Star TV