Hadhaaga Meydadka 44 Qof oo Dawladdii Siyaad Barre Xasuuqday oo Maanta Aas-qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa

Xasu 1Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyey  Hadhaaga Meydadka 44 Qof oo Dawladdii Siyaad Barre Xasuuq u geysatay sannadkii 1984-kii, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu sameynayey gumaad isir-nacayb ah oo maamulkaasi kula kici jiray shacabka.

Marxuumiinta Maydadkooda laga soo faqay Xabaalo-wadareedyo lagu aasay, ayaa lagu xasuuqay meesha la yidhaahdo Badhka oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa oo wakhtigaasi dawladaasi si badheedh dadka inta ay isku Xidho ay dhammaan si safmar ah u Dili jirtay.

Meytidan ayaa Maanta Si rasmi ah dib loogu aasay Xabaalo ku yaala Duleedka Magaalada Hargeysa gaar ahana meesha la yidhado Masalaha oo dhinac Koonfur-Bari kaga beegan magaalada, waxaana jinaasaddooda ka qayb-galay masuuliyiinta Qaranka oo isugu jira Wasiirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye..

(Guji) DAAWO MUUQAALKA LAGA SOO DUUBAY

Aas wadareedkasi ayaa wax ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukumada Somaliland, Wasiirada Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Cadaalada, Diinta iyo awqaafta, waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xisbiyada mucaaridka ah, Boobe Yusuf Ducaale, Aqoon yahano kale Siyaasiyiin faro badan iyo dadweyne aad u badan.

Dhammaan Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay sheegen in loo bahan yahay in dadkii dadkaasi reer Somaliland Xasuuqay la horkeeno maxkamad si looga abaal mariyo dadkii ay xasuuqeen.

Dadka la Xasuuqay ee ka kooban 44 ayaa Wax soo qoday oo muddo dheer badhey Hay’ad Ajanbi ah oo la yidhado EPAF oo ku caan ah Baadhista dalalka xasuuqayada laga geeysto iyada oo ka soo shaqeysay dalal badan oo ka tirsan caalamka oo ay xasuuqyo ka dheceen.

Guddoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like ayaa warbaahinta u qaybiyey warsaxafadeed uu soo saaray oo u dhigsan sidan. “Waxanu halkan  iskugu nimid saaka in aynu sidii islaaminimadu ina fartay  u aasno 44 kan Marxuum oo ay si sharci darro ah, iyagoon danbi lahayn, u xasuuqday  dawladdii  markaa dalka ka talinaysay ee kaligii taliskii Siyaad Barre, ee sanadkii 1984 kii, wax mahad leh illahay oo maanta inoo suurta galiyey in sidii diinteena subani ina fartay aynu u aasno 44kan Marxuum oo laga soo saaray xabalaha badhka.

(Guji) DAAWO HAWL-GALKII LAGU HELAY XABAALO-WADAREEDKA

Waxa kale iyaguna mahad leh khuburadan ka socota hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984kii, iyaga oo hawshoodii sii wadi doona si ay u xaqiijiyaan xasuuqyadii kale ee dhacay sanadihii ka danbeyey 1984kii ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

4Khubarada baadhista ku samaysay hadhaaga Meytida ayaa ka socday urur-caalami ah oo la yidhaahdo EPAF kaas oo ka soo shaqeeysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya .

SOMALILANDPOST.NET