Haddii Puntland Ku Duusho Somaliland, Maxaa Diidaya in Somaliland Qabsato Garoowe? – W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Gobolka Puntland ee Somalia ayaa, sidii horeba caadada ugu ahayd, u hanqaltaagaya inuu qabsado gobolka Sanaag oo uu u arko gobol qiimo weyn leh mustaqbalka iyo gobollo kale. Sida lala wada socdo Xuduudaha Afika kuma salaysna abtirsiimo balse waxay ku salaysanyihiin dhul. Dalka Somaliland waxaa uu leeyahay xuduud qeexan oo caalami ah taas oo dhinac marta Garoowe iyo Boosaaso. Maamulka Majeerteeniya ayaa waxa uu iska dhaadhiciye inuu qabsankaro gobolka ugu muhiimsan Somaliland Sanaag iyo gobollo kale iyaga oo ku soo gabbanaya abtirsiimo khaldan isla markaana aan aqoon u lahayn dadka deggan Gobolka Sanaag.

Laga bilaabo 1998 oo la aasaasay Maamulka Puntland waxaa looga taag la’yahay Maamulka Majeerteeniya faragelinta iyo sheegashada qaybo muhiim ah oo ka tirsan ah dhulka Somaliland. Waxaa la yidhi: “Dab aadan ku guban dambaskiisa kama leexatid.” Saraakisha Mjeerteeniya waxay ahaayeen kuwii ugu cadowsanaa uguna axmaqsanaa sannadihii la xasuuqayay, lana barakicinayay dadka Somaliland, magaalooyinkooda iyo degaanadoodana la burburinayay (1985-1990). Ummadda Somaliland markii ay ka xorooday Somalia waxay diiday inay ku kacdo wax aargoosi ah, waxayna ka dooratay cafis guud. Maantana kuwaas ayaa dhulka Jamhuuriyadda Somaliland looga taagla’yahay oo maalinkasta ku goodiya inay ku duulayaan Somaliland kana qabsanayaan gobollo. Waxaa la yidhi: Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.” Somaliland waxay Puntland u samraysay 17 sano oo uga digaysay inay sheegtaan dhulka iyo xuduudda Somaliland.

Guddoomiyaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, oo marka uu hadlayo la moodo in maskaxda wax uga dhimanyhiin, waxa uu ku dhawaaqay inuu xoog ku xoraynayo gobollo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland oo uu ku jiro gobolka Sanaag kuna darayo Puntland. La yaab ma leh oo waa islaweynidii Reerkaas Puntland lagu yiqiin. Waxaa la yidhii: “Geelow daaq oo markaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa.” HADDI PUNTLAND WEERAR KU SOO QAADDO GOBOLLO KA TIRSAN JAMHUURIYADDA SOMALILAND, MAXAA DIIDAYA IN SOMALILAND DUULLAANWEYN KU QAADO PUNTLAND OO QABSATO GAROOWE ISLA MARKAANA KALA XIDHO BOOSAASO IYO GAROOWE? Ma jirto wax diidaya waana jawaabta qudha ee maanta la gudboon Somaliland si ay Puntland uga reebto dhulkeeda iyo dadkeeda oo aanay u sheegan mardambe. Dhul lagu duulaa waxaa uu leeyahay dhul lagu duulo.

Ibrahim Hassan Gagale