“Haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo, anigaa Murashax ah ee Ninka i Reebayow kaalay, haddii Xisbinimo laysku sharraxayana…” – Cali Maxamed Yuusuf (Guray)

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inay xisbiga Kulmiye ka dhex-jiraan dhaq-dhaqaaqyo loogu ololaynayo siyaasi murashaxnimaa xisbigaas kala wareega madaxweyne Siilaanyo oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Guddoomiye Cali Guray, waxaanu ka digay in haddii ololeyaashaas la joojin waayo uu isaguna xaq uga leeyahay cid kasta oo iska sharrixi karta Xisbiga Kulmiye.

mujaahid-cali-gurayCali Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in murashaxa Xisbiga Kulmiye yahay Madaxweyne Siilaanyo, haddii reer Ahaan loogu ololeynayo ciddii beddeli lahayn Madaxweyne Siilaanyo-na uu isagu shakhsi ahaan iska sharrixi doono xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID oo warbaabinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay isla markaana dareen-shaki ka muuqdo geliyey kalsoonida ay xisbi mucaarad ahaan ku qabi karaan guddoomiye Xisbiga dhiggooda ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ku eedeyey laba-wajiilanimo marka uu gudodomiyaha Waddani yahay kula macaamilo Xisbigooda UCID, marka uu adeegsanayo xilka guddoomiyaha golaha Wakiilladana kula shaqaysto Xukuumadda.

“Dadkan kale ee Yackooga ka dhex-ciyaaraya Xisbiyada ama reeraha, waxaannu uga digaynaa inay joojiyaan, haddii kale toos baannu u sheegi magacyadooda, waxaanannu leenahay siyaasadda ha loo daayo siyaasiyiinta. Waxaan u sheegayaa haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo, anigaa murashax ah ee ninka I reebayow kaalay. Mar haddii qolonimo iyo reernimo laysku soo sharraxayo, anigaa murashax ah, haddii Xisbinimo la eegoyana, Kulmiye waxa uu u murashax ah Madaxweyne Siilaanyo, UCID-na Jamaal, sidaasbaan u sheegayaa kuwa waxaas wada,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, Cali Maxamed Yuusuf waxa uu eedayn u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ku tilmaamay Laba-Wajiile, waxaanu yidhi, “Guddoomiyaha Wakiilladu, waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waddanku wuxuu marayaa xaalad adag oo uu xanniban yahay Xeerkii doorashadu, sidaas oo kalena uu xanniban yahay Komishankii doorashooyinka oo aan shaqadoodii gelin. Marka uu yahay Guddoomiyaha WADDANI, waannu wada-soconnaa Waddani, labadayaduba doorasho-ujeed baannu nahay, waanay naga go’an tahay.”

“Laakiin, waxa nasiib-darro ah marka uu Guddoomiyaha Wakiillada yahay, inay Xukuumadda wada-socdaan baad mooddaa oo ay wax kale isku ogyihiin oo aan ahayn waxay isku ogyihiin WADDANI iyo UCID oo ah doorasho. Waayo? Saacaddan adag waxaannu filaynay, maaddaama uu yahay Guddoomiyihii Baarlamaanka, inuu doorashada nala riixo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Guray.

SOMALILANDPOST.NET