Cardiff (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey madal ay ku marti-qaadeen Jaaliyadda reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ee magaalada Cardiff ee gobolka Wales ee boqortooyada UK.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo caawa la hadlayey jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Cardiff, gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga UCID, waxa uu ka sheekeeyey sooyaalkiisii taariikheed iyo guushii ka gaadhay inuu ka mid ah noqdo maamulayaashii ugu guusha badnaa ee gacanta ku soo qabta maamulka bangiyada ugu caansan adduunka iyo kaalintii uu ka soo qaatay ka qayb-qaadashada taageerada dhalinyarada ee dhinaca waxbarashada.
HALKAN KA DAAWO