‘Haddii faan lagaa dhigtaay masaakiinta dalalka shisheeye loo gacan galinayo waxaa iman dharaar wasiirada qarkood loo gacan galiyo dawlado shisheeye’ – W/Q: Garaad Cabdiqani

garaad cabdiqaniWaxaan salaamaya umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogan Ramadan Kareem, si gaar ahna waxaan u salaamaya saxaafadda madaxa-bannaan.

Dhawaan waxa dhacay arrin umadda oo dhan ka yaabsatay oo dawladnimadeeni iyo nidaamkii kala danbayneed ee caalamku inagu ogaa meeshaba ka baxay.

Dawlada Somaliland waxa hal mar ka dhacay muwaadiniinteedi inay qabqabato kadibna u gudbiso dawladda DJibouti taasoo macnaheedu yahay dadkan haddaad tuhunsantihiin waa kuwanee ku ciqaaba dawladdiina iyo dalkiina.

Arrintaasi waa mid muwadiniinta Somaliland ay qaadan kari waayeen, waxaanay meel ka dhac ku tahay dawladnimada iyo xeerarka dalka u dejisan. Waxa uu dastuurka Somaliland jidaynayaa inuu muwaadinku xaq leeyahay, dawladduna xaq ku leedahay. Haddii qof kasta oo muwadin ahi danbi ka galo caalamka ama dawladdiisaba kuma taalo xeerkeena iyo dastuurka in muwaadinka meel kale lagu ciqaabo loona gacan galiyo.

Wa masalo xannuun badan wa masalopoyinkii aynu ka dagaalanay ah, waa arrin qadaf badan lamana qadan karo.

SNM malintii Siyaad Barre iyo Ina Abti Doon u heshiiyeen in ciidamada SNM loo sso gacan galiyo dawladdii Siyaad Barre, waataynu ka dagaalanay ee lagu soo hoobtay Burco iyo nawaaxigeeda innagoo diiddan in aan raggaas dawlad loo gacan-gelin.

Haddaba, ma waxaynu Soddon Sanno ka hor ka dagaalamaynay ayaynu maanta qaadana oo isku samaynaa innagu?

Waan canbaaraynayaa waanan diidanahay in dadkaygii maantaa Gaas caloosha lagaga shido waliba iyadoon wax cad lagu haynin mana aqbalayno in sidaa wax lagu sii wado.

Kuwii madaxtooyada iyo safaarrada Itoobiya qarxiyay waxay soo mareen oo inagaga yimaddeen Jabuuti, waana kuwa wali Hargaysa ku xidhan, waanay sheegeen ciddii soo taban-taabisay markay Jabuti ka soo baxayeen, inoomay keenin Jabuuti dadkaa soo taban taabiyay.

Muwadiniinta reer Somaliland maleh sharaf iyo xuquuqtoona, waana layska geynayaa meeshi laga soo dalbado miyaa? Tasii socon mayso!

Waxaanu u shegaynaa dawlada, sharcigu haddii uu maanta qabanayo dadka masaakintaa, waxaad ogataan barii ayuu idinkana idin qabanaya oo la idiin gudbinaya dawladaha caalamka.

Nidaamkii aynu dawladaha jaarka ku macaamilaynay wuu baaba’ay meelkasta way xidhan tahay waxa aan la xidh-xidhay maalin dhawayd oday aad ugu qaliyaa Somaliland oo xannuun deg-deg ahi ku dhacay, dawladda ayaa doontay inay dirto waa loo diiday Dal-ku-galka Jabuti iyo kii Ethiopia, meel alaale mel u furan waddanki majiro, waxaana taas u dheer in muwadiniinti loo gacangaliyo.

Waxaan u soo jeedinayaa dawladda, waxaad waddaan caddaalad maaha, waa ummad-gumaad, dalkii oo carruurti ka tahriibtay oo abaar iyo sixir barar haysto, inaad haddana tacaddi iyo dhib kale ku haysaan, wa qaran baabiis, ka daaya umadda oo tudhaale u sameeyaa inta Illahay idinka qabanayo.

Nimanka afarta ah ee Jabuuji loo dhibay aadbaan uga xumahay waanan ku cel-celinayna canbaarayntayda, in kasta o lanoo sheegayo in kii labaadna koomadii ugu dhintay, arrintaa mudaharad iyo dareen celin baa ku waajiba muwadiniintaay.

Wabbilaahi Tawfiiq

Ramadan Kareem

Garaad Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi

 

F.G,Aragtidani waxay gaar u tahay qoraaga magaciisu ku saxeexan yahay, marnaba kama turjumayso afkaarta Shabakadda Somalilandpost.net, laakiin waxaanu dhiirrigelinynaa Fikirka xorta ah ee Muwaaddiniinta aragtidooda ku cabbiraya xaaladda taagan.