“Haddii Dadka Sool DNA-Dooda La Qaado, Waxay Inta Badan Isku Dhiig Noqonayaa Dadka Ay Ooda Wadaagaan” Waasiirka Madaxtooyada

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Madaxtooyadda  Maxamuud Xaashi Cabdi , ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay sanadkan lacag todobada Milyan oo horumarin ah galinayo gobolka Sool.

 

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kalena baaq u diray qurbajooga reer Sool isaga oo u soo jeediyya inay ka qayb qaataan horumar uu sheegay inuu wakhtigan ka jiro Sool.

 

 

 

“Maamulka Puntland waakii gacanta ku hayey, waxa ugu waynaa ee ay ku doodayeen dhiig ayeynu wadaagnaa hadii dadka gobolkan degan DNA-dooda la qaado, waxay inta badan isku dhiig noqonayaa dadkan  ay ooda wadaagaan ee Somaliland, aniga hadii dhiigayga la qaado sagaal awoow ayaa dadkan ka soo jeedaa, wax lagayaabaa in ninka Gaalkacayo jogaa aanu ka soo jeedin, waxaan markaas leeyahay oodi ab ka dhow, Dhirtuna siday isu dhigto ayey isu xoqdaa.”

 

 

 

 

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “Horumarka gobolkani bartilmaameed ayuu xisbiga KULMIYE u yahay. Puntland maxkamad qabyo ah ayey kaga tageen lixdii sano ee ay maamulka gobolkan hayeen, Somaliland intii ay tallada haysay waxay qabatay waa aragtaa, shacbiga Aqoonyahana, indheer-garatada waxanu leenahay nala eega, nala cadaalad sameeya, qiimeeya, bal isu kaayo eega, anagu nabad ayaanu gobolka ka samaynay, Ciidmada aanu keeno gumaysi umaanu keenin inay nabad ilaaliyaan ayaanu u keenay, waa kuwaa maanta ku kala hagoogtay beelihii walaahada ahaa ee shaqaaqadu ka dhex dhacday, markii Puntland haysatay meel walba waa laysku dili jiray, baroono ayaa magaalda layskugu soo kaxaysan jiray iyadoo qoys qoys laysku dilayo, aanada iyo aargoosiguna wuu socday, masaajidka wayn ee Laascaanood hortiisaa qoorwayntii lagu laayey, waxa weeye waxaanu leenahay gacana waxaanu ku wadnaa horumar iyo nabad galyo, midna waxaanu ku wadnaa in aanu dadka beerkooda isku xaadhno oo heshiisno, oo tabashada turkaan saarno, waxaanu leenahay walaalayaal, waxaas ayaanu qabanay bulshada reer Sool ee qurbaha jirta ee aragtida khaldani ku qufulan tahay waxaanu leenahay waar qudhunkaa iyo qabyaaladaa waa laga baxee kaalaya gobolka nala dhisa hadaa raganimo haysaa, oo lacagta aad Ubadkiina doonaysaan inaa ku laysaan wax ku bara oo la tartama gobolada kale ee Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa