“Haddii C/Laahi Abokor Maxkamad La Horkeeni Waayo Waxay Cadaynaysaa In Wixii Uu Sheegayey Ay Run yihiin” – Suldaan Naqdiyey Siyaasadaha Khaarajiga iyo Daakhiliga Xukuumada Siilaanyo

Somalilandpost NewsHargeysa (SLpost)- Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ayaa luuqad adag ku naqdiyey siyaasadaha khaarajiga iyo daakhiliga xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, taas oo uu ku tilmaamay mid albaab walba ka soo xidhmay oo lumisay kalsoonidii shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaan kii dunidaba.

Suldaan Mahad waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka Mandaqada gaar ahaan Ethiopia oo wakhtigan maraya meeshii ugu xumayd isla markaana xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay talaabo ka qaado sababaha keenay shakiga xukuumadda Somaliland ay ka qaadeen dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Djibouti oo sababtay inay xadadkoodii si rasmi ah mar kaliya taariikhda Somaliland ay u xidhaan.

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi waxa uu sidoo kale farta farta ku fiiqay inay dareen badan sii galisay dalalka Somaliland la saaxiib ka ahaa Maxkamad la’aanta uu ilaa hadda xabsiga ugu jiro wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor Cismaan, kaas oo uu ku tilmaamay in Maxkamadda oo la horkeenaa ay dareenada shakiga leh ka saari lahayd beesha caalamka, maadaama oo masuulkaasi loo xidhay eedo uu masuuliyiin xukuumadda ka tirsan kula xidhiidhiyey inay ka tirsan yihiin ururo xagjir ah.

Suldaan Mahad waxa uu sidoo kale cambaareeyey xadhiga iyo xayiraada ay xukuumadda Siilaanyo iskugu dartay Wargeyska Haatuf iyo madaxdiisa, taas oo uu ku sifeeyey talaabo muujinaysa dagaalka ay xukuumadu kula jirto warbaahinta madaxabanaan iyo xoriyatul-qawlka, isagoo tacadiyadaasi ku tilmaamay kuwo aan wadadii sharciga ahayd loo marrin.

Suldaanka qoraal uu arrimo badan kaga hadlay magaalada Hargeysa ka soo saaray, ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti heerka uu marayo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay

“Waxaanu aad uga xunahay in culays wayni fuulay ganacsatadii wax kala soo degi jirtay dalka Djibouti, iyadoo isku socodkii labada shacbi ee labada dalna xaga Somaliland dadkii ka tagayey guud ahaanba la joojiyey oo dadkeena loo ogalayn inay sidii fududayd ee ay ugu socdaali jireen dalkaani aanay imika u tagi kari oo shaki badani galay dawladda Djibouti.

Mida kale waxa nasiib daro ah in ilaa imika aanay Xukuumadu wax lagu qanco ka odhani arrintaas saamaynta badan ku leh isku socodka iyo ganacsiga labada dal, iyadoo xidhiidhka ganacsi ee Mudooyinkii u danbeeyay Faraha ka siibaxaya ee Aanay xukuumadu ka hadal waxa kalifay, iyadoo ay waheliso taa mid la mid ah oo Culays badani uu ka soo kordhay Muwaadiniinta reer Somaliland ee baahida daruuriga ah ee ay gayn jirtay dalka Itoobiya oo ay ka mid ahayd in baahiyo Cafimaad ay u tagaan dadka reer Somaliland ee xanuunadu hayaan iyo kuwa danta gaarka ah u leh Dalkaasi oo aad daruuri u ahaa. Xukuumaduna ilaa iyo hada aanay ka hadal sababta keenay in safaarada Dalka itoobiya ay ku leedahay Somaliland ay u joojisay gabi ahaanba isa socodkii labada dal”.

Suldaan Mahad isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya xaaladaha cakiran ee uu dalku galay mudadii xukuumadda Siilaanyo, waxa uu yidhi “Waxaanu xukuumada Ku dhaliilayaa wax ka qabasho la’aanta xaaladaasi ee soo wajahday guud ahaanba dalka oo dhan oo waliba keentay curyaamin xag siyaasadeed iyo xag ganacsiba.

Waxa mudooyinkii u danbeeyey jirtay oo aanu odhan karnaa waxay sababtay xaaladaha xuduudaha Somaliland ee cakirmay, ay sabab u yihiin eedaymo xukumada dul hoganaya oo ah xaalado amni, oo aan ilaa hada xukuumadu aanay dhinacna iskaga leexin oo ay ka mid tahay Masuuliyiin xukuumada ka mid ahaan jirtay ku eedeeyeen kuwa manta shaqeeya , iyadoo aan wali wasiirku kigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi abokor oo ay eedayntaasi ka soo yeedhay uu xabsiga ku jiro oo Aan wali maxkamad la horkeenin si arintaasi uu u cadeeyo hadii kalena uu danbiile ku noqdo xukun uu ugu dhaco. Taasi oo shakiga ka saari lahayd wasiirada maanta shaqeeya ee uu ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin ururo argagaxiso ah. Hadiise aan C/laahi Abokor degdeg Maxkamad cadaalad ah loo horkeenin waxay cadaynaysaa in wixii uu sheegayey oo dhami ay yihiin wax run ah.

Hadaba waxay umada reer Somaliland yar iyo weynba xukumada uga fadhiyaan in ay xaaladahaasi xaasaasiga ah ee umada reer Somalilandna ku laf jabka ah ay dhan iskaga leexiso.

Waxa guud ahaanba shaki ku abuurtay dadka reer Somaliland aamusnaanta xukumada ay ka aamusantahay xaalada adag ee dalka iyo dadkaba ku habsatay , waxaan madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ugu baaqayaa inuu ceebtaasi ku soo noq noqatay inay xukuumadiisu cadayso oo uu isagu cadeeyo isagoo saxaafada u marinaya xaqiiqada jirta, hadii ay jirto waa wax aan ceeb uun ku ahayn Xukuumada ee ceeb ku wada ah shacabka reer Somaliland. Waxaa dawladda la gudboon in ay ka gilgilato ceebaha ba’an ee dul hooganaya qarankan curdinka ah ee Somaliland si dhaqso ahna loo horkeeno cida ay eedayntani ka soo yeedhay iyadoo loo raacayo sifo sharciga waafaqsan oo Cadaalada iyo Maxkamadaha la hor keeno.

Waxa kaliya ee Somaliland aynu ku iib gayn jirnay ayaa ah amniga hadii kiina dawladihii jaarku xadadka ka xidhanayaan xaalad amni xumo Aawadeed waxaanu u aragnaa Siyaasad xumo xukuumada dul hooganaysa, Dawladda waxqabadkeeda waa lagu amaanayaa wixii ay xumaysana waa lagu dhaliilayaa”.

Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Caraj) mar uu ka hadlayey dagaalka xukuumadda Siilaanyo ku hayso warbaahnta madaxabanaan iyo xoriyatul-qawlka, waxa uu yidhi “Waxaan si adag u dhaliilayaa xadhiga iyo cabudhinta lagu hayo saxaafada xorta ah iyo xukunada ka baxsan bini aadanimada ee xukuumadu kula dhaqmayso saxaafada madaxabanan, ee bulshada uga waranta wacyiga dadlka ka jira.

Ma qabo Saxaafadu in ay u dhisan tahay wax ka sheega Maamulka Somaliland ee waa rukun ka mid ah astaanta qaranimo, Waxay ka tarjuntaa wacyiga Qaranku ku nool yahay iyo kolba wixii dalka ka jira.

Saxaafadana waxaan leeyahay kol hadii aad saxaafadii Somaliland aad tihiin waxaad tihiin shaashadii caalamku ka daawan lahaa qaranimada Somaliland ee iib gayn lahayd Dumuqraadiyada ee iib gayn lahayd qarankan Somaliland ee ka qayb qaadan lahayd Ictiraaf raadinta”.

Suldaan Mahad mar uu ka hadlayey xidhiidhka sii xumaanaya ee u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo dalalka jaarka, waxaanu yidhi, “Waxaan xukuumadda si adag ugu dhaliilayaa inay ka gaabisay wax ka qabashada eedaha isa soo taraya ee mudooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonaya ee aanay dhinacnaba iskaga reexin, kalifayna in uu xumaado xidhiidhkii saaxibtinimo ee Somailand la lahayd Dawladaha Caalamka oo ay kaw ka yihiin kuwa jaarka la ah dalka Somaliland oo saaxib dhaw la ahaa Somaliland, taasi oo aynu dheerayn Maamulada La ictiraf san yahay ee ay ka mid tahay Maamulka Somalia.”

SOMALILANDPOST.NET