“Haddii bisha August 10-keeda innaga gaadho, sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo Guurtida” – Muuse Biixi oo ka hadlay Khilaafka Doorashada

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadlay xalka ay xukuumaddiisu u qorshaysay qabsoomidda doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo khilaaf laysku mari waayey ka dhex-abuurtay Axsaabta siyaasadda oo aan ilaa hadda wax heshiis ah ka gaadhin xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ay dalbadeen in wax-ka-beddel lagu sameeyey.

 

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa muddooyinkii u dambeeyey dibad-joog ka ahaa wada-xaajoodyo dhinacyada doorashooyinka ku shaqada leh kaga wada-hadlayeen qabsoomidda, kaddib markii xisbigu kalsooni-darro ka muujiyey xubnaha Guddiga doorashooyinka oo markii hore ay dalbadeen in dhammaantood la beddelo, balse markii dambe soo jeediyeen in laba xubnood lagu daro xubnaha 7-da ah ee Guddiga tiradoodana laga dhigo 9 xubnood, taasina sababtay in xisbigaasi ku soo laabto miiska wada-xaajood Axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka. Waxaanu Xisbigu dalbaday in Guddiga Doorashooyinka laba xubnood lagu daro, taasina ay tahay qodobka ugu weyn ee muranku ka taagan yahay.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan la hadlay saxaafadda kaddib kulan ay wada-yeesheen saddexda Xisbi mucaarad iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa sheegay xalka muranka arrintan ka taagani go’aan ka gaadhisteedu dusha ka saaran tahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu labadoodaba u soo jeediyey in midkood tanaasulaad la yimaaddo si doorashadu u qabsoonto, ka-xisbi UCID ahaanna ay danaynayaan Doorasho dalka qabsoonta.

 

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo caawa hadal ka jeediyey munaasibad casho-sharaf ah oo uu u sameeyey Wufuud ajaanib ah iyo muwaadiniin dalka u yimi ka qayb-galka furitaanka Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sheegay inaanay xilligan suurto-gal ahayn in laba xubnood lagu daro Guddiga Doorashooyinka, taas haddii laga hawl-galana ay sababayso dib u dhac ku yimaadda doorashada iyo in Golaha Guurtida loo gudbiyo arrintan si ay mar kale u muddeeyaan xilliga doorashada.

 

“Xisbiyada Mucaaradka waxaan u dirayaa, saaxiibayaal wakhtigii doorashada haddii bishii August 10-keeda innaga gaadho, sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo Guurtida, caawana waxaynu joognaa 20-kii July, waxaynu ku murmaynaa waa 2 halagu kordhiyo iyo yaan lagu kordhinin. Waxaan weydiinayaa saaxiibaday ka muhiimka ah in 2 lagu daro Komishanka mise in doorashadu qabsoonto?”

 

“Waxaan leeyahay, 2 halagu kordhiyo oo immika sharci hala bilaabo, macquul maaha, sharcigu siduu yahay aynu ku galno maanta. Marka ay dhammaynayo (Doorashada) Baarlamaanka, aynu ku darsanno, laakiin 20 cisho sharci hala furo oo halaga doono maxaa la kordhinayaa iyo baarlamaanka oo la geeyo, taas doorashadu way innagaga lumaysaa oo gaadhi mayno, labaatan cisho ayaa inoo hadhay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.”

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Labada xisbi waxaan u soo jeedinayaa, dalku doorasho ayuu u baahan yahay, maalinta doorashada laga baxo, ajandaheenna ugu horreeyaa ha noqdo 2-daas nin ee aad doonaysaan. Maanta haddaynu hawshaas galno ka biximayno ee waxaan soo jeedinayaa inaynu doorashadii galno.” 

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net