“Haddii aanu furan-kari weyno waxaanu rajeynaynaa inuu shacbigu int ay annaga (Golaha Wakiilada) gudaha noogu soo galaan uu dibada naga dhigo, oo Siilaanyo iyo shicibkuna ay qalaalnaan isku haleenaan”

Xildhibaan QabilleHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inuu wakhtigan dalku marayo xaalad xasaasiya oo khatara oo aan la eegan karin,isla markaana ay bilaabantey Mooshinkan Golaha Wakiilada horyaala iyo xeerkan Cashuuraha ee ay madaxtooyadu daba-da ka riixayso.

Xildhibaan Qabile waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta ka hadlayey shirjaraa’id oo ay Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ay ku qabteen Xafiiskooda Magaalada Hargeysa.

Ugu horeyn,Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida mudanaasha Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi, “Dastuurka qaranka ee Somaliland waxa uu qorayaa awooda Golaha Wakiillada, sida qodobkaasi qeexayo Golaha Wakiilladu waa golihii kowaad ee sharci-dejinta qaranka,marka la yidhaahdo Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada) waxa ahmiyada kowaad leh Golaha Wakiillada, awoodaha qaar ayuu u khaas-yeelayaa qodobkaasi, marna waa dadkii ka wakiilka ahaa bulshdan uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sidaa daradeed mooshin ay dhawaan soo jeediyeen Golaha Wakiilladu oo ay cuskanayaan qodobka 39aad 53aad faqradihiisa 1aad, 2aad, 6aad iyo 7aad iyo Dastuurka qodobkiisa 14aad, waxaan rajeynaynaa inuu goluhu si wacan ugu guuleystey inuu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu horkeeno Golaha Wakiillada si wax looga weydiiyo gudda-shada xilkiisa madaxweynanimo”

“Haddii Golaha Wakiiladu u yeedhi-kari-waayo Madaxweynaha Somaliland, oo uu taa yeeli-waayo, in wax laga weydiiyo gudashada xilkiisa wixii khuseeya waxaanu uga gudbi-doona 27-Xildhibaan oo dhiga Maamus ka xayuubin (Impeachment), hadduu ka dhago-adeygo imaatinkaa. Sida uu jideynayo dastuurka Somaliland”. Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Xildhibaan Qabile waxa uu sheegay inay ka gole Wakiile ahaan isku dhaarsadeen inay ka gil-gishaan dhag-xumada iyo tacadiyada lagu sameynayo,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Golaha Wakiilladu in dhaweyd xan iyo dhaddo ayuu huwanaa, laakin waxaanu isku dhaarsanay inaanu ka gil-gilano dhag xumadaa iyo tacadiga lagu sameynayo ee la quudhsaday karaamadii umadda reer Somaliland, ee lahayd qiimaha iyo karaamada Dastuurkan Somaliland uu jideeyey,haddii ciddii ku amar ku taaglaynayso,lama dhigeen 97% (Boqolkiiba todoba iyo sagaashan) cid ugumay codeyseen, haddii uu nin sida uu doonayo ugu talaabsanayo. Golaha Wakiiladu mooshinka xaq ayey u leeyihiin”.

Mar uu Xildhibaan Qabile ka hadlayey is-bahaysiga mucaaridnimo ee ay Xisbiyada UCID iyo WADDANI dhexmartey ayaa waxa uu yidhi“Xisbiga UCID-na waxaanu ka rajeynayna walaalnimada, midnimada iyo gacan-saarka ay la yeesheen Xisbiga WADDANI inay noqoto mid adkaata, guushi hore ayaanu ku hungoownay ee Xisbiga UCID gacanta la qabtey Xisbiga KULMIYE inay maanta noo bedesho gacan qabsashada WADDANI oo ay halkeedi noo soo gasho,tan iyo inta aanu  guusha kama danbeysta gaadheyno”.

“Qodobka 53aad Dastuurka qaranka Somaliland  waa qodobka u khaas-yeelaya Golaha Wakiillada inuu xakeyn maro Xukuummada, arrimaha maaliyadda iyo arrimaha heshiisyada ee ay xukuumaddu soo gasho.Waxaad og-tihiin Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland inaanu keenin 100-heshiis in ka baddan ayuu galay, hal heshiis muu hor keenin Golihii Wakiillada ee ku xaq lahaa, waynu og-nahay ceebaha ka soo if-baxay General Energy iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu galay, waa waxyaabaha la doonayo in Golaha Wakiillada lagu horkeeno (Madaxweynaha) inuu dhigo si loo eego heshiisyadaasi manaafacaad iyo waxtar waxa ay umadda reer Somaliland u leeyihiin iyo qaran-ba”.Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Qodobka 53aad waxa kale oo uu sheegayaa Miisaaniyada qaranka cidda leh awoodeeda inay diidaan,wax-kebedelaan,wax ku daraan,ama laalaan cidda lehii waa Golaha Wakiillada.”

Xildhibaan Qabile waxa uu ku tilmaamay Wasaarada Madaxtooyada Somaliland inay isku bedeshay hay’ad dakhli uruurineed, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Maanta waxa la soo dhigay miisaaniyad labaad uu Wasiir ka mida Wasiiradu uu soo dhigay,Waxaan idiin sheegayaa madaxtooyadu waa hay’adii ugu sareysay qarankan Somaliland, ee isku xidhaysay ama hogaaminaysay qarankan maanta hay’ad dakhli uruurina ayey isku bedeshay,cidda leh awoodaha kordhinta cashuuraha, ama wax ka bedelkooda, waxay ahayd marka taas la sameynayo in lagala tashado Wasaarada Maaliyadda, in lagala tashado Hawlaha guud,in lagala tashado Ganacsiga midna lagalama tashadan,waxaynu og-soonahay horaamaadkii dhismaha dawladiisa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa madax-banaanayd Dekedda Berbera, oo haamaha shidaalku way madax-banaanaayeen, hay’ada Waddooyinka Somaliland way madax-banaanayd, guddida qandaraasyada qaranku way madax-banaanaayeen, maanta waxa mid mid loo hoos-keenay dhamaantood madaxtooyada Somaliland, waa awoodii dhaqaale oo ku soo uruurtey gacanta madaxweynaha , arrinkaasi arrin la eegayey maaha mana aqbalayno Miisaaniyad aan ahayn miisaaniyada uu dhigayo qodobka 53aad ee Dastuurka qaranka Somaliland, miisaaniyada qarankuna waa mid uun ee laba maaha, haddii la doonayo in waddooyin la dhiso ha lagu soo daro miisaaniyada qaranka, laakin miisaaniyad loo sameeyo Wasaarada Madaxtooyada ama Wasiirka Madaxtooyada ma jirto”.

“Mid umadda waanu ka raali-gelinaynaa Wasaarada madaxtooyadu ma hayso xil aan ahayn, igmashada madaxweynaha oo kaliya sabab loogu yeedho meesha may oolin, waa mid aanu ka cudur-daaranaynaa haddii aanu nahay Golaha Wakiillada naftayada aan la xaal-siinayno umadda qaranka aan ka xaalsiinayno”.Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile oo ka hadlayey horimaanshihii Golaha Wakiillada Somaliland ee Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ku horyimid.

“Maanta Baashe Maxamed Faarax oo ah kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waa ayaan-darro waxa uu madaxweynaha ku qirey in la laabay Dastuurkii qaranka, marka uu leeyahay looma yeedhi-karo, markaa Golaha Wakiilladu-na waa inuu iskaga dareero meesha, inuu joogaba maaha haddii Golaha Wakiilladu u yeedhi-kari waayaan, ma islaamaha suuqa wax ku iibiya ee cabudhinta cashuurta ah la saarey ayaa u yeedhaya oo ka dul-ooyaya Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Haddii Golaha Wakiilladu u yeedhi-kari-waayo?” ayuu uu yidhi Xildhibaan Qabile.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaanu furanaynaa cidkasta oo maanta caloosheedu qudhudhuc lahayd, haddii aanu furan-kari-weyno waxaanu rajeynaynaa inuu shacbigu gacantiisa nagu sii kala daayo, oo annaga (Golaha Wakiilada) inta uu gudaha noogu soo galaan uu dibada naga dhigo, oo Siilaanyo iyo shicibkuna ay qalaalnaan isku haleenaan. Cashuur kordhinta waxa loo eegayaa qodobka 14aad ee Dastuurka qaranka Somaliland, culeys iyo awood-ba shacabka. Xukuumaddu waxay iska soo daabacatey lacag xaq umay lahayn, mid aanay Golaha Wakiillada uga amar-qaadanin ayey iska soo daabacatey waxaan sixir-babar ahayn may soo kordhin”.

“Doorashooyinkii qaranka ee la rajeynayey waa waxyaabaha xan-xanteeya ee ugu baddan ee ma ku qabsoomayaan xiligoodii mise waa maya? Werwer weyn ayaa laga qabaa, Golaha Wakiillada haddii aanu nahay waxaanu balanqaadayna inta nagaga aadan ee ah soo de-dejinta xeerarkii golayaasha qaranka lagu doonayey ee uu kaayagu ka mid ahaa inaanu miiska soo dhigno oo ay naga soo baxdo,laakin xukuumada ma laga helayaa kala-xadeyntii? Ma laga helayaa diwaangelintii umadda?”.Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.

“Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay marxalada uu maanta uu dalku marayaa waa mid khatar ah, oo xasaasiya, oo aan la dhayal-san Karin, maanta waxa la bilaabay Mooshinkan yaala iyo Xeerkan Cashuuraha ee Madaxtooyadu daba ka riixayso in qabiil qabiil na loo soo weeraro,waxaan u sheegaynaa waar kumaamaan dhaaran qabiil, ee waxaanu ku dhaaranay inaan sinaan iyo cidaalad ku maamulno muwaadiniinta Somaliland inta aanu xilka hayno, ha nagu soo lugi’in ayaanu leenahay.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net