HADDII AAD WAX GUDBIN WEYDO, WAA LAGUU SOO GUDBIN

Bulshada dhinaca curnita iyo farsamo abuurka gaabiska ka ah amaba ka arradan, waxa ay sugtaa wax-soo-saarka maskaxeed ee cid kale, haddii ay yihiin fikir iyo farsamooyinba, waxana uu u soo gala si tartiib tartiib ah, sidii daadkii Xaabaale. Fikradaha cusubi waxa ay badhxaan, wiiqaan, marar kalena xididdada u siibaa wixii hore u yaallay. Waa lagu bushaaraystaa, la bahaystaa, waana la sii baahiyaa. Haddana, sida waayaha nolosha looga bartay, ee xoog kastaaba si tartiib tartiib ah u lumiyo tamartiisii, ayaa raadaynta fikirkaasi yaraadaa ama sii shiikhdaa. Waxana abuurma saansaan cusub oo oo lagu soo dhaweeyo baaq cusub oo mar kale mijoxaabiya, tii ooney bulshadiba kasoo kabanin miyirdoorsoonkii hore, wixii ay yabyabayeenna faraha ka qaadaan. Waxa aan la dhayalsan karin raadka ay meegaarayntu (globalization) iyo baraha bulsho ku lee yihiin gudbinta fikiradahaas. Soomaalidu hore ayay ugu maahmaahday “nin aan warankaagu gelin, warkaagu ma galo”. Saamaynta dhinaca keliya badiba u socoto (unilaterial influence) ee ku aaddan dawladaha loo yaqaan ‘kuwa soo koraya’ ama hore loo odhon jiray ‘Dunida Saddexaad’ waxa inta badan door ku leh awood cududeed iyo midda farsamo (tiknoloojiyadeed) oo aanay cidda xilli xillyada ka mid ah ay gacanta ugu jirtaa sinaba u rabin in ay hoos uga daaddegaan heerkoodaas. Weliba sidaas ayaanbaan la oggolayn in bulshooyinkaas qaarkood marnaba madaxa la soo kacaan. Se kuwan dambe inta ay iyagu is minjo-xaabinayaan ayaa ka badan inta nacabkoodu u xadhig maleegayo.

Dareenkan waxa igu dhaliyay ilmihii yaraa ee 14 jirka ahaa ee farsamo-abuurka da’diisa ku weyn la yimid. Weyddiimaha ka dhalan karaana waxa ka mid ah: Haba jiro in uu ilmahaasi lahaa hibo Eebbe oo ku duugan maankiisa, se intee in le’eg ayay sabada (bii’adda) ku hareeraysani ka qaadan kartaa qarxinta awoodaha ku duugan? Qaabka wax dhigideed muxuu kaaga duwan yahay keenna? Is-garab-taag intee le’eg ayuu Axmed yare (waa wiilkii Saacadda e) ka helay adooggiis iyo hooyadiis?

Dhinaca kale, soo shaacbaxa ilmahaas yari, iyo sheegsheegidda warkiisa iyo musdambeedkiisa Islaamnimo, waxa laga yaabaa in uu saamayn ku yeelan karo dad badan oo aan Islaam ahayn, in ka badan boqollaal muxaadaro oo ay jeediyaan culimo caan ahi. Muuqaalka ilmaha yar ee la waraysanayo, oo ay afkiisa ka soo baxayso “Asalaamu calaykum” isaga oo og in dhegaysteyaashiisu u badan yihiin Maraykan, iyo hooyadii oo xidhan dhar ay ka muuqato dhowrsoonaantii dhar-xidhashada Islaamka, waxa ay gudbinaysaa farriin aan malaayiin eray lagu sheegi karin oo xadantayn kara laabaha dad badan kuna xambaari doonto in ay wax ka ogaadaan Islaamka.

Axmed Ibraahin Cawaale