Haddalada Danaystaha, Himilada Dadweynaha iyo Hiigsashada Hogaamiye Siilaanyo

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Waxaa hubaal in mudada Qarankani Xornimada uu dib ugala soo noqday wixii la isku odhan jirey Somaliya oo ku beegnayd Sanadkii 1991  lagana jooga hadda labaatan sanno uu soo maray maraaxilo kala duwan oo ay sal u ahayd Ujeedooyin khariban oo ay dabada ka riixayeen Danaystayaal aan jeclayn Horumarka Dalka balse ay caabin adagi kaga timid Rabitaanka Shacabka .

Haddaba, waxaa igu kalifay maanta inaan qalinka iyo warqadda is dul-qabto , in aan u iftiimiyo Shacabka Muwaadiniinta ah farsamooyinka qarsoon ee Danaystayaasha, aniga oo ku kalsoon inay Dadwaynuhu intooda badan ogyihiin waxay u sheegayaan ee aan salka lahayn , balse waa iga xasuusin oo kaliya , maanta Waxqabadka Xukuumada Axmed Silaanyo ee dhinacyadda badan leh , haddii ay tahay Adeegyadda bulshada, Amniga iyo Aqoonsi-raadintaba waa wax  muuqda oo lataaban karo; Shacbiguna ka markhaati yahay oo aan caad ka saarnayn. Dabinada iyo Xadhkaha ay maleegayaan Danaystayaashuna waa mid Shacabku isha ku hayaan. Shacabka maantu ma aha kii sannadkii 1992. bal Akhristayaal aan idin xasuusiyo  dhacdo aan goobjoog u ahaa oo aan filaayo in aad idinkuna  xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa cabaaro 10:00  Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN  Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid ahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi raadis ahaa. “ Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay waxkale. Aqoon la’aan inaga haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii aqoonsiga keenaysay .  Kelmaddaasi waxay shacabku isugu tahniyadaynayeen muddo bilo ah “ Somaliland hadda ayaa la aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida.

Haddii aan usoo noqdo ujeedada qoraalkaygan, oo aan diiradda saaro marxaladan hadda ee uu taladda dalka gacanta uu ku hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo ayna labadii sanno  u dhamaan wali.  Waxaan taxliilin doonaa 3 qodob  oo muhiimad wayn inoo leh ka- shacab ahaan inaynu indhaha ku hayno.

Sida laga dheehan karo  Ciwaanka Maqaalkan ,waxaan ku bilaabo doonaa haddalada Danaystaha iyo nuxurka ku duugan. Waxaase marka hore in la kala ogaado mudan faraqa u dhexeeya Mucaarid iyo Danayste. Mucaarid waa mid wax dhisa (Constructive)  oo mucaaridnimadiisa ku saleeya ka haddalka danaha guud ee bulshada ugana hadla si ( Objective) ah ha noqdo kuwa kasoo jeeda Axsaabta Mucaaridka ama ha noqdo Siyaasi Madaxbanaan ba’e. Danaystuhu waa shakhsi dantiisa oo kaliya ka hadla kuna kooban, umaddana ka dhaadiciya mala-awaal si ay dantiisu u hirgasho. Dhinaca kale haddii aynu ka eegno Masuulka Xisbi Mucaarid sidaynu sare ku xusnay waxa uu shacbiyadda ku soo jiidan karaa marka uu ka hadlo danaha guud ee Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed waa marka ay cida loo igmaday kasoo bixiweydo, balse ,  ninka ka tirsanaa maamulka jira ee waaya wixii uu rajaynayay ee danihiisa ahaa waxaa badanaa aynu aragnaa isaga oo si shakhsi ah u weeraraya cidda mindida daabkeeda haysa iyada oo ay intaa u sii dheer tahay  mana-sheegasho xad-dhaaf ah. sidaa awgeed, waxaan waydiin lahaa Muj Cali Gurey ,  Miyaad iska casishay xilkii afhayeenimo ee UDUB? Goormaad se gashay Kulmiye? Ileen waadigan ka baydhay marinkii mucaaridnimo lahaan jirtay ,  ee u hadlaya nin la ilaawey oo rajo qabay, warbaahintana ku qoreya  SIILAANYO WAA ABAAL-LAAWE .  oo illaa Sariirtaydii ayaan u baneeyey iyo hebel iyo hebel ayaan uga hiiliyey.  Dhacdadan kale  ee Cali Gurey  ummadda u sheegay waxay ahayd “Siilaayo wakhtigii SNM waxa uu ahaa nin xun”. Mujaahidka waxaan waydiin lahaa mudadaa aad ka hadlaysid iyo markaad ahayd  kulmiye midkee sokaysay,? Maxaadse ku jeclaatay hogaaminta iyo shakhsiyadda siilaanyo haddii aad xumaan ku ogayd  markii aad ka mid ahayd Kulmiye?  taasi waxay hal-bacaad lagu lisay ka dhigaysaa waxaad warbaahinta ku qorayso iyo xumaha aad Madaxweynaha sharafta leh aad mar-marinayso. Waxaynu nahay dad inta badan aan  hadalada taxliilin. Haddiise wax badan aynu  u dhug yeelan lahayn ninkaasi oo kale waxa uu u socdo , dee waa HEBELKaa aynu ka hadlayno. Oo waxaynu ku odhan lahayn LAGU-FAHAN!

Qodobka labaad ee ku  duugan ujeedada Maqaalkaygan waxa uu yahay “Himilada Dadweynaha . Himilo waa “ Aim” haddii aynu tafsiir ku samaynana waa Ujeedo iyo Muraad. Haddaba ujeedada iyo muraadka shacabka Somaliland muxuu yahay?  Waxaan odhan karaa waxaa ugu weyn Xornimo iyo Madaxbanaani inay helaan, taasna waxaa la helay markaynu iska tuurnay heeryaddii Afweyne sanadkii  1991.   waana neecawdaa inaga dul-ba-banaysa labaatanka sanno . Ta labaad , Midnimo iyo walaalnimo kuwada noolaansho bulshada Somaliland oo iyaduna inoo hirgashay,  waana  mida indhaca caalamka soo jiidatay ee aynu kufaani karno. Ta seddexaad, Horumarka arimaha bulshada ee inoo qabsoomay mudada labada sanno ka yare ee uu hirgaliyey Hogaanka Qaranka ee hadda iyadda oo hogaamiyaashii hore ee dalka soo marayna mid waliba meel soo gaadhsiiyey. Waxaa kala oo ifafaalaheedu inoo soo muuqdaa mid kamid ah ujeedooyinkeena ugu waaweyn oo ah inaynu beesha caalamka ka helno ictiraaf dhamaystiran. Marka aynu isku soo xoorinino himiladda dadweynuhu waa kuwan aynu sare kaga soo hadalnay, mana aha haddalada danaystaha iyo farsamooyinka uu shacabka ku beerlaxawsanayo. Ujeedooyinka shacabku wax way dhiman yihiin , taana waxaynu ku gaadhi karnaa inaga oo sii adkayna midnimadeena kana fogaano haddalada danaystuhu ku carqaladaynayo geedi socodka horumarka.

Qodobka sedexaad ee isna ku cad Ciwaanka Maqaalkaygan waa “ Hiigsashadda Hogaamiye sillaanyo”  Hiigsasho waa “ Target or Intend” waana waxaad doonayso inaad gaadho ama ku guuleysato, waa wax kuu qorshaysan oo aad niyadda ku hayso. Madaxweyne silaanyo waxa aynu codka u siinay ee uu ku hantiyey  Kursiga Qaranka ugu sareeya, waxay ahayd inaga uu isku qancinay inuu yahay Hogaamiye rug-caddaa Siyaasiya, Aqoonyahan iyo waayo arag muddo dheer kusoo jirey Saaxada siyaasada isla markaana bari ka ah shaqo tag ee uu yahay nin ka midho dhalinaya himilada shacabka iyo qarankaba , hamigiisuna yahay inuu ka lib-keeno Hiigsigiisa mustaqbal . Taasna waxaa u daliil ah mudada cimriga xukuumadiisa iyo talaabooyinka kala duwan ee horumar dhinac walba leh ee uu layid, waa mid u muuqata cidwalba marka laga reebo Danaystaha aynu sare ku xusnay.

Waxaan kusoo gunaanadayaa;  Umadda Somaliland waxay Xoriyadda Halganka adag iyo Dhiiga badani ku soo daatay usoo gashay inay iska tuurto Shisheeye ama Ajaanib inoo taliya oo naxariis-laawe ah sida Siyaad bare oo kale ,  isla markaana aynu inagu is xukuno. Shacabka Somaliland Alle kuwada uumayna ay noqdaan ummadda kaliya  oo xor ah. Sidaa darted, danaystayaasha mar walba la soo tagan ee Madaxweynihii yimaada u nisbeeya Reer iyo Qabiil, ma waxay inala doonayaan in ay qarankan mar labaad gacanta u galiyaan Ajaanib aan naxayn? Waxaan shacabka ka codsanayaa midnimo iyo gacmo is-qabsi. Hogaamiyaha Qaran Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) waxaan kula talinayaa in tubta uu hayo ee hiigsashadiisa ayna ka mashquulin haddalada danaystuhu, sidoo kalena ayna u qalmin in loo jawaabo, maadaama oo ay  shacabku  il-dheer u leeyihiin kuwaa.

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

Hargeysa,Somaliland