“Haddaanu Geel-ley nahay, wixii aanu Qarsanaynay intaanu soo saarnay…” – Dr Axmed Xaashi Oday

 

Hargeyda (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirada Somaliland ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-furayey urur ay ku midaysan yihiin Geel-layaasha Somaliland, taas oo lagu deegaanka Garabis oo ka tirsan Degmada Fara-weyne ee gobolka Maroodijeex.

Shakhsiyaadka munaasibadda ka qayb-galay isla markaana ka tirsan Ururka Geel-layaasha ee madasha ka hadlay, waxa ka mid ah Dr Axmed Xaashi Oday oo isaga laftiisu ka mid ah Dadka dhaqda Geela oo Caanihiisa loo iib-keeno magaalada Hargeysa.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadal uu Dr Axmed Xaashi Oday ka jeediyey Munaasibadda.