Haddaad xoog wayday ma xeelad baad wayday! – W/Q: Maxamed Xasan Muuse

calaydhBismilah, bilowga magaca Eebbe ka bacdi, waxa aan mahad u celinayaa dhamaan bulsha waynta s/land gaar ahaan dadka ku nool xeebaha oo aynan manrna abaalkooda gudi Karin .

Maanta oo ay tariikhdu tahay 11/11/2103, maalin isniin  ah waxa maankayga iyo maskaxdayda ku soo dhacday arin aan baryahanba ku hami jiray inaan mar uun wax ka idhaa waayo maah maah caana baa ahayd  ( waxa uurkaaga ku jira ayaa uu afku kaa xadaa) .

Hadaba waxa qof wal oo akhriya maqaalkani is waydiinayaa toloow waa maxay waxaasi ,aan daboolka ka qaado ileen wax la raajiyaa rag kuma samee . waa arin guud ahaan iyo gaar haanba nolosha bini aadamka bilow u ah waana in uu qofku amaba bulshooyinku xaqiiqsadaan nafahooda isaga /iyaga oo ka fikiraya dantiisa amaba doontada caamka ah .waxa uun aan ula jeedaa dhamaanteen in aynu xaqiiqsano nafaheena aniga oo ka duulaya mid ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee guud ahaan iyo gaar ahaanba bulshooyinka caalamku ku horumareen waana in aynu horta ogaano maxaa aynu khyaraad haydsanaa .

Bulsho kasta oo aduunka guudkiisa ku nool ilaahay subxaanahoo watacaalaa waxa uu siiyey khayraad dabiici ah iyo waliba ku dad samee ah hadaba inana waxa aynu ka midnahay bulshooyinkaas ,

Sidaa daraadeed waxa aan maanta qalinka u qaatay inaan wax inaga tusiyo midka mid ah boqolaalka kun ee khyaraadka rabigeen inagu nimcaystay waana nimcada bada iyo khyraadka ku dhex nool iyada dhexdeeda , xeebta badeenu waxa ay ka mid tahay xeebaha ugu dhaadheer afrika waxaana dhererkeeda lagu qiyaasaa    3000myl  ,xeebtan dheeri waxa ay u qaybsantaa laba qaybood oo kala ah badwaynta hindiya ( Indian ocean ) iyo bada gacanka cadmeed ( golf of aden)  waxaanay labada biyood ku kulmaan raas casayr ( cape of gardafuu) guud ahaan badu waxa ay fidasan tahay laga bilaabo lawyacado ilaa raaskaambooni.

Hadaba badani waxa ay leedahay nimcooyin iyo khayraad aad u farao badan waxaana la sheegaa inay ku jiraan in ka badan ilaa 16000 oo jinsi ( species ) oo noole  badeed kala duwan ah kuwaas oo loo isticmaali karo noocyo badan oo cuntooyinka nafaqada leh ka mid ah , badani waxa kale oo ay leedahay macdano iyo meelo faro badn oo loo dalxiis tago sida batalaale ,jasiirada sacaadadiin iyo                                         .

Intaa ka dib aan u imaada mid ka mid ah khayraadka bada ku jira waa kaluunkee  waagii hore khyaraadka badahu waxa uu door wayn ka ciyaari jiray dhaqaalaha dalka waxaana lagu qiayaasi jiray kaluunka laga soo saari karo bada iyada oo aan waxba la yeelayn ilaa 80,000 oo mitrik tan .hadana waxa laga faaiidaystaa oo kaliyaata in ka yar 8000 oo mitrik tan iyada oo ay sabab u tahay qalab la’aan aqoon xirfadeed oo aan jirin iyo maal galin ku filan oo aan la helin . nasiibdaro se iyada oo taasi jirto ayaa aanay hadana jirin in lagu talo galo barashada aqoonta badaha iyo khayraadkooda ,xirfada kaluumaysiga iyo waliba xeerarka caalamiga ah .

Waxa aan maarkan isku dayi doonaa inaan wax ka tilamaamo noocyda kaluunka ee u baahan in laga faaiidaysto waxaana ka mid ah

Taraaqad,Tebedin,Qashaar,Tartabo,Carabo,Shooli,Sucbaan,,Gaduudo,Gaangish,Daanbiri,Gaxash, Aargoosato,Samaduul,manguungi,Seeseeman,Shiiraan,Caydi,Cangabo,Jeedar,Fangalaato,Caanood, Cawar, Caalo,Yaaquuri.

Gebo gabo

Guntii iyo gabo gabdii iyo gunaanadkii  qoraalku waxa uu ina faryaa:-

  1. In La Dhiirigaliyo Kaluumaysatada Hada Jirta
  2. In Dhalinyarada Suuqa Ku Shaqada La Loo Jiheeyo Xirfadaha Bada Iyo Kauumaysiga
  3. In La Dhiso Macaahid Lagu Barto Culuiumta Badaha
  4. In Dawladu Dhiiri Galiso Maal Gashiga Gaarka Ah Ee Ganacsatada Wadaniga Ah Iyo Kuwa Shisheeye
  5. In Dawladu Dajiso Xeerar Iyo Shuruuc  Badaha Laga Ilaalinayo Xaalufka Iyo Wasakhawga
  6. In La Sameeyo Iskaashatooyin Kaluumaysi
  7. In Kaluunka Loo Sameeyo Saylada Iyo Kawaano Lagu Qalo
  8. In La Badi Wax Soo Saarka Kaullka Si Loo Helo Kaulln Qiimo Jaban
  9. Waa In Cunida Kaluunka Iyo Faaiidooyinkiisa Lagu Wacyigaliyaa Bulshada Si Uu Dalabkii U Bato
  10. Waa Inuu Jiraa Qorshe Isku Xidhaya Soo Saaraidiisa Ilaa Qoyska
  11. Waa In Si Joogto Ah Looga Helaa Suuqa Oo Aanay Dhicin In Uu Kala Go Ku Yimaado
  12. Waa In Bulshada Loo Tababaraa Habka Kaluumaysiga Ee Badaha

wabilaahi tawfiiq

waa qalinkii Mohamed Hassan mouse  ( tuur )

Tell: 0252-2-063-4228940     or 0252-2-063-4099221

Email :- calaydh1989@hotmail.com ,     mohamdtuur@gmail.com