Hadalkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Waa Mid ku Qotoma Xaqiiqda!

Caamir Gaaxnuug Warmahaye – Hargeysa
Waxa aanay muddo ka soo wareegin shirkii jaraa’id ee uu qabtay Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga talada haya KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee uu ku iftiiimiyey aragtida uu ka arko ama sida caamka ah ee ay ummaddu u aragto, laakiin aanay isu arag dawladdu ay jeceshahay in ay dado xummaha xilkasnimo-darrada daaradda ilaa dibedda yaalla, iskaa ka indhihiisu caafimaadka qabaa inuu arko’e xataa ka indhaha la’i iyo ka aan dhagaha waxba ka maqal isku si u dareemayaan.
Waxa aan shaki ku jirin in dawladda guruubeysiga ku dhisan lagu garto calaamadaha ay is-difaacis aan loo-meel-dayin isku difaacda aanay garanayn waxay daadafee is leedahay iyo cidda uu daafacayo.
Haddaba waxa caddaan ah waxa uu ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir in aanay wax uu kula dul dhacay iyo dhaleecayn meel soke ah aanay ahayn oo ay ogyahay ummadda fahaamkoodu fiyowdahayna ka warqabaan inta arrimood ee uu ka hadlay inay yihiin qaar aan  ladafiri karaynin ay kooxaysi baaxad lehi ka jiro dawladdan sannadka iyo bilaha haysaa.
Waxa kale oo uu xusay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir aqoontiisa durugsan ee uu u leeyahay Madaxweynaha talada haya ilaa iyo intii uu ahaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM iyo inuu ahaa dadka loo tirinayey burburkii dawladdii SNM ee ee uu hoggaaminayey Marxuun Cabdiraxmaan Axmed Cali, taasina maaha mid uu iminkaba dafiri karo oo waxa la hayaa fikirkiisii iyo ficilkiisii. Balse, waxa ah mid lagu farxo in Madaxweyne Siilaanyo in aannu ahayn ragga dafira ama diida wixii khalad ah ee uu geysto kibir iyo kama kay doonto ha ahaatee, waa nin ku deeqsi ah in laga helo garawshiyo, oggolna inuu qaato wixii gef ah ee uu geysto, waxase inta badan lagu sheegaa inuu yahay shaqsi aan lahayn inuu abaal-gudo.
Waxa marag madoon ah dardartii waxqabad ee la filayey inuu noqday xaaqis lagula kacay dadkii loo tirinayey inay beelahoodu ka soo hoorjeedeen aragtidii xisbiga talada iminka haya oo uu ka mid yahay isaga iyo qaar kaloo badan, marka laga reebo inta ku qanacsan aragtida fog ee ay qabeen shaqsiyaadka raacsanaa bilow iyo dhammaad aragtida xisbiga, haddana reerkooda loo arko inay yihiin cadowgooda oo aan la ixitiraamin xubnaha miisaanka iyo mugaba leh ee ku jira xisbiga.
Haddaba waxa weedhihii Ina Cabdiqaadir ka mid ahay; “Inantii uu kala hadlay Wasiirka ee hadan laga qaaday xilkii ay Wasaaradda u haysay ee ka qoomamooday.” Waayo, waa qof damiir leh oo la dafiray garashadiisa, kartidiisa, aqoontisa oo la tixgelin waayey, iyadoo loo nisbeeyey beesha uu ka soo jeedo ayaan ahayn beel raacsan aragtida xisbiga, waa nasiib-darro iyadoo la ogyahay oo aan madmadow la gelin karin inuu ahaa shaqsigii loo tirinayo inuu ka hor yimi Madaxweynihii ugu horreeyey oo hayb ahaan ay isxigeen, haddana ay beeshu intooda ugu macquulsani ay qaadatay gobonimo gaadhsiisay figta ugu sarreysa dalka in loogu abaalgudo iyadoo ay dhinac iskaga dhigeen wixii hore u dhacay.
Haddaba Ina Cabdiqaadir waxaan leeyahay xaagistu beeshaada oo keliya kuma koobna oo kula mid baannu nahay kaagana badannahay ilaa iyo la joojiyey ka siidaynta Qur’aankii uu akhriyi jiray Mujaahid Marxuun Aw Geesh oo lagala dagaalamay ajarkii iskadaa xil loo magacaabee.
Haddana waxaannu ku qanacsannahay in aanay ahayn beelaheenu beel u harraad qabta xilkii hoose, sida aad adiguba sheegtay inta afka Soomaaliga ku hadashaba ay garan karto iskadaa dalkan aynu yabyabeyno, loona arkayo inay tahay cidda hagta ama hareeraha ka taagani ay yihiin nu ku abtirsanno, taanna taasaynu ku iloobi.
Cidda kuu jawaabta waa dad weli ku jira madow iyo madhnaan aan micno fara badan lahay ayaan ku dhibin horena kumeey dhibi jirin, waa nin lagu sheegay Afhayeen oo aan garan waxa uu Afhayeenka ka yahay, waayo hore waxa uu u soo qabtay xilal kala duwan, waxaan waxqabad u ahaa in la yidhaahdo inta aan kuu helayo cid aad la shaqaysato iska jog dibedda, laakiin waxa iminka caddaatay inuu helay dadkii uu la shaqayn lahaa isagu, balse adigu maad helin dawladdii iyo dalkii aad u shaqayn lahayd adiga iyo qaarkaa ee waxaan odhan lahaa midaa midaa ku ilow.
Haddaba sida aad u sheegtay ummadda kaa daawatay shaashadaha iyo jaraa’idka kaa aqrisatay ay kula ragti yihiin inta uu iimaanku nadiifta yahay, inta damiirkoodu hore u gubtayna waynu u duceyn, sida aad sheegtayna waxaan la qarin karin inay ka dhex muuqato kooxaysi ku salaysan aragti gaaban oo gabal baas u keeni kardalkan aynu u soo marnay wixii dhibaatada xannuunka reebtay oo ay ilaa iminka naga muuqato diifteedu, laakiin ummaddani Alley leedahay  nin kasta oo dibindaabyo wada aannu waxba u geysan karin. Haddaba dadku waxay u doorteen inuu talo wanaag iyo samaan u horseedo ummaddan u igmatay Madaxweynaha iminka, laakiin maynaan dooran koox u halganta hogar-daamada dalkan oo weliba isu arka inta aqoonta ehelka u ah inay yihiin kuwa keliya ee ku habboon inuu u doorto Madaxweynaha aynu dooranay, waxa dhici doonta in laga sheekeen doono wixii ay qorto taariikhdu inta ay xilkan hayaan shar iyo khayba, isagana waxa looga fadhiyaa inuu keeno koox wada socota, kuna wada socota khayr iyo houmarin, haddii kale la eegan mayo xummaha ay kooxdani wado oo aan adiga iyo dalka iyo dadkaba u fiicnayn in wax lagu qaato oo xaqiiq ahna kuu sheeg, laguna yidhi; “Haddii aad leedahay dameer aan saarannahay dhuusadiisu ima dhibayso ee adigaa xaq u leh inaad dulmi ku haysato, xuquuna lihid.”