Hadal Cad oo Isku Kalsooni ka Muuqato, Waa Waxa Lagu Garto Dawladda Qaangaadhka ah.

BileMeelaha colaadu ka jirto iyo dagaaladu, marka ay xabbada iyo qaraxu is weydaartaan, caruurta iyo xooluhu, gaar ahaan riyaha iyo aydu waxa ay hoosta ka soo galaan dadka waaweyn. Inta ay wax qarxayaan, caruurta iyo xooluhu waxa ay eegaan indhaha qofka weyn ee ag joogaan oo ay halkaa kala socdaan khatarta jirta inta ay leegtahay. Haddii ay arkaan qofkii weynaa oo indhaha warwareejinaya ama firka naxsan iyana cabsida ayaa ku badata markaasey jidhka is gelinayaan. Balse, haddii ay arkaan qofkii weynaa oo kalsooni qaba oo qoslaya ama iska shaqeysanaya iyana kalsooni ayaa gasha. 

Marka ay arrin adagi la soo gudboonaato umad, laba arrin ayaa ka mida arrimaha ay tahay in dawladi sameyso:

1.       Kalsoonida  Shacabka Ka Ilaali Inu Shaki Galo

1993gii ayaa anoo u safraya dalka mareykanka, nin an saaxiibnahay igu yidhi waar safarkaaga dib u dhigo illaa laba maalmood. Markaasaan ku idhi, waayo? Wuxu yidhi shaley ayaa afar nin oo Muslimiin ah isku dayeen iney qarxiyaan dhismaha daarta ganacsiga caalamiga “World Trade Center” ee New York. Saddex nimankii ka mida waa la qabtey,  midna uu baxsadey oo waa la raadinayaa. Meeshu wey qasantahay oo TV-yadii wax kale kama hadlayaan. Markaa inta kaa afraad la qabanayo iska sug. Waxan ku idhi, maxaa iga khuseeya ninka la raadinayo? Wuxu iigu jawaabey oo illeyn maba taqaanid wadamadani sida ay dhaqman! Marka rrin la soo gudboonaado waxa dawladahan u daran in dadku shakiyo ama kalsoonidu ka lunto. Markaa waxa khasab ah iney yidhaahdaan ragii wax qarxinayey saddexna waanu qabanney, kii afraadna raadkiisaanu ku daba joogna. Haddii markaa ay kaa afraad qaban waayaan. Waxa ay qabanayaan wax magac muslin leh, xataa haddii aanu wax danbiya ku jirin, waayo dadkaa lagu dejinayaa oo kalsoonida loogu adkeynayaa oo waxa la doonayaa in la yidhaa, afartii ninba gacanta ayaanu ka haynaa ee ka seexda. Waxa kaloo dadka la tusayaa in taladu gacanta dawladda ku jirto oo aaney werwerin. Haddii ay yidhaahdaan kii afraad dadkuu dhex qaadey oo ma heyno, walaac badan ayaa abuurmaya, kalsoonida dawladda lagu qabo ayaa yaraaneysa, dhaqaalahaa hoos u dhacaya oo dhaqdhaqaaqa ayaa yaraanaya. Markaa iyaga oo og inaadan aheyn ninkii la doonayey ayaa lagu qaban oo dadka la odhan danbiilayaashii waa la wada hayaa, iyaga oo weli hoosta ka raadinaya kii baxsadey.

Waxa muhiim ah in marka ay dalka iyo ummadda la soo gudboonaato talo ama arrin, in  aaney dawladdu aamusin ee ay si degdeg ah uuga jawaabto si aan qof kastaa  sida ay la tahay u faaleyn oo aanu u soo bixin macne iyo sawir umadda baqasho geliyaa. Haddey noqoto arrintii bishii hore ka soo yeedhay dawladda Ingiriiska ee ay dadkeedu kula talineysey iney Somaliland ka baxaan nabadgelyo darro awgeed iyo haddii ay tahay ictiraafkii dawladda mareykanku ay siisey dawladda cusub ee Soomaaliya iyo haddii ay tahay cunaqabateyntii hubka ee dhawaan Golaha Ammaanku ka qadey Soomaaliya iyo haddii ay tahay codsigii ra’iisal wasaaraha Somaliya u gudbiyey dawladda mareykanka isaga oo ka codsanaya inaan Mohamed Ali Samatar lagu maxkamadeyn dalkaasi. Jawaabta ay xukuumadda Somaaliland ka bixisey arrimahaas oo dhan waxa ay ahaayeen qaar gaabis ah oo aan iman wakhtigii ay ku haboonaayen. Jawaabihii la bixiyeyna waxa ay yimaadeen goor qof kastaa sidii ay la noqotey u fasirey oo la xiiqey oo ay abuurtey shaki iyo weliba niyad jab.

 

2.       Hadal iyo Jawaab Dhakhso ah:

Markii Madaxweyne Silaanyo asbuucan u ambabaxayey dalka Turkiga, waxa uu warbaahinta siiyey hadal ku abaaran cunaqabateynta hubka ee laga qaadey dalka Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay in Somaliland ay awood u leedahay iney difaacdo dalkeeda iyo dadkeedaba. Jawaabtaasi waxa ay dad badano o werwersanaa u dejisay niyadda waxaanna ay yareysey doodo badan oo asbuuc ku dhawaad socday oo dadku ay ka hadlayeen arrintan iyo qaar kale oo xasaasi ah.

Waxa qurux badnaan laheyd in hadalka madaxweynuhu yimaaddo xilli xilagan ka horeeya amaba isla markii uu soo baxay warka sheegaya in cunaqabateynta hubka laga qaadey dalka Somaliya. Dooda arrinkan ku sabsani waxa ay socotey muddo ku dhow asbuuc oo umaddu ay ka foolaneysey. Marka ay arrin xasaasi ihi timaaddo qof walbaa waxa uu u turjumanayaa sida ay isaga la tahay, taasina walaac ayay keentaa iyo buunbuunin badan oo niyad jab keenta. Sidaa darteed waxa muhiim ah in cidda ay khuseyso, gaar ahaan dawladdu ay markaba ka hadasho oo aaney fursad siin in qof walbaa si gooni ah u fasirto oo ay tashuush keento. Jawaabta dhakhsaha ihi waxa kale oo ay meesha ka saareysaa in cabsi iyo shaki abuurmo.

3.       Jawaab U Qalanta Heerka Arrinta Laga Hadlayo:

Waxa dhawaan ra’iisal wasaaraha Somaliya codsigi u qorey dawladda mareykanka,  isaga oo ka codsadey in Mohamed Ali Samatar loo so celiyo xasaanaddii, si aaney maxkamadi u xukumin, arrintaasi oo dad badan oo Somaliland iyo Somaliya ka soo jeeda ka cadheysiisey. Afhayeen u hadley dawladda Somaliland ayaa ku tilmamey arrintaasi ina ay jaarnimada xumeyneyso. Waa weeedh iyo jawaab aan u qalmin arrinta laga hadley. Hadalkaa ka soo yeedhay ra’iisal Wasaaraha Somaliya waxa uu ka dhiganyahay inu ku doodayo inaanu Ali Samatar danbi gelin, taasi oo loo turjumanayo in umaddii la gumaadey iyo dalkii la burburiyey xaq lagu laayey. Taasi oo macneheddu yahay, in waxa Somaliland ku doodeysaa xaq darro yahay.

 

Waxa ay ku qurux badneyd in dawladda Somaliland arrinkaa kaga jawaabto hadal u qalma oo aan aheyn “jaarnimada ayay xumeyneysaa”. Hadalka ra’iisal wasaaraha ka soo yeedhay waa tijaabo oo hadii aan si adag meel loogu tiirin wax intaa ka weyn ayaa ka soo yeedhi kara.  Waxay aheyd in dawladda Somaliland ay dawladda Somaliya ka codsato iney arrintaa faahfaahin ka bixiso iyo iney caddeyso inu yahay hadal rasmi ah oo dawladda ka soo yeedhay iyo in kale. Waxa kaloo ay aheyd in warbaahinta dawladdu ay si dadban u faaleyso waxyaabaha ra’iisal wasaaraha ku kelifi kara inu hadal noocaas ah ku dhawaaqo. Taasi waxa ay soo if bixin laheyd inaanu ra’iisal wasaaruhu naxaris u sameyneyn Mohamed Ali Samatar, balse uu ka sii hortagayo danbiyada lagu soo oogi karo shakhsigii amarka kama danbeysta ah bixiyey oo ahaa Siyaad barre. Ali Samatar waxa lagu dacweeyey maaha shakhsi oo waaba 80 jir iminka taag daran. Balse, waxa la dacweynayaa waa mabda’a Ali Samatar ka taagan yahay ee xaq darada wax ku xasuuqey.  

Waxa la dacweynayaa waa dhagarta loo heysto Siyaad Barre iyo Gaani. Waa dhagarta loo haysto Dhagabaceyr oo 390 qof ku diley inta u dhexeysa Buula Burde illaa Jawhar. Waa dhagarta lagu tuhunsanyahay inu Canjeex bixiyey amarkii 48 nin ee shicibka ahaa lagu toogtey xeebta jasiira. Ra’iisal wasaaruhu wuxu ogyahay in haddii Ali Samatar lagu helo danbigaa, inu furmayo dariiq keeni kara in dacwad lagu soo oogo kumanaan ka tirsan dawladdii hore oo tacadi geystey oo qaarkood ay maanta madax ka yihiin dawaladda maanta Somaliya ka jirta.

 

Marka arrin adagi la soo gudboonaado umadda waxa muhiim ah in dawladdu ka bixiso jawaab degdeg ah, isku kalsoonaani ka muuqato, faahfaahsan, u qalanta arrinta umadda soo waajahey oo aan la ogolaan in doodu iyo in siyaalo qaldan loo fasiro 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

 bileaqoontaiyonolosha@gmail.com