Habeen Xusuus Leh Iyo Xul Kale Oo Kamid Ah Suugaanta Weedhsame (GABAYGA DHUFAAN)

Habeen buu ahaa qof kasta oo madashan qurxoon fadhiyay kalidii si gaar ah naftiisa u weydiinayay su’aalo badan oo ay keenayeen suugaanta abwaankii ay maskaxdiisa ka soo maaxdeen, sida hufan, qiirada leh isla markaana hagar la’aanta ah u akhriyayey.

Waxa lagu jiray maalin Jimcaad gallinkeedii u dambeeyey, waxaana soo gallaysay maalintii u dambeysay maalmihii Lixda ahaa ee Eebe inoogu sheegay Inuu Koonka ku abuuray, Sabti, taariikhduna 28 bay ahayd sanadkan 2013-ka.

Abwaan Xassan Daahir Ismaaciil oo loogu yeedho naanaysta ah “Weedhsame”  Martidii dhuuxida iyo hufida usoo xaadirtay bandhig suugaaneedkiisa, wuxuu durduur siiyey suugaan dhumuc leh oo dhegto ku raaxaysaneysay.

WEEDHSAMEHal-abuurkan dhallinyarada ah ee Mawluhu ku galladay hibada curinta suugaanta Soomaaligu oo aanay markii koowaad ee uu sidan oo kale u soo bandhigo hal curintiisa ahayn balse dhowr mar oo horena madal la isku arkay ku daah furay suugaan cusub iyo kuwa hore uu u sameeyeyba , ayaa habeenkana Tirinayay suugaan xul ah.

Iyadoo aanu si taxane ah maalinba mid  ka mid ah gabayadii iyo maansooyinkii uu madasha ka tiriyey idiinku soo qori doono, waxaanu maanta idiinku ibo furi doonaa , Gabay magaciisa “ Dhufaan” la yidhaahdo.

Abwaanka ayaa inoo sharxi sadii, goortii iyo qaabkii uu ku yimid Gabayga Dhufaan ee ay Ku Jiraan Tuduc-yadani:-

Nimanyohow dhiggay baad tihiin guusha dhaliyaaye,

Misna waxad ka dhiidhiyi kartaan waan ku dhaqanaaye,

Waxan ahay nin dhuubkiyo ka jaban lafaha dhaadheer

Weedhsame Isagoo Ka sheekaynaya sababtii ku dhalisay inoo alifo Gabaygan ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii :-  “waxa hadda xilkii ka degay madaxweynihii masar ka dib markii muddo ku dhaw 20 cisho (18 cisho ) ay isku soo baxyo baahsan dhallinyartu ka waday fagaaraha TAXRIIR. Taariikhdu waa 11/febuary/ 2011 waan a maalin jimce ah.

Damaashaadka keli-taliyahaa gelbaday anigoo ku jira lana dhacsan sida geesinimada leh ee dhallinyarada masar u midawday ugana dhiidhiday  keli noolaanshaha dabaqada dhiigyo cabka ah ee xilka haysa. Waxa mar qudha farxadaydii hakad gelisay su,aal aan is weydiiyey oo ahayd: toloow adigana dhallintaadu maalin maalmaha ka mida sidan ma ugu midoobi doonaan ka tashiga aayaha iyo danta ummadooda, iyagoon dhexdooda aanay ku jirin qabyaalad iyo kala shiridi?

WEEDHSAME2Waxan mar keliya qawaday nolosha dir-sooca ah ee dadkaygu ku jiro. Waxa duunkayga hoose gelgilay sida loo kala daadiyey cududdii dadkayga horumarin lahayd. Libta iyo guusha ay suntadeen dadyowga reer tuunisiya iyo masar waxay igu noqotay toosh lagu ifiyey iintayda hoose iyo boogta aan dugsado. Nabarkii aan dusha ka dhayayey muddada badan ayaan is tusay inan dhidhkiisa saro oo aan ku dhiirado ka badheedhkiisa. Waxa mar qudha ii soo baxay inay QABYAALADU tahay dib u dhaca ugu weyn balse la iska indho tirayo, dagaalkeedana looga gaabsanayo sababo salka ku haya dano shakhsi ah iyo cabsi laga qabo ka hor tagga hab-dhaqanka qabaliga ah ee bulshada caadada u ah. Waxay tidhi maansadii; waxan gabayga ku bilaabay hadal aan kula hadlayo wiilkii is gubay ee (Maxamed Abu Casiisi)

DHUFAAN (GABAY)

 

Food-caddoow aday kaa dhab tahay sharaf la dhawrtaaye

Ina xaashi dhamac baa ku baray maanso dhilideede,

Intaan dhaafo ii arag halkaan dhidibka weydaarsho,

Dhammays maaha aadmiye I qabo qadaf ha ii dhuubin,

Dhaliishayda ii sheeg xaqaa lagu dhawaaqaaye.

Markay heesta dhawdhawle iyo taagan tahay dheesha

Waa dhaayo guudkood tixdaad soo dhabdhabataaye

Haddii loose dhaadhaco guntoo dhuuxa laga soohdo,

Laan-dhaare gabay baa murtida laga dhalaashaaye,

Ragbaa kaban ku dhuuntiyo durbaan dhawr qof codadkoode,

Mid iskii u soo dhaashadoo dhaadan lana dhiibshay,

Nin dhaguugayoow caawa kani waa mid dhaladkaas leh.

Inkastoo dhabada aan qabsaday naanni lagu dhoobay,

Inkastoo dhadhaab yaala iyo shiil-cad dhego beelay,

Bal inaan hal dhagax qaadi karo waan is dhibayaaye,

Ha is dhiibin maankaa i faray quusi ma leh dheefe

Ifku waa dharaaree haddaan mawdku iga dhaabin

Dheg-xarraan kun diidiyo barbaar dhaafsan qoladooda,

Rag dhabeeya yoolkaan higsaday dhaayo inan saaro,

Maalintaa dhammoow aan jiraa waan dhursugayaaye.

Dhimashadu xaq weeyoo halyey geeri loo dhalaye

kamay dheefin nimankii ku dhibay dhederbigaagiiye

dharaaraba adoon mootanayn dheelmay caligiiye

alleylehe dhabbaad jeexdayoo qaaday dhacantiiye

carabtii miyey wada dhameen dhiilka cadhadaada?

dhallintiyo barbaartii miyaad ciilka dhaxalsiisay?

dhacdadiyo shilkaagii miyey dhaharo naafeysay?

siday kuugu dheeleen miyaa loogu dhagax qaaday?

dhamacdiyo dabkaagii miyaa uunku  ku dhalaalay?

tuunis dhimbiishii miyey dhaaftay kana dhooftay?

beri dhexiyo suudaan miyaa jiifka laga dhaartay?

saw dogobyo lama sii dul dhigin dhuxushii aad oogtay?

shacabkii dhufaanaa miyuu caawa dhumuc yeeshay?

dhul-gariirkii Qaahira miyuu dhoosha ka higgooday?

ma is dhoobay reer masar taxriir  taada ma la dheegtay?

ma dhawaaqay ruux dhawrsan jiray dhiirri ma la sheegtay?

xaqlihii miyuu soo dhacsaday caawa dhaxalkiisa?

dulmigii karkaarada dhufsaday madaxdii dhiileeye

kelidii nin dhaylaysan jiray saw ma dhego-beelin?

saw mubaarik caawana ma dhicin dhalatay guushiiye!!!!

Toban iyo sideed baan dhafroo dhigay dantaydiiye

Taxriir baan dhex taagnaa intaad dhahar ridayseene

Inkastoon dhakoolkiyo hurdada dhababay oo daayey,

Inkastoon halkaad dhoobantiin dhaxanta aan joogay,

Libintiinu waa ii dhaawaciyo digasho dhoolkeede,

Saw dhidhkayga may sarin runtii dhagida soo booday,

Saw dadkayga maan dhugan intaan dhalasho deymooday,

Saw dhashayda maan arag intaa kala dhaqaaqaysa,

Dheg-xumaanta saw maan qadhqadhin taalla dhinacayga,

Saw ka dhoof ismaan odhan dhulkii eebe igu beeray,

Nimanyohow dhiggay baad tihiin guusha dhaliyaaye,

Misna waxad ka dhiidhiyi kartaan waan ku dhaqanaaye,

Waxan ahay nin dhuubkiyo ka jaban lafaha dhaadheer,

Tiirkiyo dhigtoodoo is neceb duul wax dhisanaaya

Nin dhexdooda joogaa kollay ciilku dhibayaaye,

Shan nin oo is wada dhaarsadoo dhaabbad kala qaata,

Oo qabyaalad dhoobada ku rida saw ma dhali waayin!!!!

Lafta dheer hadduu ruux ka jabo dhaadka iyo bawdo

Kaan is dhiibin waa kii ka kaca dhawr kal dabadoode,

Haddaan ruuxa dhoobada ku kufay dhawran maradiisa,

Wasakh dhegada kama baaqdo iyo dhiidhi gelideede,

Nin qabyaalad dhaansaday wallee sharaf ka dheeraaye,

Ummad dhami dhalleecada hadday dhaax ka guban weydo

Damiirkoodu inu dhaawac qabo dhayda ka caddaaye,

Lillaahida haddii iil la dhigo daacad laga dhuunto

Runtu dhicisay beentuna jid bay sii dhambalataaye

Ma dhuundhuumo dherigaan dabkiyo dhamaci hoos oole

Mar hadday dhadhaaradu murmaan dhuuni sugistiisu,

Rajo dheelalaw bay la tahay garasho dheegoowe.

Yaa qabyaalad dheefteeda cuna yey u tahay dhuuni ?

Hayinkeeda yaa dhaansan jiray dhaaxa raranaayey?

Bal kumaa dharaar nool ku hela dheemman iyo daaro ?

Qayrkii kumay dhaafisee dhaylo ku casuuntay ?

Xoolo aan weligiiba dhaqan waa la dhididaaye

Dhaxal yey u siisee bursaday dheeri laban laaban?

Yey dhufays u tahayee ka gala dhagarta uu geysto?

Naxligeeda yaa dhiil ku sida yaa dhig dhiga suuqa?

Dhaantadeeda yaa tumay mar aan dheguhu doonaynin?

Dharka yaa u soo xidhay markii dhaxanta loo saaray?

Xil loo dhaarsho goortay rabaan dhalasho yaa sheegta?

Dhadhamiyo kumaa dhiig u quba dharabo loo diiday?

Mansab yaa ku dhaafsada adaa dhoohan weligaaye?

Dhoomaha cadaabeed maxaa dhabarka kuu saaray?

Yaa dhufaanay maankiyo kashii libina dhooqeeyey ?

Dheddigiyo labkaagii kumaa  manta dhalan doorshay?

Markaad tiisa dhaydaba kumaa taada dhacan saaray?

Yaa hargaysa daamaha ka dhigay kalana dheeg dheegay ?

Dhallinteeda yaa yidhi is naca kalana dheereeyey?

Sidii dhidar xabaal qoday miyaan ceeb la dhilanaynin?

Kal dhufaanan maan dhoohaniyo garasho dhaandhaantay

Dhac la eedo dhiilliyo xumaan dhaadashiyo tookhid

Isma-dhaafto kala dhaaratoo kalana dheeraata

Kala dhilidda duul wada dhashoo laf iyo dhuuxeeda

Dhafoor-taabad, dhiig iyo xiniyo aano daba dheera

Nacas dhiirran, waayeel la dhibo odayo dhuun raaca

Dhaxalkeedu waa kaas haddii aanad dhuganayne,

Dhimirkeena mawluhu ha dhayo waad dhildhilateene.

Dimuqraadinimo dhaar-shiliyo qaabkii dhaqankeena

Midna lama dhabaynine dhextaal dawlad lagu dhaabay,

Markii dhinacna haybiyo tolnimo looga dhiro soohay

Dhanka kalena dhaal reer galbeed looga unug dheegay

Dadku dhaajin diidkii markuu aad u dhego beelay

Uga dhuratay xaajadu xagguu dhaadi jiray waayo,

Sidii la isu dhabanaanin jiray geela dhicistiisa

Laga dhigay xilkii dawladnimo dheeho la eryoodo,

Dhambaalada tol’laayda ah bulshada hiirta lagu soo dhur

Maan-dhallaanlihii yuusi jiray ciidho dhoqorjaale,

Kolba beel maqaar laga dhigtiyo dooyo dhalanteedle

Kolba dhaawac hadal keeni kara suuryo dhagar qoole

Kolba dhabaqa aan muudsadiyo dhuuni keli doone

Kolba nabada dhiigii lixle ah aad u dhagaxeeye

Kugu dheel adaa dhoohaneey aan wax dhuganayne.