HABAARKA KHAYRAADKA (Resource Curse) – Xildhibaan Ibraahim Jaamac Reyte (Q.1aad)

Hordkac

ReyteQormadani waxay  hordhac u tahay qoraallo taxane ah oo ku saabasan arrimaha faraha badan ee ku xeeran baadhista shidaalka iyo macdanta ee hadda ka socda dalka (Somaliland). Arrimahaas oo sidii ceeryaanta isku shaqlay ama ku gedaamo-xidhan hawlaha macdanta iyo shidaalka, gaar ahaan kan dembe, waxay qariyeen xaqiiqada iyo runta ka jirta dalka maanta, inkasta oo hadda aad mooddo inay soo if-baxayaa . Arrimahaasi waxay isugu dhafan yihiin, siyaasad, sharci-darro, eex, qaraaba-kiil iyo musuqmaasuq heerkii ugu sarreeyey ah. Waxaasi oo dhammi waxay ka soo unkamaan Siyaasad. Waa siyaasadda Xukuumadda Madxweyne Siilaanyo. Siyaasaddaasi waxay ku shaqlantahay ama huwan tahay qabyalada. Qabyaaladdu waxay qarinaysaa  dahaadh u tahay sharci-darrada, eexda, qaraaba-kiilka musuqmaasuqa iyo halisaha ka soo fool leh intaba. Sida la wad og yaha, arrimahaasi waxay keenaan ama astaan u yihiin waxa lagu magacaabo Habaarka Khayraadka.

 Waxan jecelahay inaan qoraalkan ku ifiyo arrimahaas oo dhan, inta karaankayga ah, si loo arko midabbada runta ah ee ay ay leedaha xaqiiqada ama waaqaca runta ah ee manta ka taagan dalka. Waxan ku dedaalayaa inaan ku soo bandhigo  xogta, wararka, dhacdooyinka iyo sharciyadda ku lug leh hawlahaas.. Waxan kale oo   ku muujin doonaa dhibaatooyinka iyo halista ka iman karta ama ka soo fool leh iyo qaababka ama siyaabaha lagaga hor-tegi karo. Waxan culayska saari doonaa dhinaca sharciga.  Waxan kale oo isku- hawli doonaa  inaan ku soo bandhigo xogta iyo waayo-aragnimada laga hayo soo saarista shidaalka waddamo badan oo adduunka ka mid ah iyada oo urursan ama kooban.

Habaarka Khayraadku. (Resource curse).

Hor iyo horraan, waxan ku abyamayaa ama ku bilaabayaa qoraalkan  waxa loo yaqaan habaarka khayraadka (resource curse).  Waayo?  A)  marka hore  waxa laga yabaa in qofku hadda uu muddoba isweydiinayo waa maxay Habaarka khayraadku? B)  Marka xiga  fahamka arrintani waxay fure u tahay fahamka nuxurka qoraalkan  guud ahaantiiba.

Waa maxay  Habaarka Khayraadku ? Waa su’aasha ugu horreysa ee qofka maankiisa ku soo dhici karta.

Su’aashan jawaabteedu waxay ka soo bixi doontaa tiraabta soo socota. Haseyeeshee waxa ka horrayn karta mid kale:  Maxaa horta looga jeedaa khayraadka dabeeciga ah?.  Khayraadka dabeeciga ah micnahiisu waa balladhan yahay. Waxa soo geli kara waxa kasta oo laga helo deegaanka dabeecadda oo aadamuhu u adeegsado noloshiisa iyo horuumarkeeda sida biyaha, hawada, dhirta ama kaymaha shidaalka, macdanta iwm .  Aniguse halkan waxan ugu jeedaa oo keliya khayraadka ay ka mid yihiin macdanta iyo shidaalka. Weliba qoraalkani wuxu si gaar ah uga hadlayaa shidaalka. Waayo habaarka khayraadku inta badan shidaalka ayuu ka dhashaa.

Shidaalku waa shay muhiim u ah nolosha aadamaha maanta. Waddammo badan, gaar ahaan kuwa wershedaha leh, dhaqaalahoodu aad ayuu ugu tiirsan yahay shidaalka. Waa meelsha ugu weyn ee ay ka helaan tamarta. Sidaa darted waa badeecad qaali ah oo dhif ah. Wuxuna ka mid yahay khayraadka dhammaan kara. Waddan kasta lagama helo. Dalalka qaar baa laga helaa. Runtii dalal badan baa laga helaa laakiin xaddi badan lagama wada helo .  Dalalka shidaalka ugu badan laga soo saara waxa ka mid ah Ruushka, Sucuudiga, Mareykanka, Eraan (2013). Laakiin waxa jira dalal aan weli la ogeyn inuu shidaal ku jiro iyo in kale. Qaarbaa tuhun weyn laga qabaa. Somaliland ayaa ka mid ah. Waa sababta ay shirkadaha shidaalku ugu soo qamaameen maanta Somaliland.  Run ahaantii , kuwa ku soo qamaamay maha shirkadahiihii waaweyna ee caanka ahaa.( Inkasta oo iyaga laftoodu ay wada haystaan ruqsado waa hore ah, haddana   kuwaasi weli way sugayaan). Kuwan waxan ku maacaabi karnaa budhcad shidaal.Qamaamkaas shirkadaha budhcad shidaalku waa waxa igu dhaliyey qoraalkan

Muuqaal3Shidaalku waa nimco Ilaahay bixiyo. Dalka iyo dadka Eebe ugu deeqo shidaalka waxa laga yabaa inuu u horseedo barwaaqo iyo horumar degdeg ah, gaar ahaan dalalka soo koraya. Heer horuumar ah oo aanu dalkaasi boqol sano ku gaadhi kareen ayaa laga yaabaa   inuu lmuddo kooban ku gaadho.Waxa afar-jibbaar, toban-jibbaar ama ka badan u  kordha miisaaniyadda dalkaas. Waxa abuurma shaqooyin iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo cusub.Waxa kor u kaca dakhliga dadka. Waxa dhisma waddooyinka, dekadaha, garoommada diyaaradaha iwm.  Taasina waxay keentaa inuu dalku  isu soo dhowaado. Meeshii maalmaha loo socon jirey saacado ayey  noqotaa. Taasina waxay fududaysa ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha. Waxa laga haqab-beelaa adeegga bulshada. Waxa  kordha tirade iyo tayada dugsiyada iyo waxbarashada. Waxa  meelo aan la gaadhi jirin  ka dhisma dugsiyo heer walba leh iyo jaamacado. Waxa kor u kaca heerka waxbarashada iyo aqoonta  guud ee dadka.  Waxa kor u kaca heerka adeegga cafimaadka. Waxa batta cusbitaallada, xarumaha caafimaadka iyo goobaha kale lagu bixiyo adeegga caafimaadka,waxay dadku ka haqab-beelaa daawooyinka iyo wax kasta oo la xidhiidha daryeelka caafimaadkooda. Waxay dawladdu awood  u yeelataa inay dadka gabooba, kuwa waalan iyo caruurta daryeel gaar ah siiso. Waxa dadku ka haqab-beelaan daawooyinka iyo wax kasta oo la xidhiidha daryeelka caafimaadkooda. Dadku waxay helaan cunto   iyo biyo caafimaad leh. Waxa kor u kaca heerka cimri-dhererka dadweynaha guud ahaan (life expectancy).Waxa si togane ah isu beddelsha tayada iyo heerka nolosha dadweynaha. Noloshu way fududaataa, way macaanataa, way ka xiiso badnaataa sidii hore . Waxa sare u kaca heerka cimri-dererka dadka dalkaas ku nool celcelis ahaan (life expectancy) . Dalkaasi wuxu muddo kooban ku gaadhaa horumar iyo heer nololeed oo aanu gaadhi karayn kotonka ama xattaa boqolka sano ee soo socda ama in ka badan .

       “ Halshu laaciyo Laanka aragtaye Laagga ma og tah ay.”

Sidaa darted, marka dal ama waddan laga helo shidaal ama lagu tuhunsan yahay oo sahankiisu socdo, sida hadda ka jirta Somailand, jawi iyo yuhuun cusub ayaa dadka ku abuurma.  Warka  in  shidaal la sahaminayo ama la qodayo oo keliya ayaa abuura jawigaas iyo yuhuuntaas cusub. Waxay dadku ku illaawaan nolosha ay ku jiraan sida ay ugu adag tahay, cidhidhiga ay ku qabaan helitaanka nolol maalmeedkooda iyo maceeshaddooda, hoy-la’aanta, daryeel-xumida caafimaadka, biyo la’aanta, shaqo la’aanta, aayo-la’aanta,  is-naca iyo rajo-xumadii ay ku jreen. Hirkaa barwaaqada ah ee muuqday wuxu qofka ku dhaliyaa himilo cusub, han cusub iyo hindise cusub. Qof waliba nolosha cusub ee barwaaqada ah  ee soo muuqata ayuu meel ka sii qoondaystaa.

Muuqaalkaas malo-awaalka ah ee nolosha macaan ee hirkeedu soo baxay ayey dadku rumaystaan, u  riyaaqaan,  oo ku  rayrayaan. Waxay la kacaa-fadhistaan laab-la-kac iyo hiyi-kac ay ku hayaansan yihiin nolosha cusub. Shidaalku wuxu leeyahay saxansaxo. Saxansadaasi waxay saaqdaa maanka iyo miyirka dadka. Aragtidooda, muuqalkooda iyo maankooduba waxay ku laalmaan meel sare .Meel fog. Waxa dhow ma arkaan. “Halshu laankiyo laaca aragtaye laagga ma og tahay”. Waxay arki  kari waayaan waxyaalaha hortooda ka dhacaya ee maalin walba dhacaya meel kasta oo dalkooda ah ka dhacaya,  ee noloshooda iyo aayahooda saamaynaya. Waxay maqli waayaan waxa dadka miyirka qabaa u sheegayaan. Taasi manta Somaliland ayey ka taagan tahay. Waana ujeeddada maqaalkan  inaan ka hor-tago arrintaas

Markaas oo kale waxa suuragal ah in shidaalku uu ku noqdo dadka iyo dalka  laga soo saarayo habaar iyo haydaaro, halkii laga filayey inuu inuu ka furdaamoyo dabinka faqriga ee ay ku jiraan. Inuu barwaaqo, badhaadhe iyo horuumar u horseedo. Waxa abuurma  musuqmaasuq hor leh, qabyaalad, qaraaba-kiil, eex, caddaalad-darro, nabadgelyo-darro maamul-xumo dawladeed iyo khalkhal siyaasadeed. Bulshadu  way kala qaybsantaa. Waxay u kala qaybsantaa in yar oo wax badan haysata iyo in badan oo wax yar haysata ama aan waxba haysan . waxa lunta kasoonidii iyo midnimadii ummaddu lahayd.

Waxa burbura ama meesha ka baxa qaybihii dhaqaale ee dadku ku dhaqnaa, sida xoolo-dhaqashada, beeraha,kalluumaysiga iwm.Waxa ka dhasho sicir barar, shaqo-la’aan ,  saboolnimo iyo gaajo  amaba macaluul. Waxa bulshada ka dhex dhasha nacayb, qaybsan  qabyaalad iyo takoor. Waxa ka dhasha colaado, dagaallo sokeeye , qax iyo eedaad. Waxay dad badani u dhintaan macaluul aan hore dalkaas uga jirin.

Dhulka shidaalka laga qodo waxa deegaankiisa dabeeciga ah ee dadku ku nool yahay ku dhacaya  dhalan-geddis abadi ah  oo aan ka soo kabasho lahayn.  Waxa dhalan-rogmeysa oo nabaad guurta ciidda.  Wax gabloolaya dhulka wax laga beerto oo waxba ka soo go’i  waayaan. Waxa qallalaya dhirta iyo daaqa. Waxa waxyeello weyni soo gaadheysa, qaarkoodna  dabar-go’aan  xawayaanka, xoolaha, kalluunka, shibiraha, cayayaanka iyo noolaha ku uummaan dalkaas ama deegaankaasi. Dadkuna waa ka mid. Waxa ajooba oo uskagooba webiyada, harooyinka, togagga , biya-mreennada iyo biyo-fadhiisinnada.  Waxa  xattaa, beddelanta hawada iyo cimilada guud. Waxa cirka ama samada u baxaya  qiiqa, uumiga iyo kimikda ka dhalanaya gubista shidaalka iyo wershedaha lagu safaynayo. Waxyaalahaas oo  dhammi waxay halis u  yihiin aadamaha iyo noolaha kaleba. Marka roobku da’o  wuxu dhulka ku soo celiyaa qiiqii iyo kimikadii sare u baxday oo biyaha la socda. Waxay sumaysaa wixii biyahaa ku noolaa ama ka cabba. Sida dhulku u ekaan karo haddad rabtid inaad aragto, waxad eegtaa sawirrada laga soo qaaday  daacada Togga Niger. (qaar ka mid ah sawirradaas waxan soo raacin doonaa qoraalkan).

muuqaalMuuqaalkaas aan idiin sawray  ma aha malo-awaal iyo hal-abuur aan anigu hindisey. Waxa xaqiiqo dhab ah oo taalla dalal badan oo shidaalka laga qoday. Wuxu ka run sheegayaa nolosha ay ku sugan yihiin dadyow badan oo dalkooda ama deegaankooda laga soo saaray shidaal. Muuqaalkan foolsha xun waxan ka sawiray isu-geynta iyo shaandhaynta  xogta faraha badan ee laga soo ururiyey saamaynta shidaalku ku yeelshay nolosha dadka ku sugan dalalka laga soo saaray  shidaalka qar ka mid ah. Dalalkaas waxa ku dhacay  waxa loo yaqaanno  Habaarkii Khayraadka.

Xogta aan ka abuuray muuqaalkan ma aha mid ku-tiri-ku-teen ah. Waa xog dhab ah, oo cilmi ah , oo ku salaysan xaqiiqada iyo waaqaca ka taagan dalal badan oo laga soo saaray shidaalka. Waa xog aan ka soo ururiyey warbinno rasmi ah oo ay sameeyeen ururrro iyo hayado caalami ah,  daraasado cilmi ah oo ay u kuur-galeen jaamacado can ah iyo khubaro caalami ah oo dhinacyo badan ka kala dersey, buugaag  ay qoreen xeel-dheerayaal, qoraallo saxaafadeed, waraysiyo iyo filimo laga sameeyey dalalkaas.

  Xogtaasi way buuxdaa . Waa badweyn. Meel kasta waay taallaa. Qofkii xiisanayaa waa heli karaa.Anigu inta aan halkan ku soo ururiyey kabbo iyo dhibic midna kama aha badweynta xogtaas.  Kabbada iyo dhibicdu  waa wax yar. Yeelkeeda ee miyey ka daraysaa qofkii aan hallaba ka hayn?  Halkan, xogta yar ee kabbada ah waxan ugu tala-galay dadka faraha badan ee aan xogtaas heli karin ama meel loo maro aan garan karin. Dadku marka arrin xogtiisa aanay hayn ama helin, ma heli karaan taladeeda. Ma kala garan karaan saanigiisa iyo maqluubkiisa. Waxana laga yabaa in aanay qaadan taladiisa haddii loo sheego. Maxay ka og yihiin. Waxa ugu fudud inay qaataan been yar oo hunguri ka soo ridda  haddii loo sheego.Beentaasi waxay ka xoog badnaan karta talada runta ah ee loo tilmaamo. ”War qabaa talo hela” hore ayey Soomalidu u tidhi. Intaasi waa hogo-tusaale.

Haddaba  sua’aashu  waxay tahy  Habaarka Khayraadku ma waxay ka dhacaan dalka kasta oo shidaal laga qodo, mise dalalka qaarkood.?

Jawaabta oo kooban waxay noqon kartaa: Way ka dhici karaan dal kasta oo shidaal laga a qodo. Lakiin kama dhacaan dal kasta. Haddi waxyaalaha qaarkood ka dhacaanna si degdeg ah oo wax-ku-ool ah ayaa wax looga qabtaa. Dalalka shidaalka laga qodo, qaarkood wuxu u horseedaa bashbash iyo badhaadhe. Qaarna kalena habaar ayuu ku noqdaa.Waxa imanaysa su’aal kale.

waayo?  Maxay dalalku ku kala duwan yihiin.?Jawaabtii oo kooban:

  •  Dalalka qaarkood qodista shidaalka waxa huggaamisa oo hagta siyaasad cad oo qaran oo ka turjumaysa danaha iyo baahida dalalkaas iyo bulshadooda. Waxa lagu maamulaa  oo loo dhigaa, lagu fuliyaa, oo lagu ilaaliyaa sharciyo u gaar ah oo ka hor tegaya wax kasta oo dhibaato ah oo ka iman kara qodista shidaalka iyo qaybinta dakhliga ka soo baxa. Waxa laga hortegayaa khasaare iyo dhaawac soo gaadha deegaanka iyo dadka aaggaas ku nool ama dalkaba guud ahaan. Waxa la qeexaa,  haddii dhibaato ka timaaddo, cidda ka masuulka ah, sida loo daaweynayo iyo meelsha la saarayo. Waxa laga hortagayaa musuqmaasuqa, eexda, qaraabakiilka, iyo abyaaladda. Waxa laga hortegayaa inaan dakhliga ka soo baxa cidi goonni u leexsan, inaan dano gaar ah lagu fulshan, inaan la xadin ama la dhicin. Waxa la qorsheeyaa oo la hubiyaa in si caddaalad ah oo isu dheelli-tiran loogu maalgeliya dhaqaalaha iyo bulshada dalkaas. Dalalkaasi waxay ku dhaqmaan mabaadii’da daahfrunaanta iyo wada-xisaabtanka (transparency and accountability ). Waxay leeyihiin awoodaha dawladda oo si cad u kala qaybsan isuna dheelli-tiran.Waxayna caadi ahaan ka jira nidaam garsoor oo si adag u madaxbannaan.
  • Dalalka uu ku dhaco Habaarka Khayraadku waxa ka dhiman waxyaalaha ay leeyihiin dalalka hore. Heshiiska lala gelayo shirdaha shidaalka qodaya wuxu noqdaa mid jilicsan,  oo aan ka turjumayn danaha iyo baahiyaha asaasiga ah ee dalkaas iyo dadkiisa. Wuxu noqdaa mid u janjeedha dhanka danaha shirkadaha shidaalka qodaya iyo kooxda markaas xukunka haysa . Wuxu noqdaa mid qarsoodi ah oo aan xukuumadda amaba qaarkeed mooyaanay aan cid kale ogeyn waxa ku qoran. Mid laga qariyo Baarlamanka, saxaafadda iyo bulshada inteeda kale. Mid aan cidina  heli karin ama  xataa ka hadli karin.Wuxu noqdaa mararka qaarkood  “sir qaran”, oo cidii ka hadashaa xabsi ku mutaysato. Dhakhliga ka soo baxa (inta yar ee ka soo hadha waxay shirkauhu qaateen) badankiisa waa la leexsadaa. Debedaha ayaa la dhigtaa. Dad yar ayaa faaiiada gurta,  bulshada inteeda kalena waxa looga tagaa waxyeelladiisa oo keliya. Waxa dhaca waxaan kor ku soo sheegay- Habaarka Khayraadka.

muuqaal2Aniga ayaa su’aal soo dhigay. Waayo dad badan ayaa is weydiin kara. Su’aashaasi waxay tahay:

Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay qoraankan?

Waan soo koobayaa. Waa saddex.

  • Marka ugu horraya waa wacyi gelin. Waa xog loo baahan yahay inay dad badani helaan oo hayaan. Gaar ahaan, Golayaasha sharci-dejinta,  Xisbiyada sayaasiga ah, ururrada bulshada, huggaamiyeyaasha bulshada, madaxdhaqameedka iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland. Waa xog aan looga maarmi karin qiimaynta iyo qo’aan ka qaadashada arrimaha  la xidhiidha shidaalka iyo macdanta.Waa xog u baahan in loo qiimeeyo si ka sarraysa danaha  qabiilka, deegaannada, xisbiyada iyo xukuumadda  markaa joogta, intaba. Waa xog qaranku u baahan ahay.
  • Mar labaadka, waa digniin. Waa qaylo-dhaan. Waa farriin ku socota, dadweynaha reer Somaliland gebi ahaan. Waxan ka digayaa in shidaalku inoo horseedo aafooyin hor leh. Waxan ka digayaa inuu shidaalku noqon karo HABAAR, innaga oo filayna in lagaga baxo faqriga iyo baahida. Malaha dhiilla-saareen baan leeyahay . Haseyeeshee,  waxa durba ii muuqda astaamihii habaarka khayraadk. Waxa dubra isku xeeray hawlahii shidaalka, siyaasado qarsoon, sharci-darro, qabyaalad, iyo musuqmaasuq la kowsadey.Waxa durba meesha laga saaray kaalintii Baarlamanku ku lahaa ansixinta ama oggolaanshaha heshiisyad shirkadaha caalamga ah, iyo daba-galka iyo toosinta xukuumadda. Waxa durba muuqatay in la kala boobayo shidaalka laga yaabo inuu jiifo dhulka hoostiisa. Waxa durba muuqatay inaan wax tixgelin ah la siinin deegaanka iyo dadka ku dul nool midna. Waxa durba ka abuurmay khilaaf iyo muran hor leh. Haddii khilaafkaasi sii socdo waxa laga yabaa in sida loo damiyaa ay adkaato. Wuxu halis u noqon karaa midnimada qaranka. Waxa ka abuurmi kara Galgala cusub. Meesha hadda la sahaminayaa waa Saraar,  cayn, Oodweynane iy Hawd. Waa dhul furan. Waa dhul cadow iyo cid kasta u furan. Waa dhul ku habboon in khilaafaadka Somaliland ku burburi karto ay ka bilaabmaan. Wax duba ii muuqda wax kasta oo dhalin kara ama sabab u noqon kara Habaarka Khayraadk. Waan ka digayaa. Waa farriin. waa qaylo-dhaan.  “Biyaha aan horraantooda arkaa dabadoodu waa huubo”.
    • Marka saddexaad.  Haddii farriintaasi ku dhacdo dhego daboolan, haddii ay cidna soo jeedin weydo, haddii habaarka laga ducaysan waayo, anigu marag baan haystaa, marka hoog iyo haydaaro dhacdo, inaan ka digey.

Hadhow bay odhan

Layma Heesino,

Laylama Hadline,

Doob Hurday helay.

DHAMMAADK Q.1AAD

Ibrahim jama Reyte.

Xildhibaan Golaha Wakiillada. Somaliland