Haayada Lacagta Aduunka Oo Hoos U Dhigtay Saadalinta Korodhka Dhaqaalaha Aduunka

Hargeysa(SLpost)-Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa hoos u dhigtay saadaalinteeda kororka dhaqaalaha adduunka labada sano ee soo socota.

Waxay hadda saadaalinaysaa koror dhaqaale oo ah 3.4 boqolkiiba sanadkan iyo 3.6 sanadka 2017.

Hoos u dhigan, ayaa yimid kadib markii ay hoos u dhaceen dhaqaalaha waddamada soo koraya iyo dhaqaalaha Shiinaha.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa ka digtay kororka dhaqaalaha adduunka hadii aan si fiican loo maamulin waxyaabaha hortaagan.