Haamaha shidaalke ee Barbara go’aankeed yaa iska leh

 

 

Mooshinkaa goluhu laalayee, guuxa badan keenay

Ee laysu gabangaabsadee, goohu dami waayey

Xukuumaadda go’aankeeda waa gaylan iyo boobe

gurrac iyo maroor bay rabaan inay goostaane

Dood loo garaabaa ka dheer ina gahayrowe

Goolaaftankoodaan arkaa waa galoof madhane

Hadba waxay la gabargaalayaan waa gaddaan-dhabade

Gumariyo wixii maal hadhay sii guntanaayen

War-gaysyada waxay soo dhigeen weedho gaanjaba

Qof garaadli’ wuu diidayaa gababaxdoodaase

Khadarow guddoon eelahaan kuu galgaal bixine

Gorfayntayda maqal waadigii guurtida ahee

Bal geddooda eeg talo adduun gunuxsi weeyaane

“Gacansade Muwaadin hadduu hawsha gudanaayo

Sharci gaasiraayaa ma jiro ama ka giigaaye

Hantidii ma guurto ah hadday dani gayeysiiso

In la gado ijaar laga guriyo siismo galactooyo

Gaddii ay rabanaba xeerku wuu noo gabbaan yahaye”

Saleebaan goonjada qabee gumaca liishaamay

Guruubkuu adeegsada bad bay maanta galiyeene

Geesna uma fayooboo dullaa guudka loo sudhaye

Bal gandoodka eeg ceebihiyo fool xumada gaadhay.

 

Mawliid Aadan