Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo La Wareejiyey iyo Dareennada Ku Xeeran

 

Berbera(SLpost)-Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa maanta wareejiyey kaydka haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera.

 

Munaasibad lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil Ee Berbera oo aan warbaahinta loo ogolayn  ayaa lagu wareejiyey haamaha, waxaana la sheegay inay munaasibadaas goob joog ka ahaayeen shirkadaha lagu wareejinayo haamaha.

 

Shirkadaha lagu wareejinayo kaydka haamaha shiidaalka ayaa la  sheegay inay wataan maareeye ay damacsan yihiin in lagu wareejiyo maamulka haamaha, kaas oo masuul uga noqon doona.

 

Wararka aannu ka helnay ayaa sheegaya in shaqaalaha haamaha keydka Berbera ay sameeyeen gaddood shaqo joojin ah ilaa imikana aannay ka socon wax shaqo ahi isla markaanna ay ilaa imika shaqadu taagan tahay.

 

Sida aynnu la wada soconno Markii warkan Xukuumada Kaso Baxay Mudo Bil ah Ka Hor Waxaa Diiday Golaha wakiilada Somaliland  oo cod Gacan taag Ku Laaalay Inay  Xukuumadu Kirayso Halbawlayaasha Dhaqaale e Qaranka Somaliland, balse xukuumadda ayaa ku adkaysatay xaq u leedahay kuna wareejinayso cidda ay doonto taasi ayaa sababtay in ay haamuhu maanta u gacan galaan shirkaddo gaar loo leeyahay.

 

Magaalada Berbera ayaa ilaa saaka laga cabsi qabay in mudahaaradda ka dhacaan taasi oo keentay in ciidamo badan oo ammaanka ah la dhoobo jidadka magaalada Berbera. Wixii war ah ee ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan Somalilandpost.

 

Somalilandpost Office, 2015