HAAKAH DHAHA, OO QOF KASTOOWBA HOOS U DHUGO WIXII KULA GUDBOON QALINKII

Sidaynu ognahay biyuhu waxay kaalinta koowaad kaga jiraan nolosha aadamaha iyo jiritaankiisa. Qof walbana wuxuu u baahan yahay inuu helo biyo nadiifa, taasoo waajib ka saaran yahay kolba dowladdii joogtaa inay hagaajiso fayo-qabka biyaha iyo inay bulshada deegaan kastaa hesho biyo ku filan oo joogto ah. Anigoo arrintaas ka duulayaa, ayaa waxaan marka hore waxaan halkan ugu mahadnaqayaa, ciddii iska xil-saartay mashruuca biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa, oo ay ugu horrayso xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo beesha caalamka taageeraysa mashruucan. Waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in laga gaadho himilada laga leeyahay iyo ujeedooyinkiisaba oo laga midho dhaliyo, maadaama baahi weyn loo qabo.

Haddii aan dib u yar jalleeco, waqtigii u horreeyey oo la galinayey biyaha caasimadda Hargeysa, waxay ahayd horaantii todobaatanaadkii markii ay dowladda Shiinuhu maalgalisay fulisayna biyo-galinta magaalada Hargeysa, iyadoo biyaha ka keentay woqooyiga Hargeysa. Waqigaasna ku talo-galka biyo galinaasi waxay ahayd 30,000 qof.  Sidoo kale dowladda Shiinuhu waxay qeyb laxaad leh ka qaadatay kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadaba waddankii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Shiinuhu dhistay jidka isku xidha magaalada Burco iyo Muqdisho. Isla markaana hirgalisay cisbitaalka Banaadir ee Muqdisho ku yaalla ee carruurta iyo tiyaarka xamar.

Mashaariicdaasina waxay ahaayeen abaal-gud balaadhan oo ka yimid markii dowladda shiinaha laga hor istaagay inay ka mid noqoto Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa, oo ay dowladdii Soomaaliya ee waqtigaasi qeyb laxaad leh oo mug leh ay ka qaadatay in xaqdarradaas laga daayo oo la siiyo Shiinaha xubinadooda ay xaqa u leeyihiin. Iyadoo dowladda Maraynkanka iyo xulafadiisu ay cadaadis xoog leh saareen inaanu Shiinuhu fooda soo galin Qaramada Midoobay. Adduun waa halka labada galine maantana Maraykanka iyo xulafadiisu waxay ku daba tukanayaan dalkaas Shiinaha ee ay cadaadinayeen oo ah wadddanka imika koboca dhaqaalihiisu uu ugu horreeyo adduunka

Dhinaca kale, waxqabadka dowladda Shiinuhu ay fulinaysay waxay kaga duwanaayeen kuwa kale, waxay farsamooyin bari jireen dadweynaha ku nool deegaanada ay hawsha ka wadaan iyo kolba meesha ay marayaan. Sidoo kalena waxay waddan jireen dhakhaatiir baadhi jirtay oo daawayn jirtay dadweynaha ku nool deegaanada ay ka fulinayaan mashaariicda.

Haddii aan u soo noqdo biyo galinta Hargeysa, waxaan Jimcihii hore u baxay woqooyiga Hargeysa, anigoo halkaasi ku arkay hawsha socota ee biyo balaadhinta magaalada Hargeysa, isla markaana waxaan arkay xaydaab weyn oo ay ka buuxaan dhuumaha qaada biyaha iyo agabkoodu. Markaas ayaan xaqiiqsaday mashruucaas oo ilaa intii waddanka la soo galay la hadal hayn jiray oo la moodi jiray inaanay waxba ka jirin, inay maanta ugu dhowdahay in maanta Hargeysa biyaheeda la balaadhiyo.

Biyo laga haqabtiro Hargeysa waxay dawaynaysaa maskaxda dadka deggan Hargeysa oo niyad-xumi ka muuqatay maamul-xumada biyaha Hargeysa awgeed. Tusaale ahaan haddaan iskugu horraysiiyo qasabadda biyaha keenta Hargeysa waxay gurigayga u jirtaa 50 talaabo haddana aniga iyo xaafadda aan degganahayba lama galin qasabadaha iska daa biyo la helee. Sidoo kale waxaad arkaysaa laba guri oo iska soo horjeeda oo mid aanu biyo helayn midna ay iska butaacayaan oo aan la xidhayn. Sidoo kale waxa jiray dhaqan xun oo ah, wax aynu inagu qabsan karaynay oo muddo rubuc-qarni ah la dhowrayey gacan kale, oo caqligaabnimo iyo hagrasho la inagu salliday ahayd. Waxaad ka soo qaaddaa 25-kii sanno ee aynu la soo noqonay madax-banaanida Somaliland waxaynu kari karaynay lacagta badan ee aynu u isticmaalno maandooriyaha qaadka iyo mukhaadaraatka inaynu 3 ilaa 5 cisho ka soomi lahayn, lacagtaasina sanduuq lagu ridi lahaa oo ay kaafiyi lahayd biyo galinta Hargeysa oo cid waliba ka haqab-beeli lahayd. Sidoo kale afarta nin ee ugu maal-qabeensan Caasimaddu waxay kari karayeen inay iska kaashadaan biyo galinta magaalada Hargeysa iyo kuwa la mid ah, inkasta oo ay qabteen waxyaalo kale oo wanaagsan. Laakiin Soomaalidu bari hore ayey kasii afeefteene waxay odhan jireen ‘talo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo’ taasina cudurdaar inoo noqon mayso ee waxa ina hor taallla maahmaahda kale ee odhanaysa ‘talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola’.

Haddaba maanta ayeynu joognaaye shicib iyo dowladba maxaa inala gudboon si aynu uga faa’iidaysano mashruucan balaadhinta biyaha, haddaan anigu halkaa talo ka dhiibto waxaan odhan lahaa:

  1.   In biyaha la tashiilo oo aan macno darro lagu daadin sida ay sheegayaan diinteena suuban iyo dhaqankeena wanaagsaniba.
  2.   In Wasaaradda Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysi qiime macquul ka qaadaan bulshada.
  3.   In Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay raacdo nidaamka inoo yaalla iyo ka caalamiga ah, ee lagu maamulo biyo galinta iyo guud ahaan maamulka biyaha.
  4.   In qalabka biyaha ee waddanka la keenayo sida saacadaha iyo agabka kale ay kaantarooshol, oo ay hubiso inay wax tayo leh yihiin.
  5.   In tababarro dheeriya la siiyo shaqaalaha ka hawl gala qorista saacadaha, oo ay noqdaan kuwo akhlaaq leh.
  6.   In la beddelo dhaqankan xun ee aynu baranay ee ah, in meel walba oo dowladda ah shaqaaluhu iska tuulan yahay oo aanay waxba qabanin, oo ay ku andacoodaan aabbahay iyo hooyaday ayaa kasoo shaqayn jiray ana meeshoodii ayaan galayaa, anigoon ku diganayn waa arrin u taalla dowladda dhexe iyo Hay’adda shaqaalahu inay xallilaan arrintaan dacarna ha ka qadhaadhaatee.
  7.   In wakaaladda Biyaha Hargeysa shaqaalaha dambe ee ay qaadanayso ay qaadato qaar aan qaad cunin kana saliim ah wixii naftooda hallaynaya.
  8.   In meelaha danta guud ka socoto sida masaajiddada, iskuulada, cusbitaalada, goobaha naafada I.W.M aan lacag biyood laga qaadin ama qiimo dhimis loo sameeyo kolba sida ay duruuftu saamaxayso.
  9.   Waxaan talo ku bixinayaa, in Wakaaladda Biyaha Hargeysa dakhliga badan ee kasoo gali doona balaadhinta biyaha Hargeysa ay dib wax u gashato bulshada. Tusaale ahaan waa inay samaysaa mashaariic yar-yar oo dadkana wax u taraya lacag badana aan ku kacayn, Barnaamijka kowaad, in Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay ka qeyb-qaadato hawlaha samafalka. Tusaale ahaan haddii ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay kharash biyood ka qaaddo 150,000 qoys oo biyo la gaadhsiiyo, oo ay guri kasta ka qaadato $10 oo kharashka biyaha ah, waxay xisaabta mala’awaalka ahi noqonaysaa 1500000. sidoo kale waxay macaamiisheeda u soo jeedin kartaa inuu qoys kastaa 1000 S/Lshillin ku daro biilka, wakaaladduna ay ku darto min 2000 S/Lshillin, oo ay dadweynaha kuwa dhul-yaalka ee xanuunkooda waddanka wax lagaga qaban kari waayey ee aad u daran dhinaca caafimaadka ay dibadda ugu dirto hawl caafimaad sida inan 10 jir ah oo maalin dhowayd la ii keenay, oo 14 jeer jabtay, taasoo iyada iyo kuwa kaleba ay waddanka xaq ku leeyihiin. Dhinaca kale waxa jira khubaro badan oo reer Somaliland oo rag iyo dumarba leh, oo ku takhasusay aqoon waddanka aad loogu baahan yahay ama dowladihii hore wax ha soo bareen amma iyagu wax ha is baraan ama waddanka ha ku bartaane, oo wali xooggoogii iyo maskaxdoodii ay dihin yihiin, haddii tusaale ahaan 16 ka mid ah laga soo qaato oo la yidhaahdo bulshada deegaanka kala shaqeeya wixii aad ku kala takhasusteen oo gobol walba 2 ka mid ah loo diro, si ay bulshada deegaanada wax ula qabtaan.
  10.   In dadweynuhu deg-deg ugu soo sheegaan wakaaladda Biyaha qeybta farsamada qasabadaha jabay.
  11.  in Wakaaladda Biyaha Hargeysa shaqaaleheeda maamul iyo farsamoyaqaanaba ay si joogto ah xirfaddooda ay sare ugu qaadaan.
  12.  In la sameeyo guddi dhexe (board) oo aqoonyahanno ah iskana ladan xagga dhaqaalaha oo aan dib ugu soo jeesan wakaaladii sida hadda joogta, oo fadhiista sannadkii 3 jeer, isla markaana qiimeeya xaaladda biyaha iyo sida ay  hawsheedu u socoto.
  13.  Inay dowladda dhexe dib-u-eegis ku samayso sidii maamulka biyaha gacanta loogu galin lahaa dad rayid ah sida Boorama oo kale, oo saami loogu qaybsan lahaa.
  14.  In kuwa biyaha xadaya ee caqli gaabyada ah nidaamka sharciga la waafajiyo oo la xanuujiyo.
  15.  In shaqaalaha wakaaalada Biyaha sannadkii dakhliga kasoo gala biyaha wax loo jaro si loo dhiso mooralkooda iyo dhaqaalahooda.
  16.  Inay wakaaladdu joojiso dhaqankan xun ee ah inuu qof kastaba biyo iska soo leexsado, oo wakaaladda Biyaha qorshaha loo daayo.
  17.  In dadweynaha qaar ka mid ah oo aan biyaha xidhin marka ay taangiyadu buuxsamaan, in loo digo kadibna laga jaro biyaha haddii ay dhaqan-xumadaas dayn waayaan.
  18.  In aan laga tegin ragga booyadaha iska lahaa iyo intii ka shaqaysanaysay ee rubuc-qarnigaas tegay inoo shaqaynayey kana shaqaysanayey. Sidoo kale raggii iyo dumarkii waqtiga badan kasoo shaqaynayey Wakaaaladda biyaha in la hagaajiyo.
  19.  In xarunta Wakaaladda Biyaha loo dhiso xarun weyn oo haybad leh.
  20.  Sida aan ka soo xigtay rag looga qaateen ah, biyaha woqooyiga Hargeysa waa biyo gaajada bi’iya xitaa saddex cisho aad ku haqab-beeli karto oo nadiif ah macdanuhuna ku badan yihiin, sidaa daraadeed in la ilaashado.
  21.  Sida aan ilo xog-ogaal ah oo looga qaateen ah ka xaqiijiyey, waxay sheegayeen in biyaha ugu badan adduunka inay ku kaydsan yihiin Somaliland. Haddii ay arrintaasi run noqotana waa inay dowladdu baadhis ku samaysaa wixii ka jira. Waayo dad baa sii saadaalinaya inay biyo yari xoog leh adduunka ku soo fool leedahay, siday ku socotana waxa laga yaabaa inaynu biyaha debadda u dhoofino.
  22.  In beeraha guryaha laga dhex samaysanayo ay wakaaladda Biyahu ay nidaamkeeda caddayso, oo ay ogaato inay biyahani yihiin kuwo loogu talo-galay in la cabbo oo aanay ahayn kuwo beero lagu waraabiyo. Qodobadaas aan kor ku xusay iyo kuwo ka badanba way ogyihiin khubarada Wasaaradda Biyaha iyo kuwa Wakaaladda Biyaha Hargeysiba.
  23.   Waa in ay wakaaladda biyuhu indho gaar ah ku haysaa ilaalisaana dhaqan xun oo iminka lala soo baxay oo ah in ay biyaha qasabadahaha kale lagu soo nuugo daynabo marka ay biyuhu yaraadaan.
  24.   Waxa jira dad ceelal ama barkado waaweyn qotay oo biyuhu ay ku soconayaan hadh iyo habeen oo biyaa waa iyo ka baqanaya in ay biyaha beero ku waraabsadaan.
  25.   Dhaqan xumada kale ee aynu la soo baxnay intan danbe ee wadanka lagu soo noqday waxay tahay dad badan oo Ilaahay SWT uu maal siiyey ama awood u leh inay biilka biyaha bixiyaan oo la wareegaaya “Bishan ha langa Saamaxo ama qiimo dhimis ha lanoo sameeyo”
  26.   Waxa jira qalabka biyaha soo qaada hadii  biyo xoog lihi oo sii jiidhaan waxa la iska fahmi karayaa inay dhaawac soo gaadhsiiyaan tuunbooyinkaas markay mudo sidaas ku wadaan. Waxaan usoo jeedinayaa qalabka casriga ah ee pressure-kaas  xooga leh xadaynaaya oo xaddidadayaa biyaha system-kaasi qaadi karayaan.
  27.   Waxa kale oo aan usoo jeedinayaa farsamayaqaanada wakaalada iyo maamulkeedaba in markay qasabaduhu ama qalabka kale ay jabaan oo ay ciladi ku timaado in uu jiro qalab casri oo emergency ahaan lagu kabo hadhowna si rasmi ah lagu kabo si meel ku gaadh ah si ay usoo gaadhaan farsamayaqaanadii yo qalabkii wax ka qaban lahaa.
  28.   Waxa jira odayaal is daba raxlaynaaya  had iyo jeer oo la socda wasdo iyo in loo sameeyo  axsaan gaar ah oo  qaadanaaya waqti badan iyo hadal badan.
  29.   Waxaa habboon in Wakaaladaha biyaha Somaliland ay ka khafiifiyaan kharashka biyaha ama ay kala badh ka qaadaan shaqsiyaadka xurmada leh ee madaxweynuhu shahaado sharafyada siiyey sida barnaamijkii Qiimee Qofkaaga dadkii ka qeyb galay ee waddankan wax gashaday.
  30.   Waxa iyaguna sumsuma sidii booliskii saylac madax, tijaar iyo raga madaxda wakaalada ay wax isku yihiin sida xafiisyada dawlada oo dhami ka siman yihiin  oo ugu gudaaya hadh iyo habeen oo macal guryaha ugu tagay madaxda xafiisyada dawlada oo leh inantan noo qor inankan noo qor.  Waxa wax lagu qaybsadday 4.5, waxa kale oo aan usoo jeedinayaa dawlada dhexe inay gobolada kale ee biyo la’aantu ka jirto in ay wax ka qabtaan intii karaankooda ah.
  31.   Had iyo jeer dadweynaha biilasha bixinayaa wakaalada waxay keenaan lacag duug ah oo jeex jeexan oo ay la hadhaan lacagta cusub. Fadlan u fududeeya oo ta yar yar ee aad naftiina la jeceshihiin bixiya.
  32.   In shaqaalaha loo keeno qalab casri ah gaar ahaan qaybta xisaabaadka oo hab casriya oo isku xidhaaya biyaha ceelka kasoo baxay iyo biyaha magaalada loo qaybiyey inta ay yihiin hadii laga fursan waayo.
  33.   Nimanka qandaraasyada qaata ee biyo galinta ku qaata waa in ay fasax ka qaataan wakaalada biyah qaybta injineeriyada oo la ansixiyaa habka ay biyaha u galinayaa iyo nooca qalabka ay isticmaalayaan.
  34.   Waa in ay wakaalada biyuhu magaalada Hargeisa dhowr goobood oo qasabado ku rakibto si looga dhaamiyo marka uu dab kaco sida nidaamka adduunka u yaala iyo iyagoo la tashanaya qaybta dab-damista.
  35.   Waa in wakaaladu ay samaysaa qalabka casriga ah ee jira tuunbooyinka magaalada keenayaa iyo kuwa guryaha galinaayaba lagu duubo qalab loogu talo galay oo ka ilaalinayaa daxalka iyo ciida iyo dilaacyada.
  36.   Marka qalabka loo diraayo mashruucan biyo galinta ee laga soo iibinaayo dibada waa in nidaamka dawlada la raaca oo dadka loo soo bandhigaa oo tayadooda la maamulaa oo aynu iska dhowrnaa dhaqanka xun ee odhanayaa la jiifiyaana banana la joojiyaana banaan.
  37.   Dadka qasabadaha biyaha ku iibiya magaalada hareeraheeda iyo gudaheeda oo ah dad dan yar ah in macmiilkooda la hagaajiyo oo dadka dan yarta ah loo tudho.
  38.   Qasabadaha la marinayo biriijyada iyo dooxyada injineerada ku takhasusay hawshaas is habsami ah ha u qabtaan sida ay injineeradu ku taliyaan ee saxda ah.
  39.   Marka ay roobabku da’ayaan in dadka lagu wacyi galiyo  in ay majarooro samaystaan oo ay kaydsadaan raxmada Ilaahay shubayo.
  40.   In Shaqaalaha wakaalada biyaha la dareensiiyo in ay wakaalada leeyiin islama markaana ay wax ku darsadaan adeegaas  dadweynaha loo qabanayo ee aas aasiga ah.
  41.   Jagooyinka banaan iyo guryaha banaan aaan biyo la galin oo aan loo furin ilaa la dad galayaan
  42.   In ay laba saddex nin qorato oo kormeerayaal ah oo la socda xaafada ama dadka sida axmaqnimada ah u jara dhirta oo  laga jaro biyaha toban cisho si loogu ciqaabo jariimadaas ay deegaankii kula kaceen.

Waxaan kusoo gaba-gabaynayaa barnaamijkan Geeddiga Wadaay ee wacyigalinta ah ee waaba boogtii daran dhayaya inta karaankiisa ah, waxa habboon inaynu u hoggaansano oo waxa aynu gacanteena ku haysano si fiican u maamulano waxna ku qaadano khaladaadkii aynu hore u soo samaynay.

Fiiro gaar ah: maqaalkan umaan qorin in aan dadka ka aqoon badanahay ama aan injineer biyood ahay ama cid gaar ah aan ku duraayo laakiinse waa wacyigalinta la igu yiqaanay ee Geediga wadaay. Waxaan soo dhawaynayaa wixii talo ah ee maqaalkan la xidhiidha.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com

Hargeysa, Somaliland.