Ha loo Gurmado Manhajka Dugsiga Hoose/dhexe Ee Somaliland – W/Q: Maxamed Maxamuud Yoonis

Waxbarashada dal kasta waxa aasaas u ah manhaj ku taagan tiirarka aasaasiga ah ee diinta, dhaqanka, dhaqaalaha, taariikhda , juquraafiyada iyo bii’ada  deegaanka dalka  uu qofkaasi ku noolyahay. hadaba manhajka dugsiga hoose/ dhexe ee somaliland waxa ka muuqda goldaloollooyin badan tusaale: Buuga diinta ee fasalka koowaad wasaaraddii hore ee wax barashada dawladdii Riyaale way tirtirtay waxana loo tirtiray sawir meel ka dhac ku ah diinta islaamka kuna sawirnaa bogga 42aad oo la socday cashar ku saabsanaa taariikhdii nabi maxamed (NNKH) gaar ahaan caruurnimadiisii, inkasta oo aan filayo in imika dib u sax lagu sameeyey .

waxa jirta in buuga fasalka 5aad ee maadada cilmiga bulshada (social study) oo uu wasiirkii hore ee waxbarashada ee dawladii Riyaale sheegay inuu khaas u yahay taariikhihii kala duwanaa ee somaliland  aanay arrinkaa waxba ka jirin oo wax somaliland ku saabsaniba ay yihiin 9 sadar oo kaliya ,markii arinkaa wax laga waydiiyayna Xasan Gadhwayne shir jaraa’id oo uu qabtay 24 january 2008dii waxa uu isku qaaday arimo aan looga fadhiyin isagoo halgankii dib u xoraynta dalkana ku sifeeyay mid aan u qalmin in la dhigto taariikhdiisa taas oo ah ayaan darro in taariikhdii halganka ee dalka dib loogu xoreeyay sidaas uu ku sifeeyo nin masuul qaran ahaa.

Waxa uu u badheedhay  inuu guud ahaan taariikhihii kala duwanaa ee Somaliland  uu ka saaro manhajka waxbarashada, halkee hadaba lagu arkay dal intuu iska daayo taariikhdiisii oo uu ka faano dhiganaya wax aan qiimo wayn u lahayn anba laga mudanyahay dhigashadiisa?.

Waxa xaqiiq ah in manhajka waxbarashadu uu yahay mid ay wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya marka laga reebo astaamo,casharo iyo cutubyo ay hayadihii inoo sameeyay ka dhigayeen sidii oo aynu kala manhaj nahay taasi oo si cad u soo baxday una fashilantay markii ay soo bexeen dhaliilaha uu leeyahay manhajku sanadkii 2008dii.

Tusaale booqo goobaha lagu iibiyo bugaagta ee badhtamaha Magaalada Hargeysa ama waydii ardayda dhigata, waxa kuu soo bixi doonta xaqiiqda dhabta ah ee jirta oo ah inaynu manhajka wadaagno Somalia oo waxaad arki labada buug.

Waxa iyaguna wakhtigaa sheegay in manhajkani aanu ahayn kii ay diyaariyeen xubno ka mid ahaa qorayaashii manhajka ee somaliland iyagoo cadeeyay in wixii ay diyaariyeen inta meel la iska dhigay, hayadda UNESCO ay la soo baxday mid kale oo jeebkeeda ah oo la ina muquuniyay.

Waxa jirta in maadooyinka fasalada 7-8aad ay yihiin kuwo aan u qalmin ardayda heerkaas ah: maadada soomaaligu waa sheeko caruureedyo halka ay manhajkii hore ka ahaayeen kuwo ku saabsan suugaantii abwaanadeena iyo sheekooyinkii caanka ahaa ee soomaalida. maadada saynisku waxay ku saabsantahay cudurka dilaagee HIV Aids iyo waxaan dhaamin. maadada ingiriisigu malaha buugaag u khaasa fasaladaa waxaanay macalimiinta dhigtaa u dhigaan si madaxay banaan ah. maadooyinka carabiga iyo diintu waa buugaag casharo badan oo aan lagaga gaadhsiin karayn mudada sanad dugsiyeedka. maadada xisaabta waxa ka muuqda qaladaad badan oo xaga tirooyinka iwm. maadada cilmiga bulshada oo markii hore kala ahayd Taariikh iyo Juquraafi mid walbana qayb muhiim ah somaliland uu ka waramayay taariikheheedii kala duwanaa ee somaliland sida qaybsigii gumaystaha ee qaaradda afrika 1884kii, xoriyadii 1960kii, la midowgii soomaaliya , halgankii dib u xoraynta ee SNM,la soo noqoshadii madax banaanida  iyo cimilada deegaankeena waxa ay imika  ka hadlaan waxaan somaliland khusaynin iyadoo dastuurka JSL qodobkiisa 15aad faqrada 2aad leedahay ”waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadwaynaha kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee somaliland’

Qodobkaas oo si cad u qeexaya in aasaaska ama mudnaanta la siinayo dhigashada wixii Somaliland ku saabsan markaana lagu darayo  wixi raaca ee barashadooda loo baahdo. waxa kaloo wasiirkii hore waxbarashadu afkiisa ka qiray inaynu isku manhaj nahay soomaaliya waxanu yidhi ”inaga iyo soomaaliya isku  manhaj baynu nahay meel baana lagu wada sameeyaa oo kii aqoonyahankeenu qoray ayay qaateen oo xarafka “Dh” ayay “R” ka dhigeen. Waxa kale oo lagu xasuustaa wasiirkii hore ee waxbarashada in secondary-ga marka uu u kala qaybsamo Arts & Science uu qayb ka mid ah ka joojiyay maadada Soomaaliga, taas oo ah afkeenii hooyo oo ay ku fiicnayd in labada qayboodba ay dhigtaan. waxa kale oo rijistarada lagu xaadiriyo ardayda ku taal waxa loogu tala galay dugsiyada soomaaliya ka furan. waxa kale oo jirta in hayadihii inaga caawiyay daabicida buugaagtu aanay qirin cidda loogu tala galay buugaagta iyagoo u mahad naqaya soomaalida.

Waxa iyana xusid mudan in buugaagta  Somaliland mooyaane aanay  meelna kaga qornayn jamhuuriyadda Somaliland markaa ma maamul goboleed ayaynu nahay mise dukaan,waa maxay Somaliland kaliya oo dal inay tahay aanay meesha ku qornayni  ?.

Waxa jirta in maababka lagu isticmaalo maadada cilmiga bulshada qaar ka mida aanay kala soocnayn xuduuda Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa buugaagta fasalada  5-8 qoraalkoodu u badanyahay lahjadda ay ku hadlaan reer Somaliya.

Waxa warqadda ararta ee buugaagta ku qoran dagaalkii u dhexeeyay shacbiga iyo dawladdii milatariga ahayd laakiin lama caddaynin ujeedada dagaalka oo ahayd halgankii shacbiga ee SNM horseedka ka  ahayd ee lagula soo noqonayay madax banaanida  iyo taliskii siyaad barre oo dhinaca kale ahaa  isla markaana xasuuq iyo hanti burburin aan lasoo koobi Karin kula kacay shacbiga.

Waxa jirta in qaladaadku u badanyahay maadooyinka  fasalada 5-8aad.

Waxaan u soo jeedinayaa aqoonyahanka iyo indheer garadka Somaliland inay daraasad ku sameeyaan manhajka tayadiisa oo ay u kuur galaan. iyadoo warqada ararta buugaagta ay ku taalo nuqulkani waa tijaabo ee wixii goldaloolo ah haloo soo gudbiyo wasaarada waxbarashada si tixgalin loo siiyo diyaarinta nuqulka buugaagta mustaqbalka ayaan masuuliyiinta wasaarada waxbarashada u soo jeedinayaa in dib loo qiimeeyo manhajka.

Manhajku waa inuu ku dhisnaado waddaniyad iyo qaranimada Somaliland kana warramo waxyaalaha kala duwan ee gobol waliba caanka ku yahay,waana in dugsiyada lagu dhigto CIVICS ama waddaniyada.

Masuuliyiinta xarunta manaahijtana waxaan odhan lahaa meel kaga dhicina qaranka JSL wadaninimadiinana ha iibsanina xaqiiqdana indhaha haka ridina.

Waxaan dawladda odhan lahaa isbadalkii dalka ka dhacay ha taabto manhajka dugsiyada hoose/dhexe, sidii aad ku balanqaadeen Barnaamijkii xisbigiina ee aad sheegteen inaad horumarin doontaan waxbarashada Qodobkii (VII. Horumarinta waxbarashada Aasaasiga ah iyo Tacliinta Sare), waxa la idiinka fadhiyaa sidii aad uga dhabayn lahaydeen fulintiisa.

Ugu danbayntiina waxaan maqaalkan ku gunaanadayaa Somaliland waatii soomaaliya kala soo noqotay madax banaanideedee xagga tacliinta iyo manhajkana aynu ku kala madaxbanaanaano.

 Qalinkii: Maxamed Maxamuud Yoonis