Guurtidda 9-Xubnood Oo Guddi ah U Saartay Dilkii Taliyaihii Booliska Degmada Xaaji Saalax

Haragasay(SLPOST):-Golaga Guurtida Somaliland,ayaa guddi u saaray dilkii toogashada ahaa ee lagu dilay Taliyihii booliska ee degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daadmadheedh Hurre Sahal.

gudoomiyah g

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  ka hadalay arintii ka dhacday degmada Xaaji Saalax  ee habeen hore lagu dilay  talayahii ciidanka bilayska degamada Xaaji. Saalax ee gobalka Daad Madheedh

 

 Isla markana waxaa  uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  in arinta  halkaas ka dhacay  ay tahay arin aad khatar u ah in badan ay soo noq noqotay isla markaana ay golaha Guurtidu gurmad ka gali doonto arintaas oo ay sida ugu dhakhsaha  badan uguna  wanaagsan ay arintaas u gali doonto iskuna dayi doonto inay soo afjarto arintaas oo marar badan soo noqnoqotay.

 

 

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland waxaa uu sheegay inay dhacdada dilka Xaaji Saalax  uu sheegay inuu u saaray 9 xubnood oo ka mid ah golaha Guurtida Somaliland isla markaana  waxaa uu sheegay  inay si dhakhso ah guddigaasi u bixi doonaan isla markaana toos uga hawl gali doonaan sidii arrintaa loo soo afjari lahaa.

 

 

1 Xill.Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Gudoomiye)

 

2  Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)

 

3 Xill. muuse ibraahim awnuur jiciir

 

4 Xill.cabdilahi ibarahim xirsi

 

5 Xill. Axmed Muuse Obsiiye

 

6 Xill.Cabdilahi Maxamed Xaaji Huruso.

 

7 Xill.Xirsi Ciise Jamac.

 

8. Xill. Axmed Wabari Maydhan.

 

9  Xill.Diini Cabdilahi Hande.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland