Guurtida Oo Xukuumadda Ku Garab Istaagay Fullinta Qisaasta, Daadefeeyayna Dhawaqii EU

Hargeysa, (SLP)- Golaha guurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyay xukunkii qisaasta ahaa ee dhawaan xukuumadda Somaliland ku fulisay lix qof oo dembiileyaal ah.

Xildhibaannada oo maanta fadhi ku yeeshay xarunta golahaas ayay ugu codeeyeen taageero ay u muujiyeen in la dilo qofkii sharcigu xukmo in la dilo, isla markaana ehelada labada dhinac isku waafaqaan.

Golaha guurtida ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay dhawaaqii Midawga Yurub uu ku cambaareeyay xukunka lagu fuliyay lixda qof.

Golaha ayaa sheegay inay xukuumadda ku barbar taagan yihiin fulinta qisaasta iyo in la sii wado, iyagoo meesha ka saaray jiritaanka cid amaro dusha kaga keeni karta Somaliland, waxaanu goluhu cod ku meel mariyay sida ay u taageersan yihiin fulinta Xukunnada dilka ah.

“Sharcigeenu wuxuu dhigayaa, qofkasta oo dila qof islaam ah ama qof aan dambi lahayn in la dilo. Dadka markaas leh yaan la dilin ciddii cid disha, waa cid Shareecada Islaamka ka soo horjeeda. Innaga oo ah dal Dastuur iyo Shuruuc leh, waxaynu ku dhaqmaynaa waxa weeye 130-kaas qodob ee dastuurkeena, cid dastuurkeena inagu amri karta oo amar dusha inagaga keeni kartaana ma jirto. Dastuurkeenu wuxuu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, markaa Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in Xukumadda taageero buuxda lagu siiyo fulinta dilkii dadkii gaystay dilalkii Badheedhka ahaa” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Guurtida Siciid Jaamac Cali.

 

Somalilandpost.net