“Guul Group Wuxuu kaala talinayaa Ganacsiga iyo Maalgashiga” – WARSAXAAFADEED

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda GUUL GROUP, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku soo bandhigtay adeegyo muhiim ah oo ay u qabanayso Qaybaha bulshada ee kala duwan, ururrada waddaniga ah, kuwa caalamiga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dawliga ahba.

War-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey adeegyada GUUL GROUP, ayaa qornaa sidan: “Kambaniga ganacsiga iyo maalgashiga ee Guul Group, wuxuu ku abuuray shaqo isku xidhan oo ay bud dhig u yihiin aqoonyahano waayo aragnimo shaqo u leh ganacsiga, una soo soo shaqeeyey dawlado, ururo, haya’ado iyo si madax bannaanba.

Guul Group waxay shaqo ka waday Somaliland muddooyinkii u danbeeyey, waxaana ay taasi keentay si fiican u fahamsan yahay ganacsiga Somaliland iyo qaabka uu u shaqeeyo. Muddo dheer oo ay u kuur geliyeen guulaha iyo waxyaabaha caqabadaha ku ah ganacsiga Somaliland waxay ka heleen inay xirfadleyaal iyo la taliyeyaal ugu deeqi karaan dadka ganacsi leh iyo kuwa abuuraya ganacsiga.

Xilligan aynu joogno Guul Group waxay ku foogan yihiin oo ay ganacsiga ka taageeraan dadka danaynaya ganasiga. Waxay kaa taageerayaan, qorshaynta iyo qaabaynta ganacsiga, horumarintiisa, qaabaynta mashruucaaga, suuq gaynta, magac u samaynta ganacsigaaga iyo arrimo kale. Arrimahaas oo dhana waxa uu Guul Group kaaga fulinayaa dalalka Somaliland, Somalia iyo geeska Africa, iyada oo ay jiraan ururo ama dad ay wada shaqayn wada leeyihiin oo ku sugan geeska Africa.

Ilaa iyo hada Guul Group waxay ku guulaysatay in ay tiro dad ah oo ganacsi abuuray ay ka faa’iidaystaan fursadaheeda oo ay haatanba goosteen midhihii ganacsigooda, kana heleen faa’iido aanay malaynayn. Guul Group waxay la shaqeeyaan ganacsato kala heer ah, sida ganacsi yar, ganacsi dhex, ganacsi ballaadhan iyo shakhsiyaadba, waxaana ay ka caawiyaan sidii ay ganacsigooda ugu sii horumarin lahaayeen jawi wanaagsaan iyada oo la siinayo macluumad waaqici ah iyo qiimayn sii korinaysa ganacsigooda.

guul groupQaybaha hadba doonaya in ay maalgelin ganacsi oo qiime leh ka abuuran gobolkan, yaanu shaki ka gelin Guul Group. Sababta oo ah hawshaadu uma dhacayso si indho la’aan ah, laakiin waxa ku hogaaminaya kooxo xog-ogaal u ah nooc ganacsi oo kasta iyo jawigiisa, taasina waa hawsha ay kuugu deeqayso Guul Group.

Ganacsiga Somaliland waa mid baadhaadhe iyo faa’iido badan leh, laakiin wuxuu noqon karaa mid aan qeexnayn hadii aan bilowgiisa si fiican looga fiirsan. Had iyo jeer waxa jira caqabado ku lamaan qaabka maalgashi ee Somaliland, waxaana ay u daran yihiin dadka aan baadhitaan samayn ama aan wax tallo ah ka helin dadka haya shaqada sida Guul Group oo kale.

Hadii aad hadba doonayso in aad ganacsi ka abuurayto Somaliland, Somalia ama  aad ganacsigaa ku fidinayso geeska Africa waa in aad la soo xidhiidhaa la taliyeyaasha Guul Group ee dhinaca ganacsiga, maamulka iyo suuqa geyntaba.

Guul Group maxay u taagan tahay?

Magaca Kambanigu waxa uu ka kooban yahay laba eray ama kelmadooda, Erayga Guul, waa af Somali, waxaana uu afka Ingiriiska ku noqonayaa  “Success”, waxa raaca Erayga Group waa eray shisheeye oo af Ingiriis ah, waxaana afka Somaligana ku noqonaya “Koox” ama “Urur”. Waxa muuqata in Kanbaniga  magaciisu ka soo kala jeedo Somali ah iyo shisheeye, waxaana uu tilmaamayaa iskaashiga  dhexmara Somali ah iyo mid shisheeye, sidaa awgeed waxaanu anaguna rajaynaynaa in iskaashiga maalgelinta ee u dhexeeya labadan dhinaca uu guulaysto.

GuulGroup waxa uu ku jira qaybo badan oo ganacsiga, Beeraha iyo Xoolaha noolba leh, waxaana aragtidiisu tahay inuu dhiso ganacsi dhaqaale ballaadhan ku yeesha Somaliland, Somalia iyo geeska Afrikaba. Kanbanigu ma aha inuu dhiso xidhiidhka ganacsiga iyo ganacsatada oo keliya ee waxa aragtidiisu tahay in la abuuro fikrado cusub iyo nidaamyo wax ku soo kordhin kara jawiga ganacsiga.

GuulGroup waxa xaruntiisa weyni tahay Hargeysa- Somaliland, waxa uu dad ay wada shaqeeyaan ku leeyahy geeska Afrika iyo UK. Waxaanu soo dhoweynaynaa fikradihiina iyo wixii aad nagu darsanaysaan.

for further information visit http://Guulgroup.com

Soo dhowaada.