“Guryahaa 3 guri oo dadkii ku jiray laga saaray mooyee intii soo hadhay waxay dadkii ku jiray ballanqaadeen inay iibsan doonaan”

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in tallaabada xukuumaddu ku iibinayso Guryaha dawladda ku tilmaamay go’aan ka soo baxay madaxweynaha Somaliland, waxaanu ku dooday in Iibinta, kiraynta, hibaynta iyo adeegsiga guryahaasi ay tahay waajib xukuumadda gaar u leedahay, iyaga oo sifo sharciga waafaqsanna u maraya, dhaqaalaha ka soo baxana lagu dari doono miisaaniyadda Dawladda.

Wasiir Hawlaha Guud oo ka hadlay munaasibad maanta xadhigga laga jaray mashaariic laga fuliyey wasaaradda Duulista, ayaa caddeeyey inay Xukuumad ahaan heshiis kula galeen dadka ku jira guryaha Dawladda ee ku yaala xaafadda Shacabka magaalada Hargeysa inay la wareegaan isla markaana ay bixiyaan lacagta looga baahan yahay iibkooda oo uu sheegay inaanay jirin cid kale oo masuuliyaddaas la wadaagta.

HALKAN KA DAAWO