Guinea: Madaxweynaha Talada Haya oo Dib Loo Doortay iyo Mucaaradka Oo Diidan

Guddiga doorashada ee dalka Guinea, waxa uu ku dhawaaqay in madaxweynaha hadda talada haya inuu markale ku guuleystay doorashadii la qabtay. Alpha Conde ayaa helay ku dhowaad boqolkiiba 58 codadkii la dhiibtay, sida uu guddidu sheegtay.

 

 

Conde oo 77 sano jir ah, waxaa suuragal ah in tani ay noqotay markiisii ugu dambeysay ee labaad ee xilka madaxweynaha ee dalkaasi uu qabto. Ninka sida wayn ula tartamaayay, Cellou Dalein Diallo, oo goobaha doorashada kala baxay wakiilladiisa ayaa la sheegay inuu helay 31 boqolkiiba.

 

 

Hogaamiyaha mucaaradka ugu ballaadhan ee Guinea,  ayaan sugin illaa uu natiijada ku dhawaaqo guddiga, wuxuuna qaadacay arrintan xilli hore. Waxa uu sheegay in laaluush iyo waxyaabo badan oo aan sharci ahayn inay doorashada hadheysay.

 

 

Waxa uu sheegay in inaanu maxkamad aadeynin natiija kastaa oo soo baxdo. Wuxuuna taageerayaashiisa u sheegay inay isdejiyaan oo ay ka qeybgalaan dibadbax nabadeed. Laakiin xisbiga talada haya ee Madaxweyne Alpha Conde waxa ay mucaaradka ugu baaqayaan inay natiijada aqbalaan oo  walaaca joojiyaan.

 

 

 

Kormeerayaasha  caalamiga ah ayaa waxa ay sheegayaan in dhibaato ay jirtay maalintii doorashada, laakiin ceebahaasi yaryar aysan saameyneynin natiijada.

Waxaa la sheegayaa inay rabshada u dhexeeya taageerayaasha labada dhinac ay ka jiraan meelaha qaar. Laakiin maalintii doorashada waxa ay ahayd mid nabadeed.