Salaan ka dib, masuul kasta oo umad xil u qabtaa waxa uu kasbadaa sharaf haddii uu wax-qabad la taaban karo iyo taariikh kaga tago bulshada dhexdeeda, laakiin waxa karaamadiisa iyo sharaftiisa ay gooni u tilmaamnaadaan marka uu magac xumo kaga tago xilka uu umadda u hayey, walibana uu ka daba hadlo marka xilka loo dhiibtay laga qaado.
Waxaan uga socdaa, qalinkana aan u qaatay, haddallo ka soo yeedhay Gudoomiyihii Hore ee Degmada Alaybaday ee Xilka laga Qaaday oo ilaa hadda u qaadan la’ xil ka qaadistii lagu sameeyay, isla markaana kala garana in xilkii uu hayo iyo inkale. Waayo, waxaad arkaysaa isagoo had iyo jeer ka hadlaya warbaahinta oo hawlihii xafiiska iyo arrimo aan hada isaga khusayn uu meelahaa kaga hadlo.
Waxaa iska caado ah in Marka Masuul, la badalo ay afkiisa ka soo baxaaan Waxyaabo aan looga fadhiyin oo aan munaasib ahayn.
Waxa ay Bulshada Reer Alaybaday ka wada dharagsantahay Mudadii uu xilka hayay waxqabadkiisii oo bulshadu aad ayay uga dharagsantahay Qof wal oo masuul ah oo soo marayba Xumihiisa, iyo Wanaagiisa.
Haddaba, Ex Gudoomiyihii Dauud Xuseen Jaamac Hore Waxaanu ku sheegaynaa Haddii cidi haddii cidi bulshada kula dhexjirtay Muaamaraad iyo hadalo aan munaasibad ahayn, Maamul xumo, musuqmaasuq iwm adiga ayaa ka kow ah. Waxaana ka makhraati kacaya, Bulashada Reer Alaybaday waa Bulsho taageersan Madaxdeeda iyo Dawladeeda oo ay Marwalbana la garab taagan hiil iyo hooba.
Qurba jooga Reer Alaybaday iyo dadkooduna waa kuwa dhisan kara Waddo Wanaagsan awoodaana way leeyihiin,
Waxaanu Talo kuugu soo jeedinaynaaa Arimahan hoos ku qoran:-
1- Inaad ka dhawarsoonaato, Waxyaabaha Mustaxiilka ah ee aad Bulshada Reer Alaybaday kula dhex wareegayso.
2- Inaad Iska dayso Waxka sheega Madaxada Qaranka Dadka Maamulka maanta haya, Waayo Shalay ayaad xilka haysay, Barina Waad iman kartaaa, Taariikhda ayaa idinka kala sheegi doonta adiga iyo Maamulka hadda jira mid waliba wuxuu u taray iyo wuxuu qabtay.
Talo ku Socoto Bulshada Reer Alaybaday : –
a) Waxaan Bulshada waynta Reer Allaybaday kula talin lahaa in aanay dhagaysan Daacayada Raqiiska ah ee Ex Gudoomiyihii Hore kula Dhex wareegayo Degmada.
b) Maamulka Cusub ee Degmadana Mid baan leeyahay, Faraska usha waxa loogu dhuftaa ha kasii badiyo haddii bulshada aad maamulka u tihiin ay idinka yimaadaan dhaliilo waa toosintiina, Dacaayadaha Raqiiska ee ex Gudoomiyihii hore ee Daaud Xuseen Jaamac wadana, Waxay ka dhigantahay Riyo hadday dub leeyihiin Dabadooda ayay ku qarin lahaayeen, Haduu Wax qabanayo Ex gudoomiyihii hore Wakhtigii uu Xilka hayay ayuu qaban lahaa. Haddii se aad la mid noqotaan kii hore waddadii uu maray ayaad Mari doontaan idinkuna, dadkuna way kaa tashan doonaan ee ka taxaddir ayaan leenahay, dawladyadana waanu jecelnahay, Madaxda waanu jecelni hadal qof yidhaahdaan waxba kama tarayo in bulshada lagu marin habaabiyo.
Alaa Mahad leh
Maxamed Haldoor