Gudoomiye Cirro Oo Reer Boorama U Faahfaahiyay Waxa Uu Ka Aaminsanyahay Saamiqaybsiga Wakiilada ee Reer Awdal Ay Ka Cawdeen

 

Boorma(SLpost)-Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiramxaan Cirro ayaa reer Boorama u faahfaahiyay sida uu ka saaminsan yahay saamiqaybsiga xildhibaanada golaha wakiilada.

Waxa uu gudoomiyahu sheegay inay tahay in talo qaran arinka laga yeesho xukuumadana looga fadhiyo inay samayso tirakoobyo iyo sugitaanka xuduudaha degmooyinka dalka, ugu danbayntana xalka arintaas uu leeyahay madaxweynaha qaranku, waxaan isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Arintaa baarlamaanka xeerkiisa in la soo dhigo way ahayd oo wax aynu doonaynay in aynu doorasho galno, arinta saami qaybsiga waxaan doonayaa inaan dadka Somaliland u iftiimiyo in maxkamada Somaliland ay go’aan ka gaadhay 2005-tii oo ay ahayd waajib saarnaa xukuumadii kala danbeeyay ee Somaliland inay sameeyaan waxyaabaha danbe ee lagu samayn doono saami qaybsiga, oo ay ka mid ahaayeen inshacabiga Somaliland la tirooobo, in xuduudaha degmooyinka la sugo, in aanu soo dhigno golaha way ahayd ee waajibaadkii xukuumada ayaa maqnaa, waanuna ku talo galnay in xeerkana la keeno arintaasna talo qaran laga yeesho, gudi ayaa arinta loo dhiibay waxaana aanu ku amarnay in arinta saamiqaybsiga laga yeelan doono talo qaran, la’la kulmaayo haayadaha qaranka, guurtida, bulshada iyo gobaladaba leh, marka talo qaran laga yeesho madaxweynaha ayay ku ururaysaa oo laga rabaa arinta xalkeeda.”