Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo si Adag Uga Hadlay Xadhiga Suxufiyiinta, Salaadiinta Iyo Fannaaniinta

Hargeysa(SLpost) Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay inay dejiyeen hanaan cusub oo ay raacayso cidda cabasho ka qabta Saxaafadda islamarkaana aanay dhici doonin hay’ad warbaahineed ama suxufi lagu xidho mihnaddiisa xukun la’aan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay doorkooda xadhiga hoobalada shalay la xidhay.

 

“ Waxaanu raacnay waddo cusub oo ah mihnadda saxaafadda iyo saxafiga inaan loo xidhin mihnaddiisa uu gudanayo. Haddii loo haysto wax dambi ah mihnaddiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin laakiin dacwad la furo oo hadhaw wixii maxakamaddu soo saarto lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxakamadda laga hortagin,” ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mararka qaar khalad baa dhaca xagga booliska ka yimaada oo iyadoo aan maxakamadda wax waaran ah laga wadan qofkii muddo gaaban la xidho, markaa maxakamaddaha marka kaliya ee qofku u xisaabsan yahay waa marka ay waaran sharci ah soo saaraan. Waxaanu hadda raacnay nidaam cusub oo ah saxaafaddu dadka kale way ka duwan tahay ee dacwad ha loo furo,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa saddex dacwadood oo saxaafadda ku saabsan ay qaadeen intii uu xilka hayay islamarkaana dacwaddu socotay iyadoon suxufi iyo xarun warbaahineed midna la xidhin, saxaafadduna qabsatay looyaro oo is difaacaysay.

 

Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu ka hadlay doorkooda xadhiga fannaaniinta xidigaha geeska ee shalay afar ka mid ah la xidhay “Iyagu(Fannaaniintu) way ka duwan yihiin saxaafadda oo iyaga iyo salaadiinta iyo dadka caanka ahi, had iyo jeer haddii lagu eedaynayo dambi qaranka ka soo horjeeda ama ciqaab ah, iyaga marka hore booliska ayaa baadhis sameeya,haddii markaas la arko in dambi dhacay nidaamkii caadiga ahaa ayay maraan, xeer ilaalinta ayay maraan, dabeed waaran ayaa la dalbadaa, kadibna waa la soo qabtaa. Markaa anaga halkaas waxa nagala gudboon uun in marka waaranka la jarayo shuruudaha galdacwadeedu buuxaan oo shuruudihii laga helay iyo marka mar dhaw maxakamadda la keeno inay helaan gar naq caddaalad ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha maxakamadda sare.

 

Booliska Somaliland ayaa shalay xabsiga dhigay afarta fannaan ee kala ah Xamda-queen, Nimcaan-hilaac, Maxamed-cirro iyo Cabdiraxmaan-oday oo ka soo laabtay Muqdisho. waxaa lagu haystaa tagistooda Muqdisho oo xukumadda Somaliland sheegtay inaanu sharcigu u ogolayn.