Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo dib ugu soo celiyay Guleid Ahmed Jama ruqsadiisii qareenimo ee Wasiirka Caddaaladu ka joojiyay

scan0001Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL wuxuu soo saaray qaraar uu ku tirtirayo go’aan uu Wasiirka Caddaaladu hore ruqsadii qareenimo ugaga joojiyay Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu go’aankiisa ku sheegay inaan wasiirku awood u lahayn inuu ruqsad ka qaado qareen islamarkaana wuxuu cadeeyey in ka mid ahaanshaha urur xuquuqal insaan aanay ka hor imanayn in lagu shaqaysto qareenimo.

Waxaay ahayd 16kii May markii Wasiirka Caddaaladu soo saaray go’aan uu shaqada qareenimo kaga joojinayo Guuleed Axmed Jaamac.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay soo dhowaynaysaa kana mahad celinaysaa go’aanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare. Xarunta waxaay si wayn ugu mahad celinaysaa ashqaastii, ururadii iyo dawladihiii u dooday Guuleed.

KA DHUGO GO’AANKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE

scan0001scan0002 (1)